Beesha Caalamka way diiday Tayenta Ciidamada Xoogga, hadaba maxaa Xal ah?

Cabdulahi Ibrahim — Beesha Caalamka ayaa si joogta ah u diideysay Tobankii Sano ee la soo dhaafay baaqyo badan oo ka imaanayey Siyaasiyiinta Soomaalida gaar ahaan Madaxda DF, Baaqyadaasi ayaa lagu dalbanayey tayenta Ciidamada Soomaalida, nasiib daro, waxa ay noqdeen baaqyadaasi kuwa aan dheg jalaq loo siinin arimo badan oo jira dartood.
Maqaallo Keydmedia Online
Beesha Caalamka way diiday Tayenta Ciidamada Xoogga, hadaba maxaa Xal ah?

Ka dib markii la dhisay Dowladda Federaalka mudda haatan laga joogo ku dhawaad toban Sano, Sidoo kalena ay dalka soo galeen ciidamo ka socda  Midowga Africa, kuwaas oo ay dhaqaalahooda bixiso Beesha Caalamka,Ayaa waxa ay Madaxda Dowladda Federaalka waqti badan ku dhumiyeen sidii ay uga dhaadhicin lahaayeen Beesha Caalamka in la tayeeyo,Islamarkaana la qalabeeyo ciidamada Soomaalida, Si looga maarmo ku tiirsanaanta ciidmada Shisheeye.
 
Dad badan oo Soomaali ah ayaa la yaaban caga-jiidka haysta Beesha Caalamka ee ku aadan dhismaha ciidamo Soomaali ah oo xoogan oo la wareega amaanka dalka,Waxa ayna dadkani is weydiinayaan waxa Soomaaliya ka duway dalalka Ciraaq iyo Afganistaan, kuwaas oo loo dhisay ciidamo gaarayo Boqolaal Kun halka Soomaaliyana loo la




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.