Asalka Al-Shabaab Iyo Unugga Argagixisada!

Bashiir M. Xersi — Islaamkii dhawaangalka ahaa, ee Waddanka soo gaaray dhammaadkii siddeetameeyadii iyo horraantii sagaashameeyadii, wuxuu dhaliyey dhaqanguur iyo dhalanrog aad u baaxad weyn, oo saameeyey dhammaan qaybaha bulshada, dhinacyada nolosha, hab fekerka umadda iyo hannaanka maamulka, wixii laga dhaxlay loo wada joogay. Ma xumaa ma samaa?
Maqaallo Keydmedia Online
Asalka Al-Shabaab Iyo Unugga Argagixisada!

Warcelinta aan isaga soo laabannee, bal ila jeexjeex aragtida, hana is dhihin marna inaan u kala eexanayo laba URUR DIIIMEED ee mid walbaa AL wato. Anoo kuu cilladayn doona, haddana, ha i dhararsan.

Laga yaabee, inaad la yaabtay, markaan iri ISLAAM DHAWAAN GAL ah, oo waxaan wada ognahay in DIINTA ISLAAMKU Waddanka (Soomaaliya) ku fidday xilli aan dhawayn. Dadka qaar baaba qaba in farriinta diintu na soo gaartay intii SUUBBANUHU ifka joogay, ee aan ilka la dhigin. Haddana, maalintaa diintu timid ilaa maanta, maalmo ka murugo iyo maamuus xun maalmahan aan ku nool nahay nama soo marin. Dabcan waxaan u jeedaa dhan diimeed, ee kama hadlayo hoggaan, maamul iyo siyaasad, oo taasi ka hadal iyo ka sheekayn maba lahan, inay mudan  tahay shaki yaaba iiga jira.

Waxa dhacay aan wariyee, bal ila soco. Dunida Muslinka ee aan ka mid nahay waxaa jirtay xilli ay ka hana qaadeen wax loogu yeero afka Carabiga “AL SAXWA AL ISLAMIYA” oo ka dhigan “BARAARUG ISLAAMEED” asal ahaan wuxuu ka hanaqaaday waddamada Masar iyo Sacuudiga, oo ah labada waddan ee dhoof geeya aragti diimeedyada ugu xoogga baddan Dunida Muslinka (WAHAABIYA iyo IKHWAAN MUSLIMIIN) marka laga reebo SUUFIYADA, oo ah aragti ka da’ weyn kana daggan.

Dhanka Sucuudiga waxaa horjoogay ninka loo yaqaan: Maxamed Cabdil Wahaab, oo isna ku daabnaa tii Ibnu Teymiya ee Mahdabka Xanaabilada; Markii dambe ayaa magac ahaan isaga loo nisbeeyey qolada loo aqoonsaday “WAHAABIYA” haba diidaan ama dhahaan magac ahaan qof loo yaqaan ma jiro. Buugaagtiisa kuwa uga caansan ee aan filayo in inta badan la wada maqlay waxaa ka mid ah “FATXUL MAJIID” kooxaha aragtidaa qaadatay waxaa nagala jooga; AL ITIXAAD, AL ICTISAAM, AL SALAFIYA, AL SHABAAB IKK.

Asxaab kooban weeyaan
Afar iyo shan weeyaan
Albaabkooda lama galo
Ehel iyo qaraabiyo
Xigta maba u oommana!

Dhanka dalka Masarna waxaa horseed ka ahaa ninka la yiraa; Xasan Al Bannaa, oo markii dambe daldalaad lagu fuliyey. Isna wuxuu keenay aragtida ku magac baxday “IKHWAAN MUSLIMIIN” ee ay nagala joogaan kooxaha kala ah; AL ISLAAX, MAJMAC AL CULAMAA {AALA SHEEKH} iyo AL DAMUL JADIID oo ka falliirmay AL ISLAAX.

AALA AALA weeyaan
ASHU waa billaawoo
Waa astaan u gaaroo
Waa iridda koowaad
Waa albaab u xiranoo
Aadane ka soo galin!

Labadii aragti ee labadaa nin kala dhaliyeen ee labadaa waddan ka kala hanaqaadday, waxay saamayn xooggan ku yeesheen Dunida Muslinka. Sanadihii todobaatameeyadii, seddeetameeyadii iyo sagaashamaadkii waxaa Dunida Muslinka ka dillaacay DAACUUN DIINEED, oo SIYAASAD iyo xukun salka ku haya, oo aan dhagax iyo dhir midna reebin.

Dunida Muslinka waxaa hareeyey qalalaase siyaasadeed, heer qaraxyo iyo qaarijin qaati laga istaagay. Waddamadaa waxaan ka xusi karnaa: Masar, Suuriya, Indoniseya, Aljeeriya, Tunis, Marooko IQK. Intaa waxaa sii dheeraa JIHAAD ku sheeggii waddanka Afganistaan, oo u ahaa isha ay waraabaan aragtiyada xagjirka ah. labada waddan ee Masar iyo Sucuudina oo Maraykanku gabbaad ka dhigtay, lana wadaagay jabintii Soofiyeedka, una hirgalshay inay xaq tahay in lagu Jihaado Soofiyeedka . Wixii ay ku dambaysay loo wada joog.

Waddankeenna [Soomaaliya] berigaa waxaa ka talinaysay Dawladdii Tanti Wadaagga ee ay hoggaanka u hayeen Ciidanka. Dabcan aragtidaa diimeed sida Waddamada kale ee aan diin wadaagga nahay ayey dalka soo gashay. Waan hubaa in sheeko ama shaahid mid aad ku heshay sida xaalku ahaa waagaa. Dawladdii Militarigu waxay gacan bir ah ku qabatay wadaaddii waday diinta soo galootiga ahayd, heer ay qaarkood dil toogasho ah ku xukuntay, kuna fulisay.

Dilkaa lagu kala aragti duwan, sida aan isku aragti looga ahayn intii ay dhib gaysatay Dawladdii magaca Kacaanka ku suntanayd. Laga yaabee, in xilligaa aan dadka intiisa badan aragti xaddidan iyo mid xarafsan midna ka qaadan. Balse, dhawaanahan aragtidu hal dhan bay u ciirtay, aanse dhan kale kaa wadaajiyo, adoon igu soo degdegin.

Waxaa jira qodob qeexaya in la raaco WALIYU AMRIGA (MADAXDA). Marka qodobkaa laga shidaal qaato raggii qaranka iyo hannaan dawladeedkii jiray ka soo horjeestay maxaa laga dhihi karaa? Mise iyagu magac Culimo ayey ku suntan yihiin oo marna qaban maayo qodobkaa? Oo waa: La jiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan!

Diin ahaan marka xagga la iska dhigo, illeyn dad badan oo xuurto kugula soo dul dhacaya ayaa jiree, aan ka eegno laba arrimood, oo laga yaabo mid ka mid ah inay hoosgalayso isla diintaba. Waxaan isla qiraynnaa in qofkii qilaaf dhalin kara qalaalaaso siyaasadeedna abuuri kara ee qatar galin kara qaranka inay xaq tahay in dadka laga qabto. Sidee? Waa meesheeda, ee adba si uun u suurayso.

Midda kale, ee maalmuhu noo caddeeyeen waxa ay tahay, in haddii aan raggaa maalintaa go




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.