Barbaarinta Ilmaha, Halkee Laga Bilabaa?

Maqaallo Keydmedia Online

Halkee laga bilabaa barbaarinta ilmaha ee wanaagsan, waa Su'aal aad muhiim u ah, una baahan inaan si wanaagsan uga fikiro. Waxaa dhab ah inayna ahayn inaan kabilowno sidaan ilamaheena uga reebi lahayn madax adayga, beenta iyo waxyaabaha lamidka ah. Hadaba tani waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online. 

Barbaarinta Ilmaha, Halkee Laga Bilabaa?

Sidoo kale sax ma aha inaan kabilowno; sidaan ilmaheena uga dhigi lahayn kuwa guul sare kakeena waxbarashada/ qaata shahaadooyin sare. Kahor intaan su´aashaa laga jawaabina waxaan weydiin lahaa dhawr su´aalood oo laga yaabo inay jawaabta inoo dhaweyn lahayeen.

Waalidow: Meeqa jeer baad kafikirtay habka ama sida aad rabto inay ilmahaagu u ekaan lahayeen?

Meeqa jeer baadse ka fikirtay sida ama habka aad jeclaan lahayd inay ilmahaagu kugu arkaan adiga laftaada? 

Meeqaad kafikirtay waxa aad ilmahaaga ka rabto?  Meeqaadse kafikirtay waxa ay ilmahaagu adiga kaa rabaan?

Waxaa badan waalidku inay kudadaalan siday uheli lahaayeen shaqo fiican siay ilmahooda ugu helaan cunto, cabitaan iyo nolol fiican, mudo kadibna ay aad uga shalayaan maxay ilmahooda sifiican ugu barbaarian wayeen!!

Waalidaw, hubso tallaabada kowaad inay tahay inaad ka fikirto naftaada, inta aadan ka fikirin ilmahaaga! Guusha furaha barbaarinta wanaagsani waa in lahelo: Barbaariye Wanaagsan/ Waalid Wanaagsan!!

Ee adu matahay barbaariye wanaagsan, oo leh garasho iyo garaad uu wax ku barbaariyo!! Ilmuhu waa Laan kabaxday geed, waxayna noqonaysaa sida uu geedkii asalka ahaa uyiilay. (Kullu shay yarjicu ilaa aslih: Shay kasta wuxuu u laabtaa siduu asalkiisii ahaa).

Ilmaheenu masoo dhalanin iyagoo been sheega, ama iyagoo madax adag oon waxba maqlaynin, balse waxay soo dhasheen iyagoo jilcan, diyaarna u ah inaan u samayno sida aan inagu ka dhigno. Haduu waalidku noqon lahaa mid leh farsamo fiican, dadaal badan iyo aragti sarana, wuxuu soosaari karaa dhismo qurux badan.

Mana jiro qof sababsan kara inuusan hada waxba qaban Karin, oo fursadii ay dhaaftay, balse qofkasta oo dadaalaa guulo fiican buu gaari karaa, hadiiba uu layimaado niyo adag iyo dadaal tafa tiran/ habaysan. Hadaba Mayeeli karaa inaan mudo gaaban is ilowsiino, dhibatooyinka iyo qaladaadka ilmaheena, oon kafikiro toosinta nafteena, hagaajinta dhaqankeena?

Waxaana dhab ah inay taasi wax weyn kabadali lahayd qaladaadkii ilmaheenu samayn jireen, ama ay lahaayeen maxayeelay waxaan u noqon layn tusaale sax ah, oo caqligooda kureeba raad wanaagsan.

Waalidaw waxaad yeeli kartaa inaad ilmahaaga u noqoto waalid aad uqiimo badan, shaqada barbaarintana kadhigto xirfad sharaf badan. Waxaa lahubaa waalidku inuu jirada ku dhacda ilmaha jirkooda aad uga walaaco, uga fikiro, dadaal badana ku bixiyo siduu u daaweyn lahaa. Hadaba mayeeli karaa inaan sidaa oo kale ugu dadaalo sidaan ilmaheen naftooda, caqligooda iyo qalbigooda ugu barbaarin lahayn caafimaad, khayr iyo wanaag?

Maka fikirtay marna, intaad dadaal iyo lacag kubixin lahayd haduuna Ilaahay ilmo kusiinin, mase yeeli kartaa inaad dadaalkaa nuskii ku bixiso, sidaad ilmahaaga uga dhigi lahayd kuwa aad qiimo, raaxo iyo khayr badan dareento, markaad aragto iyaga iyo camalka wanaagsan ee ay samay-nayaan?. Haduu Rabbi kusiiyo shaqo wanaagsan iyo lacag fara badan, balse aad kagaabiso barbaarinta ilmahaaga, waxaa lahubaa inaad jeclaan lahayd, inuu waqtigu dib kuugu soo noqon lahaa, siaad waqtiga badankiisa ugu bixiso barbaarinta wanaagsan ee ilmaha.

Ilmahaagu armay agoon yihiin? Agoonku ma aha ilmaha ay waalidkood dhinteen, ee agoonta dhabta ahi waa ilmo leh waalid kamashquulay ama kasii jeedsady barbaarintiisa iyo wax baridiisa.

Maka fikiratay ilmahaagu waxay kugu soo xasuusan doonaan! Waxaad oran kartaa waxaan siin jiray lacag ay wax ku iibsadaan, shaqo dhib badan baan qaban jiray siaan lacag ay ku raaxaystaan ugu keeno, waxaase hubaal ah xasuusta iyo mahada ugu fiican eed ilmahaaga ka sugi kartaa inay tahay mida aad kutoosin jirtay, ku dhisi jirtay caqligooda garaadkooda diintooda iyo dhaqan-kooda intaba.

Maxayeelay hadaad samayso sida ay waalidka badankoodu sameeyaan (in ilmaha cuntadooda iyo noloshooda lamareeyo), hubso inaada helaynin wax ka duwan waxa ay waalidka badankoodu helaan/ goostaan= ilmo aan toosnayn, dhaqan fiicnayn, madax adag, diida badan, oo dhiba waalidka!!

Kuna bishaarayso in wanaag kasta ood ilmahaga barto, ajarkiisa aad goosan doonto marar badan, oo marka kowaad, Rabbi baa kaaga raali noqon, marna bulshadaada ayaad wanaag u abuuraysaa, khayr u talaalayasa, marna ilmahaagaa kuu wanaag fali doona/ kuu ducayn doona markay ka faa´iidaystaan wanaagaad bari jirtay markay yarayeen.

Abwaan baa yiri: Waa doqonimo, inuu waalidku dadaal badan ku bixiyo, siduu maal badan u kasban lahaa, isagoo hilmaamay, ama kagaabiyay inuu dadaalkaa oo kale ku bixiyo, barbaarinta iyo maskax dhisida ilmihii maalkaa dhaxli lahaa!

KEYDMEDIA ONLINE


Dr. Axmad Cabdulahi - Axmed.abdulahi@Keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.