Biladda Hormuudyada Xadgubdka 2011!!!

Keydmedia - Dunida Sanad walba waxaa laga bixiyaa abaalmarino kale duwan, kuwaasoo qiimeyntooda lagu salgooyo dhinaca horumarka iyo wanaaga, waxaadna maqashay Sanadkan abaalmarinta nabadda, maamul wanaagsa, qorida buug xigmad ki dheehantahay iyo uheelanaanta badbaadinta Buldhada iyo Xuquuqda Bini'aadamka. Lakiin ma maqashay dunidan iyada oo leysku abaalmarinayo xumo iyo dhibaatooyin sida xadgudubyada baahsan ee dalka iyo dadka laga galay?
Maqaallo Keydmedia Online
Biladda Hormuudyada Xadgubdka 2011!!!

Keydmedia waxay dadaal xoog leh u gashay inay soo naqayso shakhsiyaadka galay dambi qaran, mid ummadeed, mid dhaqan iyo mid diimeedba ee saannadka 2011. Sanadkaan 2011 waa markii Labaad oo ey Keydmedia bixineyso Biladda Hormuudyada Xadgudubka.

1. Augustine P. Mahiga

Sannadkan ayuu si buuxda usoo dhexfariistay Golaha ceebta. Waa qabqablaha burburiya Qaranimada Dalka isagoo la kaashanaya dawladaha deriska nala ah oo danaynaya inay qaybsadaan dalka iyo kheyraadkiisa.

Wuxuu naasnuujiyaa oo banbaaniyaa canaasiirta TFG-da hoggaamisa, wuxuuna ku tagrifalaa Hantida loosoo aruriyay Danyarta Soomaaliyeed oo laagu talagalay in lagu daryeelo. Waa ma naxe aan damiir Bini Adanimo u lahayn Dadka, Dadka, Dadka Soomaaliyeed ee ay Ciidamaa-kusheega AMINSOM ay maalin walba Xasuuqayaan. Sidoo kale kuwa lagu dilo, lagu Kufsado Xerooyinka Dhadhaab iyo Ifo Mahiga Dhagahiiu ma maqlaan, Indhahiisu ma arkaan Afkiisuna ma karo inu ka hadlo. Ka warama: Soomaali oo Nabad ah Mr. Mahiga Maxuu noqon lahaa?

Saro qurxoon ayuu ka dhistay Tanzaania, wuxuu ku Taajiray macaluusha iyo silica dadka Soomaaliyeed. Mahiga inta uu hoggaaminayo arrimaha Soomaaliya waxaa ambaqaadaya walaaca siyaasadada, nabadda iyo Xasilloonidarada Dalka.

Ban Ki Moon waa og yahay inuu Mahiga fashilmay oo soo go,aamiyey inaan baarlamaanku shirin, in xildhibaannadu ayna shiri Karin, iyo 2-da Shariif iyo Wasiirka 1-aad jagada laga qaadi Karin. Mahiga waa qabqable hor leh oo ku gabbanaya Calanka UN-ka.

2. Shariif Xasan Sheikh Aadan

Waa Calansidaha Burburka Qaranimada iyo anfariirka ummadda, waa gibbaan Siyaasaded oo la duuban cadawga ummadda. Waa cadawga is-afgarashada Soomaaliyeed.

Waxa uu ku magacaabanyahay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, waa nin ku caanbaxay siyaasad guracan iyo qaabmaamul la mid ah kan ganacsatada,waxaan Baarlamaanka uu ka dhigay sida xarun ganacsi oo uu isaga maamulo, waa  nin aan aqoon badan laheyn sida isagaba afkiisa uu ka qiray, waana ganacsade ku lug leh qaadka dhoofka ku yimaada Soomaaliya ee laga soo daabulo Kenya, waxa uu Baarlamaanka dhexdiisa ka abuurtay koox  ka shaqeysa mooshino aan dhamaan iyo fowda joogta ah, waxaana lagu naaneesaa kooxdaasi “kooxa Buu-da”.

