Biladda Hormuudyada Xadgubdka 2010!!!

Dunida Sanad walba waxaa laga bixiyaa abaalmarino kale duwan, kuwaasoo qiimeyntooda lagu salgooyo dhinaca wanaaga, horumarka iyo dulqaadka, waxaadna maqashay sanadkan waxaa abaalmarinta nabadda, tan samafalka, tan wariyaha ugu wanaagsan, tan shirkadda ganacsi ee ugu macaamiilka fiican ku guuleestay hebel ama shirkad heblaayo, ma maqashay dunidan iyada oo leysku abaalmarinayo xumo iyo dhibaatooyin sida xadgudubyada baahsan ee dalka iyo dadka laga galay?
Maqaallo Keydmedia Online
Biladda Hormuudyada Xadgubdka 2010!!!

Sanadkan 2010 ee maanta ku eg shacabka Soomaaliyeed waxay isla dhex marayeen sheekooyin muujinayay in ay daw tahay in la xuso dhamaaan Hormuudyada xadgudubyada Dalka si dunida ay u barato dadkuna ay ugu baraarugaan, waxaana dareenka shacabka marka si qoto dheer loo ifaya muuqaneysa in ay ka biyo diidsanyihiin ficilada foosha xun ee ay ku kaceen Hormuudyada xadgubka Soomaaliya ee 2010.

Hadaba waa ayo dadka, kooxaha iyo hey’adaha bulshada Soomaaliyeed sanadkan 2010  ay u aqoonsatay hormuudyada xadgudubka 2010, maxayna yihiin howalaha ay qabtaan dadkaasi/Hey’adahaasi?

1. Shariif Xasan Shiikh Aadan

Waxa uu ku magacaabanyahay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, waa nin ku caanbaxay siyaasad guracan iyo qaabmaamul la mid ah kan ganacsatada,waxaan Baarlamaanka uu ka dhigay sida xarun ganacsi oo uu isaga maamulo, waa  nin aan aqoon badan laheyn sida isagaba afkiisa uu ka qiray, waana ganacsade ku lug leh qaadka dhoofka ku yimaada Soomaaliya ee laga soo daabulo Kenya, waxa uu Baarlamaanka dhexdiisa ka abuurtay koox  ka shaqeysa mooshino aan dhamaan iyo fowda joogta ah, waxaana lagu naaneesaa kooxdaasi “kooxa Buu-da”.

Waxaa lagu xantaa siyaasad laba waji leh, waa mide in dhan ahaan uu dowladda ka mid yahay dhanka kalana kooxaha dowladda ka soo horjeeda uuna  gacan saar la leeyahay Mukhtaar Roobow Abuu-mansuur oo ay heyb wadaag yihiin kana soo wada jeedaan gobalada Bay iyo Bakool.

Safarada Shariif Xasan waa kuwa aan tiro lagu koobi Karin waxaana lagu fasiraa ujeedadooda dhaqaale tacbasho, iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana waxaa dhawaan soo shaac baxay deyn uu ku leeyahay muwaadin reer Suudaan ah, kaasoo lacago uu ka amaahday xiligii uu ku magacawnaa wasiirka Maaliyadda.

2. C/risaaq Jurille

Waxa uu mar soo noqday wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta, waxaana uu ka tirsanaa taliskii Max’ed Siyaad Barre ee 21-sano talinayay, Jurile sida dadku ay sheegeen waxa uu hormuudyada xadgubka ku biiray markii uu iibsaday Domain-kii Internet-ka Soomaaliya (.SO), taasoo uu ka gatay shirkad ajnabi ah oo laga leeyahay Dalka Japan.

Sidoo kale xili hore waxa uu iibsaday maraakiibtii Soomaaliya ay laheyd qaarkood isagoona lagu eedeeyo inuu qeyb ka yahay heshiiska Sumeynta badda Soomaaliya.

Iminka waxa uu ku howlanyahay iibinta keydkii wakaalada Filimada Soomaaliya oo yaala magaalada Londan ee dalka England,waxaana keydkaasi uu ku tagay halkaasii xiriirkii ka dhaxeeyay Shirkadda British film agency iyo wakaaladii filimada Soomaaliya.

Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah shaqaalihii wakaalada filimada Soomaaliya keydkaasi uu iibsan rabo Jurile waxaa ku idil dhamaan taariikhda Soomaaliya oo maqal iyo muuqaal ah.

3. Al-Shabaab

Waa koox u badan ajaanib ka timid qaaradda Aasiya kama marna Dalalka Afrika iyo Yurub, waxaana ujeedadooda ugu weyn ay tahay sidii Soomaaliya xarun ay ugu noqon laheyd argagixisada Caalamka.

