Ardayda Soomaaliyeed & Aayaha Ummadda (Worldwide Somali Students) Daawo Video

London (Keydmedia) - Dadkii Soomaaliyeed ee dunida u hayaamay waxay u kala qeybsameen laba qeybood oo kala ah kuwa Dalkii ka sagsaagay oo is mooday in ay la mid yihiin Dadkii ay dalalkooda kuwa qaxeen iyo kuwa laabta ku haya mar walba in Dal ay leeyihiin uu ka danbeeyo dadaalna uu ka sugayo.
Maqaallo Keydmedia Online
Ardayda Soomaaliyeed & Aayaha Ummadda (Worldwide Somali Students) Daawo Video

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha tagtay ama kuwa dhalatay waxay u kala qeybsameen laba qeyb oo kala ah kuwa wax bartay iyo kuwa sagsaagay oo ku faraq xirtay gaangiska aduunka, waxaana kuwa wax bartay badankood ay yihiin kuwa qalbigooda uu ku xiranyahay Soomaaliya oo mar walba ka fakara sidii Dalka iyo dadka ay horumarkooda uga shaqeyn lahaayeen.

Ma jiro ama waa yar yahay Dal aduunka ku yaala oo aanay dad Soomaaliyeed ku sugneen, waxaana dhamaan ardayda Soomaaliyeed ee Caalamka wax ka barata ay yihiin kuwa dadaal ugu jira sidii dalalkaasi ay kala soo laaban lahaayeen aqoon Dalka iyo dadka ay ugu adeegaan mustaqbalka.

Sanada badan warbaahinta Soomaalida iyo tan Caalamkaba waxa ay warisay warar muujinaya arday Soomaaliyeed oo kaalmaha kowaad ka galay jaamacadaha iyo iskuulada ay wax ka bartaan, waxaana taasi ay daboolka ka qaadeysaa in ardayda Soomaaliyeed mar walba ay laabta ku hayaan in aqoon ay kala noqdaan dalalka ay joogaan ayna doonayaan mustaqbalka in Dalka iyo dadka ay uga faa’ideyaan aqoontooda.

Dal walba oo ay arday Soomaaliyeed wax ku barata waxaa ka jira urur ay ku mideysan yihiin ardayda kana shaqeeya danahooda, waxaana ururadaasi ay wada shaqeyn balaaran la leeyihiin ardayda kale ee ka soo jeeda Dalalka caalamka ee ay waxbarashada wadaagaan.

Hada waxaa muuqanaya ifafaalo bud dhigiisa uu yahay in ardayda Soomaaliyeed ay u gudbayaan nidaam isku xirnaasho oo calaami ah, iyagoona sameestay isu tag lagu magacaabo Ardayda Soomaaliyeed ee Caalamka - Worldwide Somali Students, waxaana isu tagaan xaruntiisa ugu weyn ay tahay Dalka UK.

Isu tagan waxaa aas-aasay Khaasim Max’ed Cali oo ah arday Soomaaliyeed oo barta Cilmiga Baarista Shidaalka (Petroleum Geology) oo ku nool Dalka UK, waxaana xarumo iyo wakiilo uu ku leeyahay isu taga Dalalka caalamka ee ay ardayda Soomaaliyeed wax ka bartaan.

Himilooyinka uu hiigsanayo isu tagan ayaa waxaa ka mid ah in ardayda Soomaaliyeed ee dunida maskaxdooda la kulmiyo si dalka looga saaro dhibaatada, waxaana dhalinyarada ku mideysan Daladan ay sheegeen in ay qorsheynayaan socdaal dheer oo ay ku soo maraan Soomaaliya oo dhan sanadka 2012 ee soo socda.

Qodobada ku xusan istaraatiijiyada isu tagan ayaa waxaa qeyb ka ah horumarinta waxbarashada dhalinyarada, ka qeyb galka maamulka dalka heer walba jiilka aqoonyahanka ah ee Dalka u soo baxay iyo  in lala dagaalamo nidaamka ku saleysan qabiileysiga iyo gobaleysiga loona shaqeeyo hab qaranimo ku saleysan.

Aas-aasaha is-xilqaamay Mr. Khasim waxa uu sheegay in Worldwide Somali Students uu soo dhaweynayo isla markaana niyad furan ku qaableyso arday walba oo Soomaali ah isla markaana ay ka go’antahay wax u qabashada Dalka iyo dadka.

Dadaalkan ay wadaan dhalinyarada waxbaratay ee Soomaaliyeed ayaa ah mid niyadda u dhisaya shacabka Soomaaliyeed ee ka daalay dhibaatada iyo dagaalada mudada rubac qarniga ku dhaw ka socda Dalka ee aan ujeedada buuran laheyn.

Haddii aad tahay arday Soomaaliyeed haka labalabeyn inaad ka mid noqoto Worldwide Somali Students, oo irda furan kugu soo dhaweynayaan. Worldwide Somali Students on Facebook.

Fadlan nala Daawo Video-gaan oo si casrisan loo sameeyay:

Keydmedia.net - Xafiiska London

_________




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.