Dagaaladii Sokeeye: Maxaa Been laga sheegay!
Waxaa intaasi dheer in qoysaskaasi iminka ay dulsaar ku yihiin oo ay ku soo barabaxeen dad ka soo barakacay abaaraha gobalada dalka qaarkood ku dhiftay, inkastoo dhibaatadani ay jirto ayaa hadana waxaa xusid mudan in hey’adaha sheega in ay wax gar gaaraan ay dadaal ugu jiraan taageerada dadka dhibaateysan, laakiin dhawaqyadaasi ma ahan kuwa dhaafsiisan bishimaha shaqsiyaadka hey’adahaasi matala ee Soomaali iyo ajaanib leh.
Kaamka Tawakal oo ku yaala agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa iminka ka jira dhibaatooyin nolaleed oo aad u baahsan, waxaana isugu jiraan dhibaatooyinkaasi, cuna la’aan, Hooy xumo, dawa la’aan iyo daryeel la’aan, mana jirto hey’ad magaca ay doontaba ha sheegatee taakuleysa dadkan.
Waxaa ku nool halkan Caruur, Haween, Dad da’ah oo qaarkood ay darxumo caafimaad oo baahsan ay wajahayaan isla markaana aan awoodin in ay tagaan goobaha caafimaadka isla markaana ay iska bixiyaan qarashaadka baaxadda leh ee looga baahanyahay.
Dadkii aan ku booqanay kaamkan xiligii aan soo bandhigeynay dhibaatadii heysatay Ibraahim iyo qoyskiisa dad aan halkaasi kula kulanay ayaa dib ugu laabashadeenii aanay suurta galin in aan la kulanay, sabab la xiriirta iyagoo darxumo iyo diif u geeriyooday.
Haweenka ku nool kaamkaasi qaarkood waxa ay ku shaqeystaan dhar dhaqid wallow xiliyada qaarkood ay la kulmaan dhibaatooyin isla markaana Haweenka guryaha leh ee ay la macaamilaan ay u geestaan dhibaatooyin baahsan.
Guryaha cawshadaha ka sameysan ee ay ku noolyihiin qoysaska qaarkood waxaa ka muuqdo diif iyo darxumo aad u ba’an, waxaana guri la qurxiyaa iminka uga daran oo ay si weyn u doorbidayaan taageero nolaleed si ay uga baadbaadaan dhibaatada iyo diifta heysata.
Qaar ka mid ah Haweenka ku nool kaamka Tawakal ayeey wareysatay keydmedia si ay xog uga hesho nolasha ay ku nool yihiin waxaana ay sheegeen in ay wajahayaan dhibaatooyin balaaran oo wajiya kala duwan leh.
Inkastoo cabashadan ay muujinayaan qoysaskan ayaa hadana waxaa xusid mudan in goobta ay daganyihiin hareeraheeda ay xafiisyo tira badan ku leeyihiin hey’ado sheega in ay taakuleeyaan danyarta Soomaaliyeed mar marsiyana ka dhigta in deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho sabab amni darteed ay gaarsiin Karin taageerada loo baahanyahay, waxaase is weydiin mudan sababta ay u gar gaari la’yihiin Hey’adaha UN-ka iyo kuwa maxaliga dadkan diifta ay ka muuqato.
Bal eeg masaafada yar ee u dhaxeysa xarumaha UNDP, WFP, WHO, iyo hey’ada kale oo badan iyo halka ay dadkan cabanaya ku nool yihiin, waxaa hubanti ah in xittaa gadiid la’aan ay kaalmo gaarsiin karaan dadkan waayo deegaan ahaan waa kuwa isku dhaw, tanina waxa ay daboolka ka qaadeysaa sida aanay hey’adaha ugu soo jeedeen daryeelka shacabka Soomaaliyeed, taas badalkeedna ay u doorbidayaan in ay gurtaan lacago fara badan oo ay si gaar ah u isticmaalaan shaqaalahooda ajaanibta iyo Soomaalida isugu jira .
Horjoogaha kaamkamkan Max’ed Ilkaweyne oo la hadlay keydmedia ayaa sheegay in dhibaatada shacabka ku nool kaamkan heysata ay tahay mid aad u daran isagoona xusay in waxyaabaha ay ka mid yihiin cunto, hooy, dawo iyo dhamaan adeegyada muhiimka u ah nolasha aadanaha.
Waa hubaal in Soomaalida ay ka samabixi karto hagarta iyo lugooyada Hey’adaha haddii Dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee dunida daafaheeda ku nool qofkiiba uu ugu tala galo bishiiba wax ka yar Shan doolar taageerada shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.
www.keydmedia.net
Add comment
Comments