Askariga Soomaaliyeed ma aha, ee waa Moryaan Qaad Dilooday

Dr. Ismail Malaas - Waa mooryaan qaad dilooday, rasaasta iyo qoryaha ayeey ka iibsadaan kooxaha mucaaradka, waxay ka kooban yihiin ciidamadii qabqablayaasha dagaalka, waa waa iyo waa cay ah ayaa isdaba dhigaa, cidina isma weydiiso nolashooda sey tahay, mushaar baa u qorane mala siiyaa, taliyaasha ciidmaada ma u madax in ay ciidamadooda iyagu u doortaan madaxda unugga, horinta, guutada, gaaska iyo in ay iyagoo ka soo fiirsaday u xushaan saraakiisha ku haboon in ay xisaabiyaasha iyo lacag bixiyayaasha xushaan? Su’aalahaasoo dhan cidi isma weydiiso.
Maqaallo Keydmedia Online
Askariga Soomaaliyeed ma aha, ee waa Moryaan Qaad Dilooday

Taageero lacageed ee fara badan ayaa loo dalbada loona fidiyaa  Ciidamada Amisom ha noqoto midowga Afrika ama qaramada midoowa, Milatariga Soomaaliyeed dowladaha beesha caalamka lacag mushaar ah ayaa loo weydiistaa si gaar ahaa ururka Islaamka, Jaamacadda Carabta IWM “laba cali isma weydiiso” lacagaha loogu soo deeqo, mararka qaarkood toos ma loogu dhiibo wasaaradda Maaliyadda, taliyaasha ciidamadana malala socodsiiyo.

Askari gaajeysan, caruurtiisa gaajeysan tahay, bukoon kara, ehel ka bukoon karo kana wel weli kara qalbi uu ku dagaalo ma yeelan karaa?  Dagaal daacad ah oo uu naftiisa ugu huro soo celinta midnimada haybadda iyo sumacadii sharafta laheyd ee dalka?

Maqal waxaa igu ah mar aan tagay Kambaala maalin keliyana soo joogay, in madaxda sare ee dowladda iyo teliyaha milletariga ay isku qabteen iskuna mari waayeen lacag bixiyaha sare ee ciidamada in la bedalo, taliyaha ciidamada wuxuu dalbaday in lacag bixiyaha ciidamada uu bedalo, waxaana ka hor istaagay madaxda sare ee dowladda, dhibaatada heysata madaxweynaha waxaa ka mid ah in qof jaga ka haya ciidamada weliba jago sare hadii anshax xumo lagu tuhmo sidaasoo uu soo jeediyo taliyaha Milatariga aanu ka qaadi Karin waayo “Shakhsiyadda ayaa weyn” ee dowladda ayuu ciidmadiisa ama mileeshiyadiisa ahaa, shakhsiyaddaasoo haddii sarkaaalkaas laga laabto gilgili karta jiritaanka madaxtooyada waa nasiib darrooyinka na haya mid ka mid ah.

Inkastoo axdiga KMG ah uu qorayo in madaxweynaha taliyaha guud ee ciidamada yahay, hadana waa wax xushmad ahaan loo siiyay lagumana siin inuu yahay xirfadle dagaal, madaxweynahana isagoo shakhsiyadiisa dhibca mad madow ka dhawraya ee burburin kara mar labaad jiritaanka dowladda  waa inuu saraakiisha xirafadlayaasha ah uu talada sare ee dowladda u madax baneeyao, go’aan qaadashada isaga uu ku ekaadaa xushmadda “OG” saraakiisha xidiguhu ku taxan yihiin ee qab qablayaasha dagaal u ahaa Maleeshiyada hala eryo la oran mayo mar haddii qoriga si fiican ay u ridayaan, sidoo kale kuwa xidigaha ku taxan yihiin ee xidigahaas aan dhibow iyo dugsi uga soo bixin balse ku helay in ay maxaakiimti u soo dagaalameen weliba ka qeyb galeen dagaalkii Buurhakaba lagula dagaalamay Itoobiya kuwaa la eryi mayo, laakiin sarkaalka dhibow ka soo baxay, seddex xariglaha ah, laba xidigle, kabtan iyo ka saraba kuliyadda Miletarigana ka soo baxay askar soo tababaray iyo kuwaas ayaa safka hore ee dagaal galaya, iyagaa u kala qeybinaya goobaha jufa qura goob la geyn maayo ee waa leysku dhafayaa, kaartada dagaal iyagaa dajinaya waayo dagaalka ma aha iska dhimo oo ha bato khasaaruhu, balse dagaal gal, adkaw khasaarahaagana ha yaraado.