Maadaaama Barlamaanku uu yahay Hay’addii dalka ugu saraysey, waxay ahayd in loo dhiibo shaqsi lasoo xulay oo dadka ugu xulasho wanaagsan, ugu aqoon badan oo Dalka Daacad u ah. Waxaa la sheegaa inuu Ugaarsi dahsoon ku dilo inta uu necbaysto. Waa musiibo qaran oo jeebkiisa mooye aan cidna u diirnixin. Sida la sheego wuxuu lunsaday Hanti kor u dhaafeyso 80 Malyan ee Dollar-ka Mareykanka ah. Madaxnimo inuu ku waaro ayuu dalka oo dhan ku iibsanayaa. Waa Sannadkii 2-aad oo uu ku guulaysto Biladda Hormuudyada Xadgubdka.

03. Godane, Shangole, Roobow, Xassan Dahir & Cali Dheere

Waa Diinlaaweyaal cadaw ku ah Dalka, ummadda iyo diinta Islaanka ah umaddunah maxbuus u tahay. Ma kala soocaan nacabka iyo bulshada gacalka ah, isku si bayna u wada Qarxiyaan. Kuma jirto han awood-qaybsi siyaasadeed iyo mayal qaran-dhis ku salaysan. Arag Xasiiska Shariifka ah: “Muslinka Dhabta ahu waa Qofka Muslimiintu ka nabadgasho afkiisa iyo gacantiisaba".

Waxaa guntiga ugu jira colaad qabiil iyo mid isir-nacayb. Waxay ciidamaysteen dhallaan aan qaangaar noqon. Waxay ku kacaan ficillo aargoosi lagu tilmaami karo oo ay ummadda ku xakameeyaan, horumarna kama sameeyaan goobaha ay ka taliyaan. Macaluul bay u dhinteen dadka ku nool degaanada ey ka taliyaan. Shabaab wali laguma hayo barnaamij siyaasadeed oo ey u soo bandhigeen Buldhada Soomaaliyeed.

Madaxda al-Shabaab ma rabto inay qoriga xabbadda ka saaraan oo soo fariistaan Golaha awood-qaybsiga siyaasadeed. Waxay door bideen inay colaad wadaan oo ummaddu shirqool ugu jirto, danahoodana u shaqaystaan

4. Cabdiraxmaan M. Faroole

Waa Aabaha Burcad badeeda, isaga ayaa Dalka ka curiyey, lacagtii uu tartanka ku galayna waxay ka timid afduubkii Maraakiibta taasoo wali wiilashiisu gacanta ku hayaan. Burcadnimadu waa abeeso aad soo xambaarsatay oo mar aad dagan tahay bay ku dili doontaa.

Faroole waa Dagaal-ooge bulshada isku dira oo haddana gaadmo ku dila hormuudyada bulshada. Waa dullaal aan lafna dhuux ku reebin oo Xabashida abbaan u ah. Dembiyada dilka isir-raaca oo maamulkiisu galay waxaa kamid ah 201 marxuum oo Barakacayaal ahaa  oo kasoo jeeda deegaammada Bay, Bakool, Banaadir iyo gobollada Jubbooyinka hoose oo lagu xasuuqay magaalooyinka Bosaasso, Garoowe iyo waqooyiga Galkacyo inta u dhexaysey 2008-2010.

Waxa la sheegaa Tahriibayaal gaaraya 2600 oo reer Kofureed, Oromo iyo Eriterian ah in uu Maamulka Faroole badweynta ku daadshay Sanadkii 2008 ilaa 2010.  U kuurgala qalcadda boqortooyo oo Faroole uu ka dhistay Australia. Waa sannadkii 2aad oo Faroole uu xambaarsaday looxa ceebta.