Kooxda sanadkan waxa ay ku dhaqaaqday falal aad u fool xun oo isugu jira gawrac, guur leysku qasbo, gacan goyn, is qarxin  iyo madaafiic lagu laayay maato danyar ah, waxaana dhamaan fulinta ficiladaasi dabadood ay warbaahinta ka sheegeen in ay guul balaaran gaareen iyagoo u shaqeeyay waxa ay ugu yeeraan Dalka, Dadka iyo Diinta, balse ay shacabka ay la tahay in ay ka shaqeeyaan oo dhibaateeyaan Dalka, Dadka iyo diinta.

Maamulka Sare ee kooxda waxaa heysta  Ajaanib iyadoona  maamul hoosaadka ay  madax u yihiin  niman ka soo jeeda gobalada Bari, Bay, Bakool iyo Waqooyga Soomaaliya, waxaana ay ku saleeyaan istaraatiijiyadooda nidaam lagu dhibaateynayo shacabka daga koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho iyo magaalooyinka mataanka la ah.

Inkastoo shacabka reer koonfureedka ay dareensanyihiin qorshaha Shabaabka inuu yahay mid ku saleysan isir sifeyn ayaa hadana waxaan muuqan talaaba qaad iyo fal celin ay ka sameynayaan, waxaana intaas iyo in kaloo badan aaminsan Shacabka Soomaaliyeed.

4. Amisom

Waxaa loogu yeerayaa Nabad ilaaliyayaal, laakiin shacabka waxa ay u yaqaanaan nabad ka ilaaliyayaal, waayo Saacad walba waxa ay ku asqeeyaan shacabka madaafiic aan loo meel dayin oo dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyadeed sababta, iyadoona afhayeenadooda ay maalin walba la soo taaganyahay beenin aan dhamaan marka ay ka hadlayaan warbaahinta.

Sanadka Xasuuqa Amisom ay ka geysatay Muqdisho waxaa lagu qadaraa dhimashada in ka badan 5-kun iyadoona dhaawaca uu kor u dhaafayo 20-kun, waxaana dhamaan dadkaasi ay ahaayeen kuwa u dhintay madaafiicda cul culus ee ay adeegsadaan.

Cidna kama hadasho xasuuqyadaasi ay amisom ka geysato Dalka, xittaa hey’adaha Caalamiga ah ee sheega in ay u doodaan xuquuqul insaanka, waxaaba la yaab leh in lagu dalac siiyo xasuuqa shacabka oo mushaaraad ka badan kan muwaadiniinta Soomaalida ee dagaalka qeybta ka ah la siiyo, iyadoona iyaga dhimashadooda la xisaabo oo askari walbaa oo ka dhinta qoyskiisa la siiyo magdhaw lacageed.

Soo xaq uma laheyn magdhaw ummadda Soomaaliyeed ee madaafiicda lagu xasuuqo, iyo kuwa rasaasta sida bareerka ah ay ugu laayaan Ciidamada Amisom, aaway maxkamadihii dunida ee la sheegi jiray in ay dabagalaan xasuuqyada calaamka ka dhaca,?.

5. C.raxmaan Faroole

C.raxmaan Max’ud Faroole waa horjoogaha maamulka Bari iyo Nugaal, waa shaqsi ku caan baxay ku dhaqanka qabyaalada iyo nidaamka heeb sooca ku saleysan, waxa uu ka geestay sanadkan gobaladaasi xadgudubyo baahsan, waxa uu heebsooc kula dhaqaaqay dad ka soo kala jeeda gobalada koonfurta Soomaliya.

Waxaa ka dhacay magaalooyinka maamulkiisa uu ka taliyo in dadka lagu kala saaro hadalka isla markaana qofkii lahjada reer bariga garan waaya laga soo masaafuriyo halkaasi sida in la joogo Dalka Sacuudiga.

Bilihii ugu danbeeyay ee sanadkan waxa uu xasuuq ka geestay Duleedka Galkacyo isaga oo adeegsanaya hub ay siisay shirkad ajnabi ah, waxaana uu ku dooday in halkaasi beelo xoola dhaqata ah ay ku dagaalameen isla markaana dhibaato aanay ka dhicin..

Sidoo kale hub iyo saanad milatari ayaa uga soo dagta Dekadda Boosaaso, iyadoona hubkaasi loo isticmaalo baabi’inta shacabka isla markaana xiliyada qaarkood lagu taageero kooxaha dowladda ka soo horjeeda, waxaa kaloo xusid mudan in Faroole uu wali ku dhaqmo nidaamkii ganacsiga dadka ee dunida 1885 laga mamnuucay, waxaana uu wadaado dhanka diinta ah iyo dadka ay sunnada Rasuul CSW ka muuqato uu iibgiiyo taliska Zanaawe.

