Barlamaanka Sharif Sakiin: Qodobka Wuu iyo Waa!! (Daawo Video)

Nairobi (keydmedia) - Waxaad maqashay dowladaa is qilaafsan, laba shariif baa isku dhagan, sharma’arkaa is casilay, Shiikh Aadan baa xilkii laga qaaday, Baarlamaanka mooshin ayuu wadaa, wasiir baa R.wasaarihiisa dhaliilay, xildhibaano baa madaxweynaha la jira iyo murano kale oo badan, laakiin ma is weydiisay sababta iyo halka sirtu ay ka qurunsantahay?.
Maqaallo Keydmedia Online
Barlamaanka Sharif Sakiin: Qodobka Wuu iyo Waa!! (Daawo Video)

Dowlada xili hore waxay dagsatay wax loogu yeeray dastuur, waxaa ka sii farcamay xeer hooseed, waxaa ka danbeeyay hadal ay ku sheegtay in shareecada islaamka ay qaadatay Dalka iyo dadkana ay ku dhaqi doonto, laakiin arimahaasi oo dhan lama dabaqin oo si sax ah uma howlgalin qodobadaasi.

Qilaaf aan dhamaan iyo qeyla joogta ah ayeey ehel u noqotay dowlad, min Baarlamaan ilaa madaxweyne sharci iyo shuruud looma eego asalka khilaafka waana mid mar walba la fisho, waxaaba la sheegay in ay jiraan dad ku tashta khilaafka isla markaana olaliya dabkiisa.

Mar walba oo damac siyaasadeed shaqsi ama koox ka tirsan dowlada uu ku beermo waxaa la abuuro fowdo iyadoona fawdadaasi ujeedadeedu ay tahay kasbasho dhaqaale iyo

“Xildhibaanada qaarkood aqoon uma lahan dastuurka ay dowlada ku shaqeyso, kalama yaqaanaan hey’adaha dowlada kuwa ayaa ku dhahaya maxay tahay maxkamadda sare, kuwa kalay la tahay in xildhibaanka aanu sharci qaban sharcigana uu ka sareeyo” sidaa waxaa keydmedia u sheegay xildhibaan pro Dalxa oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka xilina gudoomiye ku xigeen ka soo noqday Baarlamaanka.

“Xildhibaanada waxay ka qeylinayaan Hoteelada oo ah goobihii aroosyada loogu tala galay, mana yaqaanaan xilkooda waxa uu yahay, xildhibaanka saxda ah waa kan wax walba oo uu tabanayo ka sheega Baarlamaanka hortiisa, laakiin ragga Hoteelada ka qeylinaya laguma tilmaami karo xildhibaano” ayuu raaciyay hadalkiisa Max’ed Cumar Dalxa.

“Dhibaatadu waxay ka taagantahay hogaanka dowlada oo aan aqoon u laheyn howshooda, waayo dastuuriyan howlaha waa kala qayaxanyihiin oo wax isku dhex yaacsan oo leysku qaldi karo ma jiraan, hadaad aragto madaxweyne iyo gudoomiye Baarlamaan oo is heysta mid unbaa qaldan oo xeradiisa ka talaabay” ayuu yiri Pro Dalxa oo ka jawaabayay su’aal aheyd sababta khilaafka iyo muranka daba dheeraday  ee dowlada hareeyay.

Hadalkan ayaa yimid xili khilaafaadka dowlada dhexdeeda ah uu noqday mid maalinle ah isla markaan mas’uuliyiinta dowlada ay iska hiifayaan meel cidla ah.

Bal akhriste adiguba caqli ahaan ka fakar faa’idada ay horseedi karaan ragga ceynkaas ah ee ku doodaya in umadda ay matalaan isla markaana ay Dalka iyo dadka wakiil ka yihiin? Ma jiraa nidaam aad maanka ku heyso oo aad is leedahay waa lagu badali karaa is heysadka aan dhamaan ee xiligan jira? Fadlan aragtidaada ku soo gudbi face-book iyo youtube.

www.keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.