Biladda Hormuudyada Xadgudubka 2012

Keydmedia Online - Dunida Sanad walba waxaa laga bixiyaa abaalmarino kale duwan, kuwaasoo qiimeyntooda lagu salgooyo dhinaca Horumarka iyo Wanaaga, waxaadna maqashay Sanadkan abaalmarinta Nabadda, Maamul Wanaagsa, qorida Buug xigmad ku dheehantahay, uheelanaanta badbaadinta Buldhada iyo u Dagaalanka Xuquuqda Bini'aadamka.
Maqaallo Keydmedia Online
Biladda Hormuudyada Xadgudubka 2012

Lakiin ma maqashay Dunidan iyada oo leysku abaalmarinayo xumo iyo dhibaatooyin sida Xadgudubyada baahsan ee Dalka iyo Dadka laga galay?

Keydmedia Online waxay baaritaan xoog leh ku sameesay in ay idiin soo naqshadeeso hadaad Soomaali tihiin Shakhsiyaadkii idinka galay dambi Qaran, mid Ummadeed, mid Dhaqan iyo mid diimeedba ee Saannadka 2012. Sanadkaan 2012 waa markii Sadexaad oo ey Keydmedia Online bixineyso Biladda Shaqsiyaadka Caadeystay in ay ku Xadgudbaan Sharafta Bulshada Soomaaliyeed.

1. Faarax Macalin - Gaandi - Axmed Madoobe

Faarax Macalin waligiisba wuxuu Soomaalida ka dhex waday qas, waxaa lagu xasuustaa taageeraduu siinjiray Maxkamadaha oo huwanaa Al-Shabaab. Beelaha Soomaaliyeed oo soo doortay wuxuu ka doortay Beeshiisa. Wuxuu yiri:“Ma dhici doonto in mar dambe Xamar looga taliyo Kalbiwo, ninka taas ku riyonaya, waxa uu ku nool yahay qarni kale…”

Nin Magac Soomaali wata, dhiig Soomaalina ku jiro, sidee buu ugu hamminayaa in Gumaysiga loo sii ballaarsho Soomaaliya!? Fikriga Guracan ee Gumeystaha laga dhaxlay waa mid ay wada Wadaagaan Farax Macalin, Warlord Gaandi iyo Axmed Madoobe.

Horey baa loo sheegay in aysan wadin Maslaxad Bulsho ay ku diirsato waxey Dagaalka u soo qaadeen oo kaliya inay barakiciyaan Bulshoweynta koofurta Soomaaliyeed. Ciidamada Kenya, Gaandi iyo Axmed Madoobe waxay dileen oo dhaawaceen Dad aad u farabadan. Labadii Sano oo ay Dagaalka wadeen Dadka ay Dagaankoodu ka Barakiciyeen waxaa lagu qiyaasay 80.000. Faarax & Gaandi Falkaas ma ku diirsadeen?

Taariikhda Soomaaliya horey bey usoo martay kuwo Dabadhilif ah oo uu Gumeystuhu danihiisa ku fushado, diyaarad la saaro, labo habeen Hotel kadiifad Gaduudan la seexiyo, BBC-da laga sheego, xoogaa Dollar ah Jeebka loo galiyo kadibnah markii dantii laga lahaa laga gaaro la yiraahdo kuma naqaan oo ciida lagu jiido!

2. Kenya

Kenya 1991 wixii ka dambeyay ayay Siyaadad ahaan iyo Dhaqaale ahaanba kobocday, mirahaas Kobocaas Dhaqaale iyo Siyaadsadeed waxaa dhalay Burburkii Soomaaliya, dhaqaalihii ay Dadka Soomaaliyeed soo galiyeen baa Dhaqaalahoodi kor u qaaday, waxeyna 5 Sano kadib Kenya isku badashay Caasimada Labaad ee Africa, waxey noqotay Meesha reer galbeedku ay Saldhiga ka dhigtaan oo guud ahaan Afrika laga burburiyo gaar ahaanah Soomaaliya.

Kenya waxey Soomaalida ugu amaalguday in ay Baad ka qaado, Kufsato, disho, xirto Dadka Soomaaliyeed, Labadii Biloodnah mar Dadka Soomaaliyeed la raafo kadibnah si loosoo daayo laga ganacsado oo mid mid loo gato.

Dowladaha Norway, Fransiiska, Talyaaniga ayaa Kenya waxey siiyeen Qandaraas Raqiis ah, waxey u tababareen Ciidamo looma ooyaan ah oo Calooshood u shaqeysataal ah kadibnah waxey ku qabsadeen Koofurta Soomaaliya ayadoo loola jeedo in halkaas laga soo saaro Shidaalka Soomaaliya ee halkaas Ceegaaga.

