BAARLAMAANKA MA INNA XASAN AADAN BAA LEH? (QEYBTA 2AAD)

Dr. Ismail Malaas - Nairobi Qeybtii-2-aad Madaxweyne Shariif waxa uu ka mid ahaa Maxkamadihii 2006-dii ee qabqablayaashii dagaal eryay, intii lagu guda jiray dhidiba u aasida xukunka cusub qaladaadki uu galay waxaa ka mid ahaa markii Dukaamada iyo Stero-yaashii ku yaalay Muqdisho la burburinayay iyadoo waxyaabo taariikh ah ay yeeleen halkaasi, madaxweynaha Ciidamadii Maxkamadaha ee halkaasi tagay ayuu la socday, Ciidamadaasi waxaa ku jiray kuwa si qarsdoodi ah Niyada ugu hayay in ay sidii Daalibaan u shaqeeyaan iyo kuwa kale oo nidaam ka duwan kaa ku shaqeynayay.
Maqaallo Keydmedia Online
BAARLAMAANKA MA INNA XASAN AADAN BAA LEH? (QEYBTA 2AAD)

Waxaa kaloo layaab laheyd markii Madaxweynuhu uu agtaagnaa Ciidamada Maxkamadii Al-furqaan loo baxshay si deg deg ahna loo abuuray oo la yuri Jufada “ Sacad” baa leh.Sacad lug kuma laheyn sidaan maqlay, runtana ah, Maxkamadaasi waxaa loo sameeyay in ay “GASHI KHIYAAMO” u noqoto xoogagii 2006-dii qabqablayaasha Diimeed loo baxshay, Maxkamadda Al-furqaan waxaa loo sameeyay in Hotel Saxafi lagu duulo  hub yaalayna la qaato sidoo kale hanti, markii dhacaasi foosha xun uu dhacay ayaa Abshir Bacadle  ilaaliye iridda Hoteelka hor yiilay oo meyd ah ku kor shirbay.

Shiikh Shariif oo gudoomiyihii Maxkamadaha ahna waa agtaanaa, miskiin Shariifku xitaa markaasi daacad buu ahaa ee wuxuu ku dhex hareeresnaa dad xun sida haatanba uu ugu dhex hareereysanyahay.

Markii 2006-dii kacdoonkii “Islaamiga” ahi dhacay durbaba waxaa ka yimid Nairobi Shariif Xasan Shiikh Aadan oo jaga doon ah markii laga eryay jagadii Baarlamaanka ee uu hayay Waagii C/laahi Yuusuf .

Shariif Xasan mar uu taariikhdiisa Nolaleed ka hadlayay wuxuu sheegay inuu Dugsiga sare ka baxay  qaadka iyo xoolaha Noolna uu ka mushtaro, waa markii uu noqday gudoomiyaha Baarlamaanka kadib Imbegaati.

Markii uu noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Dowladda haatan joogtana wuxuu taariikh nolaleedkiisa ka baxshay inuu qaadka ka muhtaro, ileen Shiikh Dhalinyar oo Calaami ah ayaa Madaxweyne ah waa Shiikh Shariifee.

Maxaad ka tabeysaan hal ku dhigyadii taariikhda galay ee laga hayo Shariif Shiikh Aadan? .

Shariif Xasan  iyo Xukuumadii oo dhan ayaa hadalka xildhibaanad Caasha Axmed C/lle uu gilgila, Shariif Xasan Awood durbaba wuu is casilay , wuxuuna isku sharaxay Gudoomiyaha Baarlamaanka,laba nin oo la daba taagan in xukuumada la xisaabtan ay u timaado xukuumadda Baarlamaanka  iyo xildhibaano kale ayuu u dhaarsanaa, maalintii doorashada ayuu Baarlamaanka dhex yimid si uu ula tartamo musharixiinta kale ee la tartamaya ee uu ugu cad cadaa Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo ka mid ah Xildhibaanada naadirka ah ee Sharaf iyo sharaf iyo wadaninimada Cuskan, hadalkaasi waxa aan u leeyahay  anigoo aqoon qota dheer u lahaa Cabdi Xaashi Cabdulaahi Golaha Murtida iyo Madadaalada ayuu gudoomiye u ahaa, inkastoo hanti wadaaga aad u taageersanaa iyo kacaanka ayuu hadana aanu ka baqi jirin in Kacaanka haduu gefo la saxo, la dhaliilo lana toosiyo .

Heestii caanka aheyd ee Madaxdii kacaanka wareersay ayuu ku taageeray in fanaaniintu qaadan, Heesta waxaa miraheeda sameeyay Marxuum Cabdi Muxumad Amiin waxaana qaaday fanaanada caanka ah ee Saado Cali Warsame.

Wuxuu kaloo fasaxay Heestii Marxuum C/laahi Qarshe ee Rabiyow, Raxmaanow Soomaalida u roonow’ oo dhaliileysay qalooca soo galay kacaanka, Cabdi Xaashi iyo Shariif Xasan ayaa tartankii aad uga dhex dhacay.

Shariif lacag buu watay  markuu soo galay Baarlamaanka waa lagu orriyay markaasuu ku yiri weertan taariikhiga noqotay “Orriya ama ha orrinina  isagoo qoslaya wuxuuna ku sii daray, waad i dooraneysaan sidii baana lagu doortay.

Muxuu sidaa Shariifka u yeelay? Muxuu Wasaaradda Maaliyadda iyo jagadii R.wasaare ku xigeenimada uga soo tagay?, wuxuu uga soo tagay  inuu ka dhigto golaha Baarlamaanka Qalcad uu uga bad baado Caasho C/lle iyo gudigii la xisaabtanka Xukuumadda, maalkiisana uu ku ilaashad, saaxibadii kale ee lala eedeeyayna uu badbaadiyo.

Wasiirada la eedeeyay waxaa ka mid ahaa Wasiirkii lacagta ENG C/raxmaan Yariisow oo hada ah Wasiirka warfaafinta, waxaana Yariisow uu noqday wasiirka kaliya ee ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay la xisaabtan.

Halkaas ayaan Saaxibaday iyo walaalehey akhrinaya qormadan uga cudur daaranayaa in aan ku joojiyo, waan hubaa in ay wax badan tebayaan, hase ogaadeen in aan marka aan wax qorayo aan anoo walwalsan wax qorayo,Amisom madaafiic dhulka la gariirayo ayeey tuurayaan, kooxihii kale ee diinta qaloociyay iyana madaafiic culus ayeey hadba la yimaadaan, lacag baa u timaada dadka caadiga ah, xoolaleyda ayeey dhacaan waa sababtaas sababta loo eedeeyo Shiikh Shariif, Baarlamaanka iyo Xukuumada.

DHAMAAD

Dr. Ismail Malaas - Nairobi

www.keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.