BAARLAMAANKA MA SHARIIF XASAN AADAN BAA LEH?

Dr. Ismail Malaas - Nairobi Qof walba oo xil ka qabta meel ama Hey’ad muunadeeda ama heybadeeda leh sida Baarlamaanka Xukuumadda ama Madaxweynaha Jamhuuriyadda “Jaahil kastuu” ahaado ama aqoon sare ha lahaadee wuxuu ka tagaa erayo taariikhda gala isagoon is ogeyn.
Maqaallo Keydmedia Online
BAARLAMAANKA MA SHARIIF XASAN AADAN BAA LEH?

Qofka akhrinaya maqaalkan wuxuu anoon weli u daadgin hoos, wax badanna qorin la yaabayaa ereyga jaahil iyo jagooyinka ama hey’adaha  aan sadarada hore ku sheegay, wuxuuna is weydiinayaa sidee isu qaban karaan waxayaabahaasu? Meeley iska qaban karaan ayaa Somaliya dunida bartay, wax kasta ha dhacaane jaahilkaasi dad baa wata, dad buu wadaa, waa ka  aftahansanyahay aqoonyahanada beeshuu ka dhashay, Diinta waa bawsaday oo waa Shiikh ku magacaaban “DAACAD” wuxuuba sitaa magacii “Shiikh” ereyga bal ku hako waaba Shiikh .

Soomaaliya xiligan leysma weydiiyo ereyga Shiikh  waxa qofka uu shiikh ka yahay  ama ku yuhay  ma shiikh Diineed baa mise waa Shiikh da’.

Af carabiga ereyga shiikh kaliya markaad maqashid waxaad durba leedahay waa Shiikh Cilmiga diinta  haduu dhalinyaryahay, Shiikhu Cilmi, haduu da’yahay Shiikh Cilmina yahay waa Shiikh da’na dhafoorkiisay ku taal .

Shariif haddii aad maqasho Soomaaliya waa Magac afka carabigana waa qof sharfan “A HONEST PERSON” qof qofbaa magaca duleeya oo dullinimo, tuuganimo, iyo tuuganimo barid dad kale macalin ku noqda, da’da yar ee Dowladnimo iyo qaranimo  warba u heyn iyo in wax ka maqan yihiin inta dibadaha aaday mooyaane ,

Shiikhyada, shariifyada iyo kuwa kaloon magaca sidan oo la mid ahina waxay ku badan yihiin Baarlamaanka, Xukuumada way ku jiraan , Ciidamada iskaba daa oo taliyaasha ciidamada waxay u halgamaan oo geed sare iyo mid gaabanba u fuulaan in ay ka nadiifiyaan ciidamada ashkhaas iska labisatay jaga sare ee ciidan, sida Xukuumaddii, Baarlamaanka IWM , oo waxaa ka mid ah dad ka gudbay oo kaliya Madmadoowe Allaa ku yaqaan .

Ka hadalka arintan waa wax aad u dheeraanaya ee aan u soo noqono halkudhiga ugu halista badan ee Qarnigan 20-aad ee Baarlamaanka  Soomaaliya ee qarnigan labaatanaad  uu si aan xishood iyo sariig toona laheyn uu ku dhex yiri baarlamaanka  Shariif markii uu baarlamaanka soo dhex galay, ayna ku oriyeen xildhibaanno fara badan, suga ereyadas, hase yeeshee xoogaa aan ka hormariyo muxuu shariif Xasan Shiikh Aadan uga soo tagay Wasaarada Maaliyadda iyo Reysul wasaare ku xigeen una soo aaday Baarlamaanka inuu ka noqdo Gudoomiye, ulana dagaalamay gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe iyo Prof Max’ed Cumar Dalxa ee ahaa qofka kaliya ee aqoonyahan ah ee ku jiray gudoonka Baarlamaanka?.

