Biladda Hormuudyada Xadgudubka 2013

Keydmedia Online — Dunida Sanad walba waxaa laga bixiyaa abaalmarino kale duwan, kuwaasoo qiimeyntooda lagu salgooyo dhinaca Horumarka iyo Wanaaga, waxaadna maqashay Sanadkan abaalmarinta Nabadda, Maamul Wanaagsa, qorida Buug xigmad ku dheehantahay, uheelanaanta badbaadinta Buldhada iyo u Dagaalanka Xuquuqda Bini'aadamka.
Maqaallo Keydmedia Online
Biladda Hormuudyada Xadgudubka 2013

Lakiin ma maqashay Dunidan iyada oo leysku abaalmarinayo xumo iyo dhibaatooyin sida Xadgudubyada baahsan ee Dalka iyo Dadka laga galay?

Keydmedia Online waxay baaritaan ku sameesay in ay idiin soo naqshadeeso hadaad Soomaali tihiin Shakhsiyaadkii idinka galay dambi Qaran, mid Ummadeed, mid Dhaqan iyo mid diimeedba ee Saannadka 2013. Sanadkaan 2013 waa markii Afaraad oo ey Keydmedia Online bixineyso Biladda Shaqsiyaadka Caadeystay in ay ku Xadgudbaan Sharafta Bulshada Soomaaliyeed.

1. Amisom - Kenya - Itoobiya

Kenya 1991 wixii ka dambeyay ayay Siyaadad ahaan iyo Dhaqaale ahaanba kobocday, mirahaas Kobocaas Dhaqaale iyo Siyaadsadeed waxaa dhalay Burburkii Soomaaliya, dhaqaalihii ay Dadka Soomaaliyeed soo galiyeen baa Dhaqaalahoodi kor u qaaday, waxeyna 5 Sano kadib Kenya isku badashay Caasimada Labaad ee Africa, waxey noqotay Meesha reer galbeedku ay Saldhiga ka dhigtaan oo guud ahaan Afrika laga burburiyo gaar ahaanah Soomaaliya.

Kenya waxey Soomaalida ugu amaalguday in ay Baad ka qaado, Kufsato, disho, xirto Dadka Soomaaliyeed, Labadii Biloodnah mar Dadka Soomaaliyeed la raafo kadibnah si loosoo daayo laga ganacsado oo mid mid loo gato.

Dowladaha Norway, Fransiiska, Talyaaniga ayaa Kenya waxey siiyeen Qandaraas Raqiis ah, waxey u tababareen Ciidamo looma ooyaan ah oo Calooshood u shaqeysataal ah kadibnah waxey ku qabsadeen Koofurta Soomaaliya ayadoo loola jeedo in halkaas laga soo saaro Shidaalka Soomaaliya ee halkaas Ceegaaga.

Ciidamadaas Kenyaanka iyo Calooshood u Shaqeysayaal Soomaaliyeed sida Gaandi, Morgan, Madoobe, Darwiish ayaa waxey Xasuuq ku hayaan Dadka Soomaaliyeed, Xusuuso Xasuuqi Mandheera, Xasuuso Xasuuqi Gaarisa iyo Xasuuqa iyo Barakicinta ay Booliiska Kenya ka wadaan Xaafada Eathligh ee Soomaalidu dagto. 

Xadgudubka ay Kenya ku fulineyso Dadka Soomaaliyeed waa mid Amnesty International ay idhaha ka daboolatay, Media-danah waxey galiyeen "Blackout" taasoo loo fasiran karo in Raali looga yahay.

Waa Calooshood u shaqeystayaal cadaw ah oo u jooga danaha dalalkoodu Soomaaliya ka leeyihiin. Waxay ilaaliyaan waxa lagu yeero Madaxda Dowladda Federaalka oo shisheeyuhu uu Caleemosaartay, waxayna isku si madfaca ugu laayaan kuwa ee ku sheegaan Al-Shabaab iyo Bulshada Rayidka ah. Mararka qaarkoodnah ayagaaba Abaabulla in ay Madaafiic kusoo tuuraan Madaxtooyadda, ayagaa abaabullo Qaar kamid ah Qaraxyadda ka dhaca Magaallo Madaxda Muqdisho si aan loo helin Xasilooni, jiritaankoda iyo Joogitaankooduna u sugnaado oo aan muran la galin. 

Waxey Al-Shabaab u gudbiyaan oo ay ka gataan Hubka iyo Rasaasta, si Dagaalladu usii daba dheeraadaan, si aan Xasilooni loo helin, si Argagax joogta ah loo abuuro, marwalbanah la yiraahdo




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.