Abu Mansuur Al-Amriki: Yuu ahaa Ninka sheegtay in uu yahay Argagixiso?

Keydmedia Online - Cumar Shafiq Xamaami oo loo yaqaano Abu Mansuur Al-Amriki ayaa dhawaan sheegay inuu ka baxay Ururka Al-Shabaab iyo Al-Qaacidda.
Maqaallo Keydmedia Online
Abu Mansuur Al-Amriki: Yuu ahaa Ninka sheegtay in uu yahay Argagixiso?

Al-Amriki oo ay Wareysatay Laanta Af-Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in hada kadib uusan ka mid ahayn Al-shabaab iyo Al-qaacida, wuxuuna intaa ku daray in uu naftiisa uu kala baqayo hogaamiyaha Maleeshiyaadka Al-shabaab Mukhtaar Abu zubeyr.

"Markaan si furan u hadlo, Aniga ma ahi Al-Shabaab mana ihi Al-Qaacida, waxanse ahay Argagixiso" Ayuu yiri Al-Amriki.

Markii la weydiiyay Kooxduu hada katirsanyahay, maadaama uu sheegay in uu ka baxay Al-Shabaab-Qaacida ayuu wuxuu yiri: "Waxaan kamid ahay Muslimiinta, gaar ahaan waxaan xusub ka ahay Muslimiinta Beelaha Raxanweyn ee Soomaaliyeed (…) Aniga Xusub kama ahi Al-Shabaab iyo Al-Qaacida"

Cumar Hammami ayaa sheegay in uu imika ku suganyahay oo uu ku dhuumaaleeysanayo dhul keyn ah oo ku yaal gobollada Bay iyo Bakool, wuxuuna intaa ku daray in Xarakada Al-shabaab ay gacanta ku dhigtay laba xaas oo uu lahaa, isagoona sidoo kale sheegay in la dilay nin hoy siiyay xaasaskiisa.

Siduu u bilowday Khilaafka?

Macluumaad ay Keydmedia ka heshay Saraakiil ka tirsan Kooxda Shabaab ayaa sheegaya in Khilaafka uu ka dhex dilaacay markii hore Horjooge lagu magacaabo Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad oo loo yaqaano Ibraahim Afgaan iyo Abuu Mansuur Al-Imriki kadib markii uu Afgaan si bareer ah u dilay Horjooge Ajnabi ah oo ay si aad ah isugu dhawaayeen Al Imriiki.

Khilaafkaasi ayaa soo socday muddo Todobaadyo ah waxaana uu Ibraahim Afgaan mar labaada isku dayay inuu si gaadamo ah ku dilo Alimriiki inkastoo uu falkaasi ka fashilmay.

Abuu Mansuur Al-Imriiki waxa uu kamid yahay Ajaaniib farabadan oo si Sharci darro ah kusoo gashay Wadanka islamarkaasna si toos ah uga qeybqaadatay banneysashada Dhiigga Islaamka iyo sidoo kale boobka loo geyso hantida ay leeyihiin Dadka Soomaaliyeed.

Xog kale oo aan helnay ayaa wax ay sheegeysaa in looga Shaki Qabo Abuu Mansuur Al-imriiki inuu kamid ahaa (ama kamid yahay) Ciidamada Sirdoonka Mareykanka taasina ay keentay in uu beegsado Ibraahim Afgaan maadaama lagu arkayay isagoo Mobillo kale kula hadlaaya dad Ajaaniib ah.

Sidoo kale Niman kasoo goostay Kooxda Al-Shabaab oo la shaqeyn jiray Al-Amriki ayaa sheegay in Qalabka uu haysto Cumar Xamaami aysan horey u arkin. Guriga Cumar Xamaami ayaa lagu Hub Casri ah iyo Qada Internetka ee Satellite Internet.

Yuu ahaa Al-Amriki?

Cumar Shafiq Xamami oo loo yaqaano Abu Mansuur Al-Amriki wuxu ku dhashay xaafada Daphne ee duleedka Mobile, Alabama ee dalka Maraykanka Taariikhdu markey aheyd Maajo 6, 1984.

Cumar waxa iska dhalay Aabe Suuriyaan Muslina ah iyo hooyo Maraykan Kirishtaana ah oo haysata mad-habta Southern Baptist ee Protestant-ka mayalka adag ah.

Cumar oo ku koray diin la




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.