Ciidamadaas Kenyaanka iyo Calooshood u Shaqeysayaal Soomaaliyeed ayaa waxey Xasuuq ku hayaan Dadka Soomaaliyeed, Xusuuso Xasuuqi Mandheera, Xasuuso Xasuuqi Gaarisa iyo Xasuuqa iyo Barakicinta ay Booliiska Kenya ka wadaan Xaafada Eathligh ee Soomaalidu dagto. Faarax Macalin iyo Gaandi ma weydiiseen in ay Falkaas ku diirsadeen?

Xadgudubka ay Kenya ku fulineyso Dadka Soomaaliyeed waa mid Amnesty International ay idhaha ka daboolatay, Media-danah waxey galiyeen "Blackout" taasoo loo fasiran karo in Raali looga yahay.

Kenya waxey naga mudantahay Biladda Hormuudyada Xadgubdka 2012.

3. Maxamad Axmad Caalin

Waa gibban yar oo ku guuldarraystay hankii Madaxweynenimo oo loo qabey. Wuxuu ku dhaaranayaa inuu sii burburiyo wixii Bulshadu dhisatay. Qalalaase Bulsho ayuu hadda usoo tafaxaytay, wuxuuna raadinayaa inuu aano dhexdhigo Bulshadii Dhisatay. Waa la mood noqon waayey.

Reer Galmudug waxey ku eedeeyeen: Wuxuu leexsaday Hanti lacageed iyo Deeq farabadan oo qaar Raashin yahay oo danyarta lagu Quudin lahaa. Ma xishoodo, umana hoggaansamo xeerka deegaanka u dagsan, malana laha haybad hoggaamiye oo lagu daydo. Wuxuu la haasaawaa oo uu Caleynta (Qaad) la cunaa kuwa laga ashahaato oo aad u taqaaniin Burcad Badeedda.

Waa lagu hingoobay, waayo wuxuu kusoo baxay daneyste yarow ah oo muquunsada wuxuu gacanta la helo.

4. Safaaradaha Soomaaliyeed - Nuur Cadde / C/xakiim Cali Yaasiin

Safaarada Soomaaliya Siyaasadeeda dibada ugu Muhiimsan waa Mida Roma, Dalka Talyaniga iyo Brussel ee Dalka Belgium oo uu Safiir ka yahay Nuur Cade.

Nuur Cade Markii uu Shariif Sheikh Axmed Magacaabay oo uu Safaarada Soomaaliya la wareegay wuxuu Durbadiiba isku xeyndaabay Koox ay isku Heyb yihiin, Albaabkanah ka xirtay Soomaalida inteedi kale. Wuxuu Booliiis ugu yeeray oo u Banaanka dhigay Boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed oo Tahriiib ku yimid oo gabaad iyo Hooy ay u aheyd Dhismaha Safaarada Soomaaliyeed.

Wuxuu ku guuleystay inuu Gacanta Soomaaliya ka bixiyo Aqalkii Safaarada Soomaaliya ay ku laheyd Xaafada ugu Qurxda badan (Via Dei Vilini) ee Magaalada Rooma wuxuuna ka kireystay Dad aan Nadiif aheyn oo lagu sheegay inay Musuqa Maafiyada Talyaaniga ku lug leeyhiin.

C/Xaakim Cali Yaasiin wuxuu kamid ahaa Horintii uu Kol. C/llahi Yusuf u Magacaabay Safiirada, wuxuuna ku fariistay Kursiga Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Liibiya kadinah Sharif Sheikh Axmed ayaa wuxuu u badalay Safaarada Tanzaaniya oo uu hada Safiir ka yahay.

Tahriibayaalka Soomaaliyeed waxey C/Xaakim Cali Yaasiin ku tilmaamaan ma naxe aan Muujin Damiir Soomaalinimo. Wuxuu ku naaxay oo uu ka Ganacsadaa Tahriibayaalka Soomaaliyeed, wuxuuna iibsadaa kuwa xiran si Xabsiga looga soo daayo. Safaarada dhexdeeda ayuu Xawilaad ka dhex furtay, wuxaana lagu eedeeyay inuu Iibsado Baasaboorada Gaduudan ee loo yaqaano Diplomaciga.

