Burcad badeeda oo waji Cusub la soo Baxday

Mudooyinkanba dunida waxa ay si weyn isha ugu heysay arinta la xiriirata falalka burcad badeeda Soomaalida, waxaana ay taasi suurta gal ka dhigtay in dalalka caalamka ay u soo kala tartamaan boobka kheyraadka dhex ceegaaga badweynta Soomaaliya, waxaana taasii daliil u ah markiibta shisheeya ee maalin walba isa soo tubeysa Xeebaha Dalka.
Maqaallo Keydmedia Online
Burcad badeeda oo waji Cusub la soo Baxday

Laakiin Dawladaha iyo ururada caalamka waxa  ay ku doodaan in burcada badda ee Soomaalida ay yihiin kuwa Qatar ku ah guud ahaan dhaqdhaqaaqa gayiga Soomaaliya iyo dhul badeedka dariska la ah, waxaana taa iyada oo laga dabaaqaya ay sameeyeen howl galo ay ugu yeereen burcad la dirir, taasoo si kale marka loo eego la dhihi karo Kheyraad Dal dalasho.

 

 Khabiir Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ahmed Mohamed Madaxna ka ah hay’ada Somali Date Information for Pirates Organization (SODIPO) ayaa sheegay xili uu ka qeyb galayay dood ka baxeysay  Telfishinka Afka carabiga ku hadla ee Alhiwaartv oo ku saabsaneed burcad badeeda  in burcad-badeedda Soomaali ahi ay howlahooda burcadnimo u weeciyeen dhinaca marinka baabal mandab halkaasoo ay maalmo gudahood weerraro isdaba joog ah ka geysteen.Khabiirkaani ayaa ah mid aad wax uga qoro kana faaloodo arimaha Burcad badeeda isagoo mar waliba la socdo xogta burcad badeeda somaalida ah sida ay ku shageen hordhaca Barnaamjkooda,

 

khabiirka ayaa soo xiganayay markii uu waramayay Alhiwaartv Warbixin ay soo saareen Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Yemen iyo qaar kamid ah kooxaha Burcad badeeda Soomaaliada isagoo shaaca ka qaaday in burcad-badeedda Soomaalida ahi ay howlohoodii burcadnimo u weeciyeen goobta lagu magacaabo Baabal Mandab iyo kanaalka Suweys oo iyagu isu socodka dhinaca badda caalamiga ah muhiimad gaar ah ugu fadhisa kadib markii ay cimilada Bada kacaday ayna ku soo bateen ilaalada Caalamiga ah ee ka socda Nato gacanka cadmeed oo ay si aad ah uga howl gali jireen.


Rog cadaaga  waxa uu xaqiijiyey in burcad-badeedda Soomaalida ahi ay weerareen tan iyo billowgii bishan aynu ku jirno wax aan ka yareyn 10 markab oo kuwa shidaalka qaada ay ku jiraan oo laga leeyahay waddankan Yemen ,hase ahaatee dhamaan weerradaasi ay fashiliyeen xoogag ilaalo ahaa oo isugu jira saraakiil iyo askar bileyska xeebaha kamid ah kuwaasoo la socday maraakiibta la weeraray.
Sidoo kale Saraakiisha xoogagga ilaalada xeebaha Yemen ayaa iyaguna waxa ay intaasi ku dareen in dhamaan weerarradaasi ay keeneen inay israsaaseyn xooggani dhex marto burcad-badeedda iyo ilaalada maraakiibtaasi kuwaasoo marka la weerarayay ay dhamaantood ku sugnaayeen marinkaasi baabal mandab la yiraahdo.


Wasaaradda arimaha gudaha dalka Yemen oo iyaduna war arintaasi ku saabsan oo ay  soo saartay ku sheegtay in burcad-badeedda Soomaalida ahi ay howlohooda masrax uga dhigteen marin biyoodkaasi muhiimka ah ee u dhexeeya Jibuuti iyo Yemen, waxaanay wasaaraddu intaasi sii raacisay in ay qaadatay dhamaan wixii tallaabooyin ah ee looga hor tagayo falalkaasi burcad-badeednimo ee kusoo kordhay marinka baabal-mandab.


Warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sidoo kale lagu sheegay in doon ama markab walba oo laga leeyahay dalka Yemen loo gaar yeelay ciidamo qalabeysan oo amaankooda dhowra , iyadoo sidoo kalena doonyaha dheereeya iyo ciidamada badda iyo kuwa ilaalada xeebaha oo is kaashana lagu baahiyay nawaaxiga marinkaasi.
Khabiirkaan ayaa sheegay in doonyaha ay burcad-badeedu ku qowleystaan oo aan awood sidaasi ah laheyn aawadeed aanay xilliga hadda lagu jiro usuurto galeynin in ay weerar ka geystaan biyaha badda cas ama gacanka cadmeed oo haatan iyagu aad u kacsan.
Waxa uuna intaas ku daray Khabiirkaan Soomaaliyeed in Marinka Baabal mandab oo Baaxadiisu tahay  27 km oo kaliya ayaa muhiimad dheeraad ah u leh kala gooshidda maraakiibta ganacsiga dunida waxaanu isku xiraa badda cas gacanka cadmeed iyo waliba bad-weynta hindiya isagoo ku yaalla dhamaadka koofureed ee badda cas waxaanu kala qeybiyaa qaaradda aasaiya oo waqooyi bari kaga toosan iyo Afrika oo dhinaca galbeed kaga beegan waxaana darafka kaga taalla Jaziirad ay Yemen leedahay oo uu bedkeedu yahay 8km oo laba jibaarran oo kaliya isagoo sidoo kalena kala qeybiya dalalka Jamhuriyadda Jibuuti iyo Yemen.


Dhacdadii ugu dambeysay oo halkaasi ka dhacdana waxa ay aheyd weerar ay in kabadan 10 doonyood oo ay burcad-badeeddu wateen maalin kahor ku qaadeen doon nooca lagu dalxiiso ah oo laga leeyahay waddankan Yemen inkastoo isku daygaasi afduub doontaasi laga badbaadiyay.

 

www.keydmedia.net 

W/D Ismaaciil Maxamed Xalane

E-Mail  imxalane@hotmail.com 


 




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.