5. AMISOM

Waa Calooshood u shaqeystayaal cadaw ah oo u jooga danaha dalalkoodu Soomaaliya ka leeyihiin. Waxay ilaaliyaan waxa lagu yeero Madaxda TFG oo Cadawga Dalka u Caleemasaaran, waxayna isku si madfaca ugu laayaan kuwa ee ku sheegaan al-Shabaab iyo bulshada rayadka ah. Waxay ku hawlgalaan oggolaanshaga madaxda TFG-da iyo tan dawladahooda, waxayna burburin ku hayaan Magaalooyin Bulsho rayad ah ee deggen yihiin.

Waxay duullaan cir iyo dhul ah ku laayaan, kuna barakiciyaan bulsho rayad ah oo miyi iyo magaalaba leh. Weerarka circa ee AMISOM ku qaaddayn magaalada Jilib, iyo tuulada Kudhaa waxay ku laayeen Bulsho rayid ah oo ay ku jiraan, dumar qaarkood uur leeyihiin, dhallaan iyo waayeelba. Sidoo kale ayey magaalada Baardheere iyo deegaankeeda duullaan circa ah ku dileen dad rayid ah bishaan lagu jiro gudaheeda.

Waa dagaal aan la ogayn guusha laga gaari doono, oo aan aheyn in Dadka rayidka ah laga barakiyiyo deegaanadaas si shiiheeyihu uga faa’ideysto Kheeyraadka dabiiciga ah ee Dalka ceegaaga.

Kenya, Uganda, Burundi & Itoobia: Nin Qorrax kugu dilay hoos kuguma jiido. Ilaa inta Soomaaliya ay ka xorowdo oo qaranimadeedii iyo karaamadeedii ay dib ula soo noqoto, dawladahaanu waxay sannad walba ka muuqan doonaan looxa guuldarrada, waana mid taariikhda derisnimo baal madow ka geli doonta oo dugsiyada laga dhigi doono.

Taariikhda Soomaaliyeed waxaa ku xusan in markasta oo marxalad dhib badan ey soo wajahdo Dadka Soomaaliyeed waxaa caado u aheyd  in ey is aruursadaan una helaan xalkii ee uga bixi lahaayeen dhibaatada markaas hortaagan. Tana waa lamid oo waa hubaal iney heli doonaan xalki ey u xoreysan lahaayeen Dalkooda. Yaa keenay dhabarjabinta qaranimo? Col Cubdulaahi Yusuf , Sharif sheikh ahxmed, Sharif Sheikh aden, Gaandi iyo Al-Shabaab.

6. Maxamad C. Gandhi

Waa Aqoonyahan isku rogey dagaal-ooge qabiil oo u halgamaya inuu barakiciyo bulshoweynta Soomaaliyeed isagoo deegaamaynaya beeshiisa. Waa curiyaha dagaal sokeeye isaga oo kaashanaya ciidan shisheeye isagoo ku duulahaya walaalihiis. Deris dagaalama lama oga waxay ku dambayn. Gaandi wuxuu u gogol-xaarayaa shirkado shisheeye inay gurtaan kheyraadka dhabiiciga ah ee dalka isaguna dufantiryo ka helo.

Ciidanka uu Gaandi horkacayo illa haatan waxay Dileen Dad 5000 kor u dhaafaya Dhaawacuna waxaa lagu qiyaasaa 15.000. dagaamada uu dagaalka ka wado Dadka ka Barakacay waxaay kor u dhaafeen 80.000. Dumar uurleh baa ku jiray Dadkii lagu laayey Tuulooyinka Dhoobley iyo Kudha. Waa sannadkii 2aad oo uu xambaarsado looxa ceebta.

07. Telefishinada Soomaaliyeed

Telefishino ayaa waxaa loo furtay waayahaan dambe sidii Tabakaayooyin oo kale. Ma gutaan xilka qaranka iyo u codaynta danaha bulshada, waxayna u daneeyaan kuwa qaranka dumiya oo gumaada. Ma aheyn inay la saftaan oo u codeeyaan kuwa afduubay karaamada ummadda ee waxey aheyd inay u codeeyaan tan bulshada.