C/Xaakim waa Nin Caan ah oo si fiican ay u hadal hayaan Tahriibayaalka Soomaaliyeed waxeyna hada kahor kusoo oogeen Dacwo ka dhan ah oo ay Afartan Tahriibyaal u gudbiyeen UHCR-ka, dacwadiina waa socotaa.

Kuwaan yesan soo noqon...

5. Godane, Shangole, Roobow, Xassan Dahir & Cali Dheere

Xasan Daahir Asalkiisu wuxuu ahaa Korneel Ciidamada Asluubta, , wallow Waqtiyadii dambe uu shaati diimeed gashaday, Dadka yaqaana waxey ku sheegaan in uu yahay Nin fudud oo aan tala qaadan taladiisana aysan kaafin. Tala xumada iyo kaligi talisnimada ayaa Xasan Daahir waxa u horseeday in kooxdiisii maskax ahaan la burburiyo kadibna awood ahaan lala wareego.

Kooxda Godane waxey u aragtay Xasan Daahir Nin Camiil ah oo dhinicii la rabo loo roogi karo, maantay wuxuu Maxbuus ku yahay Magaalada Baraawe wuxuuna ku jiraa Qol 4x4 Mitir ah oo lagu ilaaliyo.

Rooboow waxaa la sheegaa in uu ku dhuumaaleysto Inta u dhaxeysa Xudur iyo Waajid waxaana la sheegay inuu habeenba Meel Seexdo. Sidoo kale Dad Beeraley ah ayaa waxey sheegeen inuu Cali Dheere ku suganyahay Inta u dhaxeysa Afgooye iyo Balcad, asagoo Garka xiirtay,

Waxaan wali la sheegin Meel ay Jaan iyo Cirib dhigeen Axmed Godane iyo Shangole iyo Ciidamadoodi oo aan Hal Baabuur lagana qaban lagana gubin.

Godane, Shangole, Roobow, Xassan Dahir & Cali Dheere waxaa la sheegaa inay Burbur iyo Barakicin weyn u geesteen Koofurta Soomaaliya, waxey Soomaalidu aaminsantahay inay Sabab u yihiin Joogitaanka Ciidamada NATO ee Xeebta Soomaaliya. Sidaasnah waxey ku Muteysteen inay Qaadaan Bilada Hormuudka Xadgubuyada Sanadkii Sadexaad.

6. Ciidamda Dowlada

Waxaa Joogta noqotay in Ciidamo wata dharka dowladda iyo Qoriga dowladda ay dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada ay Dowladu ka taliso.

Dhaca, dilka iyo cabsi galinta shacabka waa u caado Ciidamadadaan lagu soo xulay Nidaamka 4.5, waxaa daciif ah oo wax aan jirin oo kale ah talaabo fal celin ah oo ay ciidamada shacabka dhibaateynaya kala kulmaan laamaha garsoorka ee dowladda.

Waxaa loo yaqaanaa Ciidamadaan Maryacalas iyo Calalo-uus kuwaasoo muuijnaya naceyb baahsan, waa iska caado in qof walba oo shacab ah marka uu arko askari qori wato inuu aad uga naxo, sabab la xiriirta baarasho ama Dil. Dadweynuhu waxey Caado ka dhigteen inay Xeroodaan Maqribkii waxa aan ka aheyn inta dagan Dariiqa Maka Al-Mukarama.

Ciidamadaan Xadgudubka ku caan baxay qaar kamid ah waxey wali ku xiranyihiin oo ay xiriir la leeyihiin Rag kamid ah Hogaankii sare ee TFG-dii oo Gabalkeedi dhacay. Waxeyna Shacabka Soomaaliyeed ka muteysteen Billada Hormiidada Xadgubka.

7. Burcad Badeeda

Burcad Badeedu waxey kamid tahay Warshadaha Lacagta farahabadan laga sameeyo, waxaa 1994 laga Aas-Aasay Bariga Soomaaliya oo hada loo yaqaano Maamulka Puntland. Waxaana Abaabulkaas sameeyay Rag kasoo qalanjabiyay Jaamacadaha Talyaaniga kuyaala iyo Rag lagu sheegay inay lug ku leeyihiin Maamulka Puntland oo Heshiis la galay Maafiyada Talyaaniga.

Heshiiska ayaa wuxuu lahaa Labo Barnaamij ama Labo Mashuurc: Mid waxey aheyd in Sunta Nuclearka lagu aaso Xeebta Soomaaliya, mida Labaadnah in la qafaasho Maraakiibta sida Sharci darada uga jilaabata Xeebta Soomaaliya. Waxaa la Abaabulay Qeyb Qubara




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.