6. Prof. Max’ed Cabdi Gaandi

Prof. Max’ed Cabdi Gaandi, sida magacaba ka muuqata waa aqoonyahan Soomaaliyeed laakiin waxaa iminka galay hami waali ah kadib markii uu bilaabay abaabul dagaal iyo nidaam qabiileysi ku dhisan.

Waxa uu leexsaday ciidamo loo tababaray dowladda xiligii uu ahaa wasiirkada gaashaandhiga, waxaana qorshahan uu wado maalgalineysa shirkad laga leeyahay dalka Faransiiska.

Gaandi waxa uu ku qarwayaa in isagoo wata sheeti beeleed isla markaana iska hilmaamay magacii qiimaha badnaa ee aqoonyahanka Soomaaliyeed inuu la wareego gobalada jubooyinka, waxaana ciidamadiisu iminka ay ku sugan yihiin xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.

Gaandi waa nin heysta dhalashada Dalka Faransa, waana nin ay aad u aaminsantahay dowladaasi, waxaana taasi ay keentay in qorshahan qarowga ku saleysan ay malaayiin Doolar ku bixiso Dowladda Faransa.

7. Dowaladda (TFG)

Dowladda guud ahaan lagama helin wax qabad marka laga reebo is qabqabsi iyo muran, waxaana intaasi dheer in ciidamo wata dharka dowladda iyo qoriga dowladda ay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada kooban ee ay dowladda ka taliso.

Dhaca, dilka iyo cabsi galinta shacabka waa u caado ciidamada, waxaana aan jirin talaabo fal celin ah oo ay ciidamada shacabka dhibaateynaya kala kulmaan laamaha garsoorka ee dowladda..

Waxaana shacabka ay ugu yeeraan ciidamadaasi Maryacalas iyo Caloo-uus kuwaasoo muuijnaya naceyb baahsan, waa iska caado in qof walba oo shacab ah marka uu arko askari qori wato inuu aad uga naxo, sabab la xiriirta baarasho ama dil.

Xildhibaanada iyo wasiirada kama taya roona ciidamada calool-uusta iyo marya calasta ah waxaana ay waqtigooda ku dhameestaa Cunista jaadka iyo sheekooyin fadhi ku dirir ah oo maalaayacni ah.

8. Xasan Daahir Aweys

Waxa uu ahaa korneel ciidamada ah asalkiisa, wallow markii danbe uu shaati diimeed gashaday, waa nin aan tala qaadan taladiisana aanay kaafin waxaana uu ku dhaqaaqay sanadkan oo uu ku mutay ka mid noqashada liiskan sida shacabka ay sheegeen falal arxan darro oo dad badan lagu laayay.

Tala xumada iyo ka talisnimada ayaa xasan Daahir waxa ay u horseeday in kooxdiisii maskax ahaan la burburiyo kadibna awood ahaan lala wareego.

9. Saxaafadda

Waxay mar walba ku doodaa in lagu xadgudbay xorriyadeeda, balse iyada ayaaba xili walba xadgudub u taagan oo shacabka ka dhaadhicisa waxaan jirin, kana qarisa waxa jira sida horumarka oo kale.

Soomaaliya mudadan dhibaatada ay ka jirto saxaafadu way bulaashay oo waxaa batay Raadiyayaasha, Telfishanada, iyo webseedyada, waxaana sanad walba oo ay dhibaatada sii korodho soo ifbaxa warbaahin cusub.

Bal eeg imisa Raadiya, imisa Telfishan, imise webseed ayaa soo ifbaxay wixii ka danbeeyay markii ciidamada Itoobiya ay soo gaareen magaalada Muqdisho afar sano ka hor?.

Kama hadasho way ka leexataa warbaahinta Soomaalida badankeed wararka horumarka iyo danta shacabka ay ku jirto waxaana taas badalkeed ay u adeegtaa kooxaha dagaalamaya ee shacabka leynaya kuwaasoo wararkooda ay naaxnaaso.

10. Hey’adaha

Dhamaan inta kulansatay magaca hey’adaha midkoodna waxqabad shacab lagama helin, waxaana ay ku fiirsadeen shacabka Soomaaliyeed dhibaatada, diifta iyo darxumada iyaga oo marmarsiiyo ka dhigtay amni xumo, laakiin waxayba gaari waayeen oo ay daryeeli waayeen dadka ku nool deegaanada u dhaw xafiisyadooda.

Hadaba akhriste maxaad ku dari laheyd shaqsiyaadkan iyo kooxahan ay shacabka Soomaaliyeed u aqoonsadeen Hormuudyada xadgudubka soomaaliya ee 2010, fadlan Aragtidaada noogu soo dir E-Mail ama Facebook.

Raxiimo Xaaji Nuur - Djibouti - keydmedia.net Correspondent




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.