Mucaaradka ka soo horjeeda dowladda xoog la sheego ma leh ee madaxda sare ee dowladda ayaa ka leexaneysa in ciidankii Soomaaliyeed ee dadkii dhisay uu ka mid yahay Jeneraal Daa’uud C/lle Xirsi Alle ha u naxariistee ahaana taliyihii u horeeyay ee ciidan Soomaaliyeed, waxaad moodaa in aan ciidankaasi la dooneyn.

Haatan Miletariga Soomaaliyeed waxaa madax looga dhigay Jenaraal Kumaandoos ahaa oo leh billad geesi xagga miletariga, hufan daacadna ah  sida lagu hayo taariikhdiisa taliyahan oo lagu naaneeso Cirfiit  laakiin aan aheyn Cirfiit  oo ah askari naftiisa u haray Dalka ma loo deyn doonaa inuu habeeyo ciidamada soona celiyo heybaddii ciidamada.

Waxaan u maleynayaa in madaxweyne shariif oo ka fogaado yeelashada la taliyayaal badan  iyo R/wasaaruhu in ay xukuumad “Teknocrat” ah dhisaaan  isla markaana R/wasaaraha aan loogu talin dhinaca dhisidda xukuumadda  noocaas ah.

Biliiska Soomaaliyeed oo ka mid ah ciidamada qalabka sida  dad badan oo ka hadlaya aan maqlay taliyaha iminka hogaamiya waa nin nadiif ah  xirfad biliisna leh, isaguna waa la mid sida melatariga oo saraakiil Biliis ah oo dagaal un galay ayaa ku jira ciidamadiisa, hase yeeshee iyadoon la eryin saraakiishaas oo aad u dhaama  saraakiisha dagaalkii Buur-hakaba ee maxkamadaha oo waaya aragnimadooda ku egtahay dagaalkaas oo keliya.

Saraakiishan qudhooda waa in tababar dhibbow ee saraakiil loo sameeyaa “waa tababar nooc cusub ah iyo dhibbow nooc cusub ah oo alle ku baday”.

R/wasaaraha cusub wuxuu ku celceliyay inuu xukuumad tayo leh sameyn doono waxaana ilaah uga baryeynaa inuu u fududaado waajibkiisa, waa wiil uu dhalay C/laahi Farmaajo oo SYL mukhalis ah ahaa ee ilaahay haka dhigo sidii aabihiis, kuwa la mid ah ayaa jidkii khaa’innimada raacay.

Waa adagtahay xukuumad tayo leh ee “TECNOCRAT AH”  technocrat macnaheedu waxa weeye in wasiir walba  loo dhiibo mehradda uu xariifka ku yahay ee aan leysaga dhiibin xil aanu aqoon u laheyn.

Bal ma maqasheen Dr Xuseen Ceelaabe  Faahiye oo muddo dheer ahaa wasiirkii wasaaradda qorsheynta marnaba xukuumadihii is bedbedalay ifka howasha ma aanay keenin waayo waa wadani nadiif ah .

Hadalkeyga waxaan ku soo koobayaa ciidamada qalabka sida hala siiyo mudankooda inta xildhibaanada geerish iyo qaad u qeyliya iyo qadwalayaasha qaadka ka ganacsada  baangadahana wata jagooyin waa weyn loo dhiibayo.

Waxaan ku soo afmeerayaa qoraalkeyga ciidamada qalabka sida Cadaalad iyo Amni ma xaqiijin karaan iyadoo libaax badeed jiro? Sideyse kula tahay akhriste in wax looga bedali karo qaab dhismeedka ciidamada? Fadlan aragtidaada noogu soo dir Facebook.

Dr. Ismail Malaas - Nairobi - keydmedia.net Correspondent




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.