Waa wax sahlan, Soomaaliya lacag badan ayaa laga xaday, sidaa waxaa sheegtay xildhibaanad Caasha Axmed C/lle oo ka mid ah Gudiyada Baarlamaanka  ee la xisaabtanka Xukuumadda, xildhibaanadaas si toos ah Shariif Xasan Shiikh Aadan ayeey u eedeysay sagaal wasiir oo kalana waa sheegtay waxaana wasiiradaasi ka dhex yeeray  buun  ahaa Buunkii aakhiro, waxaa wasiiradaasi ka mid ahaa  khabiir Dr Jurille oo la soo shaqeeyay kacaankii gacan barakaad u fidin jiray saaxibadii xirfadda xatooyada ku xeldheeraa wax badana ka lunsaday FONDO AIVTI ITALIANI (FAI) la taliye uma aanu aheyn yeygii yeyda Siyaad Barre balse duruus siiyay khabiiradii mashruucyadii dibada Talyaaniga ka fuliyay kuwaasoo uu baray habka wax loo lunsado.

Dr jurille .saaxib iyo la taliye kaliya uma aanu noqon Siyaad Barre, balse sido kale dowladii C/laahi yuusuf xitaa Bettino Craxi xoghayihii guud ee xisbiga hantiwadaaga ee talyaaniga noqdayna R.wasaare ayuu la taliye hoose u ahaa , dowladii dhacdana isaga lama dhici doona “ waa khabiir”!!!.

Jaraa’idka Caalamka aan hal iyo labo ka soo qaato lacagihii Shariif Xasan lagu eedeeyay waxay ka yiraahdeen .
Wargeyska Al-sharqul Awsad muxuu ka yiri : Dokumeentiyo sir ah ayaa waxay shaaca ka qaadanayaan in Madaxweynaha Dowlada Somaliyeed uu dadaal ugu jiro soo celinta Malaayiin Doolar oo dibadda lagu illaabay isagoo kaashana xafiis Maraykan ah oo fuliya adeegyada dhanka qaanuunka la xiriira si lacagtaasi looga helo Bangiyada Swizerland oo la dhigay.Sharqul Awsad waxay sheegaysaa in Dokumintiyadaasi sirta ah oo ay ka heshay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliyeed in Madaxweynuhu Xafiiskaan kor ku sheegnay kala kaashanayo.
.
Warqad uu ka saxiixanyahay Madaxwene Shariif bishii December-tii  hore 13-kii waxaa lagu sheegay in Cali C/lle Camalow oo horay u ahaa gudoomiyaha bangiga dhexe waagii Siyaad Barre uu u noqdo Mas’uul maaliyadeed  iyo la taliye si loo soo ceshado lacagahaasi faraha badan ee madaxdii hore ee kacaanka ay bangiyadaasi ku xaseysteen, waa madaxdii  “kacaankii barakeysnaa” inta uu Madaxweyne Shiikh Shariif ku mashquulsanyahay in Soomaaliya lacagahaasi laga xaday ay soo ceshato ayaa shariif Xasan Shiikh Aadan uu lunsaday lacagihii DKMG ah ee uu  R.wasaare ku xigeen iyo wasiirka Maaliyadda u noqday.

Magacii Shariif ee aan iri waa lala baxaa midna waa wasakheeyaa midna sida macnaha Shariif yahay ayuu ugu dhaqmaa , Madaxweyne Shariif sida aniga Ra’yigeygu yahay waa qof hufan, lacago ma xado, sidaasuu qof u arkaa haduu si fiican u dhuuxo, ma ahan nin ku xiran  Mucaaradka, oo dad badan oo ka mucaaradka sii mucaaradsan ayaa waxay rumeysan yihiin marka ay qiimeeyaan qaboobida Madaxweynaha iyo xishoodkiisa  inuu wakiil ka yahay mucaaradka……………… Dhabtuse Maxay tahay ?

SII AQRISO QEYBTA 2 AAD

Dr. Ismail Malaas - Nairobi

www.keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.