Video ? Baladweyne: Qaxootigii Ogaadeenka oo Ciidamda M. Siyaad Barre ay Hubeeyeen!

DAAWO VIDEO CUSUB / Top Secret (KON) - 1991 markii ay Rajiimkii Maxamad Siyaad Barre lasoo daristay khalkhal Maamulkiisi ku habsaday, oo uu hanan waayay Xukunkii ayuu wuxuu Hubeeyay Qaxootigii Ogaadeen ee ku sugnaa Gobolka Hiiraan.
Maqaallo Keydmedia Online
Video ? Baladweyne: Qaxootigii Ogaadeenka oo Ciidamda M. Siyaad Barre ay Hubeeyeen!

Intii Xooga laheyd oo Ciidamin kartay ayuu wuxuu u qeybiyay Hub, wuxuuna ku yiri "Daafacda Xukunkiina oo iska difaaca kuwa USC-da doonaysa inay Xukunka idinkala wareegto".

Waxaa Video-gaan ka arkeysaan Ciidamadii Maxmad Siyaad Barre oo marastii uga cararay Baladweyne Xerada "Lamagalaan". Sida Dadkaas Masaakiinta ah ay USC-du ula dhaqantay markii ay Baladweyne ka xoreesay Ciidamdii uu Hogaaminayay ina Aw Cali (Ogaadeen) oo Maxamad Siyaad Barre Abti u ahaa, halkaan ka Daawada.

Wariye Cali Saciid Xasan oo Filimkaan soo diyaariyay waxaa horkacaya Sarkaal USC oo kamid ahaa Saraakiishii Baladweyne ka xoreeyay Ciidamadii Maxamad Siyaad Barre.

Magaalada Baladweyne waxaay Ciidama Siyaad Barre Burburiyay 65% oo Dhulka lala simay, waxaana si Cadowtimo ah loogu garaacay Madaafiic loo safay Garbo siman. Falal dambiyeedkaas Lidka ku ah Aadamiga ma jiraan wax ka hadlay iyo wax Raali galin ka bixiyay. Waxaana suurtowda Dadkii falalkaas geestay inay Maantay Aduunka Mushaaxayaan oo ay wali leeyihiin Dambiga waxaa lahaa kuwii Dulmiga loo geestay.



Daawasho Wacan:


Haddaba, inagoo eegaynna dhibkii dhacay ee Muuqalkan marqaati nooga yahay, soo idinlama haboona in dhibka, aan dhib kale lagu sii darin, ee loo tafaxayto la iskana kaashado sidii loo heli lahaa Nabad dhexmarta Bulshada Soomaaliyeed oo runahaan Walaalo ah.

Keydmedia ujeedadeedu ma ahan inee Tiraahdo Qoladaas ayaa Qaldaneed, Qoladaas ayaa Saxsaneed, ee ula jeedadu waxey tahay oo kaliyah in ey idiin soo gudbiso Maalintaas, Goobtaas wixii ka dhacay iyo sida ey wax u dhaceen. Mid ka xanaaqa iyo Mid ku farxaba waa Dhacdo Taariikhda Soomaaliyeed maalin soo martay.

Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.