Gunno yar oo lagu gufeeyo waxay ka dilaysaa kalsoonida ummaddu u hayso. Sannadkan ayaa telefishinku kusoo biiray inta lagu nashiray looxa ceebta. U fiirsada inta Aqoonta u leh Telefishin wuxu yahay, Saxaafadi waxey tahay iyo Anshaxa iyo Heybada warbaahinta habayaraatee wey dhinac mareen. Waxaa ku arkeysaa Yabaq xayeesiis ku sheeg ah iyo naado lacag aruursi ah, waxaana loo arkay in danaysi iyo nin jeclaysi u weecdeen Habda kii waxyar u tuura ayeey Buunbuuniyaan.

Aqristow Waxaan hubnaa inaad arintaan u kuurgashay: Kuwo (TV-ku sheeg) ayaa ku hawlan naado LACAGA aruursi ah oo yiraada Masajidyaan dhiseynaa ayaadoo Kumanaan ay GAAJO iyo BIYO la’aan la solmayaan.

8. Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Waa Caamil aan Qarash badan u baahneen in lagu baxsho, marlwalba wuxuu u heelanyahay inta Qaranka dullaanka ku ah. Waa gibbaan siyaasinimo sheegta oo leh jeeb aad u godan. Waa ninka soo aruursada canaasiir dalka kharibta. Waa ninka Baarlamaanka ka dhigay gole caways oo hirgeliyey dhaqanka laaluuska, iyo boobka hantida qaranka.

Wuxuu u godalan yahay inta ku xadgudubta qaranimada dalka iyo barakicinta ummadda. Ma laha astaamo madaxweynenimo oo lagu soo hirto, mana fuliyo wuxuu ballanqaado.  Wuxuu leeyahay calaamadihii munaafaqa. Dalka iyo dadkanah wexey u yihiin sayladda iibka. Taariikhda Soomaaliyeed baal madow buu ka gaalay. Waa Sannadkii 2-aad oo uu xambaarsado looxa ceebta Qaranka.

9. Maxamad Axmad Caalin

Waa gibbaan ku guuldarraystay hankii Madaxweynenimo oo loo qabey. Wuxuu ku dhaaranayaa inuu sii burburiyo wixii Bulshadu dhisatay. Qalalaase Bulsho ayuu hadda usoo tafaxaytay, wuxuuna raadinayaa inuu aano dhexdhigo Bulshadii Dhisatay. Waa la mood noqon waayey.

Wuxuu leexsadaa raashinka deeqda ah oo danyarta lagu Quudin lahaa. Ma xishoodo, umana hoggaansamo xeerka deegaanka u dagsan, malana laha haybad hoggaamiye oo lagu daydo. Waa lagu hingoobay, waayo waa daneyste muquunsada wuxuu gacanta la helo. Sannadkaan ayuu kusoo biray inta kusoo baxda Biladda Hormuudyada Xadgubdka.

10. C/waali Maxamed Cali Gaas

Waa nabadoon isir-raac ah oo u adeega Beeshiisa iyo Cadawga Ummadda. Qabyaalada, Sadbursiga iyo Eexda wexey uga jirtaa Dhuuxa. Waxuu hal qabisi ka dhigtay: “Koofur Burburi, bari ha Dhismee”. Waa hormuudka u heellan qaran-duminta oo u nugul farsamaynta danaha dawladaha meesha geystay ay ka leeyihiin dalka Soomaaliyeed.

Waa Aqoonyahan Matoorkii Worlord C/llahi Yusuf uu saran yahay. Nin Cudurka Madaxa Gala mar Isbitaal la galay waa ka shiddo badan yahay subaac qooqan. Muxuu ku dambayn…?

Hadaba Akhriste maxaad ku dari laheyd shaqsiyaadkan iyo kooxahan ay shacabka Soomaaliyeed u aqoonsadeen Hormuudyada xadgudubka Soomaaliya ee 2011, fadlan Aragtidaada noogu soo dir E-Mail ama Facebook.

Keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.