Canaan Ka Yaab Reer Ma Daajo!

Keydmedia By: C/raxiim Hilowle Galayr - Marka aad u dhaba gasho siyaasada wadanka soomaaliya ayaa waxaad dareemaysaa in Madax iyo minjo ay ka siman yihiin cilada ah inaysan isku filnayn dhinac walba aqoon, talo iyo dhaqaaleba sidaa awgeed waxaa muuqata inay yihiin dad wadankooda dhexdiisa ku ah shaqaale u shaqeeyaa umaddo kale oo ka leh dalkooda iyo dadkooda dano gaar ah.
Maqaallo Keydmedia Online
Canaan Ka Yaab Reer Ma Daajo!

Tusaale ahaan waxaad arkaysaa nin madax ah oo Soomaali ah oo samaynayaa wax shacabkiisa iyo dalkiisa lid ku ah, taariikhdiisana wax u dhimayaa taasoo muujinaysaa inuusan caqligiisa saliimka ah ka keenin ee uu  yahay nin  dhex mushaaxayaa badwaynta maxmiyada maskaxaysan.

Maxmiyadu waa dhawr qaybood, waxaa ka mida mid muruqaysan oo ah in awood lagugu muquuniyo, rabitaankaaga gebi ahaan meesha laga saaro waxaana kaa  saari karta maxmiyadaa  inaad  awood  la timaado u babac dhigi karta  tan ku haysta.
 
Maxmiyada  maskaxaysan, waa mid lagugu maamulayo dalkaaga oo aadan xor ahayn fekerkaaga muuqaalka waxaad u egtahay  xor oo calankaaga iyo magacaaga maaha mid  la bedelayo balse dareenkaaga iyo  rabitaankaagu waxuu ku  xadaysan yahay  afkaaga keliya  maahaa  maskaxdaada waxaad ka keento ma shaqaynayaan  sababtoo ah hadaad diido  dano badan ayaa layska kaa hortaaga waxaanay sababi kartaa in taada shaqsi ahaaneed aad waydo waxaana laguugu hanjabayaa in taageeradii iyo aqoonsiga lagaala noqonayo.
 
Maxmiyada cilmiyeysan  waa maxmiyada hada caalamka ugu badan oo waxaa jideeya jamciyada  quruumaha ka dhaxaysaa, haddii awoodaada  ciidan iyo dhaqaale midna aan loo babac dhigi karin waxaa  laguu adeegsanayaa  qaab kale oo ah  in  laguu sameeyo  turxaamo badan  iyo iimo & eedo  kala duwan oo laguu tuso bulshada caalamka inaad tahay dhibaato soo fool leh, magacyo badan laguu sameeyo si loo  diciifiyo awoodaada  dhaqaale iyo ciidan gebi ahaan  jirintaanka iyo horumarkaaga , sidaa awgeed cod buuxa lagugu saaro cunaqabatayn, xayiraad dhaqaale, dhaqdhaqaaq dhinac walba.
 
Hadaba madaxda aduunka marka laga reebo kuwa hada  awoodda is bidaya waxaad arkaysaa inay dhamaantood ku sifoobaayaan canaan ka yaab cid ma doojo dadka dibada siyaasada  ka jooga waa shacabkeena  waxaa inoo muuqda  qalooca   rasmiga ah iyo xadgudubka ummadeed ee jira balse  maxaad ka tari kartaa.
 
Waxaa igu maqaale ah in mudooyinkii hore ee dowladii dhexe  ,loogu hanjabay hogaamiyihii soomaaliya  Maxamed siyaad bare  in cunaqabatayn la saarayo , waxuu hore u sii qaatay markuu shirka   ka qayb galayey , Biyo, Sabuul dubaniyo  Hilibka libaax badeedka la qoraxayn jiray Maleexaan  waxaanu u sheegay inuu labadana cunto ahaan u haysto biyahan  cabayo,  sidoo kale waxuu  ugu faanay  khayraadka dabiiciga ah ee beeraha  iyo kuwa xoolahaba  inuu ilaahay ku manaystay oo cunaqabatayn kastaa aysan waxba ka qaadayn isaga oo muujiyey isku filnaansho dhaqaale , hadaba  dalkii sidaa ahaa  waxuu maanta  marayaa  heer loogu hanjabo mushaharka shaqaalaha dowlada in aan la bixinayn haday fulin waayaan waxaa loo meeriyo.

Waan ka cudurdaaranayaa ma hayo  sababta iyo taariikhda  rasmiga ah ee dhacdadan. haday dhacdayna waa  taariikh wanaagsan oo u baahan xus iyo xasuus hadaysan dhicina waa caqli saliim ah oo aan haysanaa  waxaan  kaga maarano gacan shisheeye  balse  waxaan xaqiiq  ah  haddii qofku maskax ahaan isku filan yahay inuu wuxuu haystana isku filayn karo.
 
Hadaba  waxaa maanta umada soomaaliyeed rabitaankeeda lagu handaday waa dhaqaale   haddii bulshada soomaaliyeed  ay ka run sheegto u hogaansanka iyo taageerada nidaam dowliya lana helo madax aan  lahayn dano gaar ahaaneed waxaa meesha ka baxaysaa in aan  galno maxmiyada maskaxeed ee laynagu haysto maanta  ee qaranimadeenii iyo sharafteeniiba meesha ka saartay.
 
Waxaad  arkaysaa  ciidamo wadamo shisheeye  kuwa fog iyo kuwa deriska ah oo iska soo gelaya  dalka soomaliya  iyaga oo  ka idaad , iyo ogolaanshiiyo haysta  qaramada midoobay  haddii la diido qaramada midoobay   awaamirtooda waxaa  shuruud ku ah inaysan bixinayn   mushaarooyinka  , madaxda, ciidanka, baarlamaanka, dhamaan shaqaalaha dowlada ku meelgaadhka ah.
 
Waxaad arkaysaa madaxda oo la soo hordhigayso heshiisyo dowladii hore diiday ama ku gacan saydhay oo wax dhimaale u ah umada soomaaliyeed oo  si  ka fiirsasho iyo shuruud la,aana loo saxeexayo iyada oo aan bulshada soomaaliyeed mustaqbalkeeda danbe cidina  danayn waxay kala kulmi doonaan  saxeexyadaas.
 
Hadaba waa is waydiin madax iyo minjo  maka go,antahay inay ka soo hoosbaxaan  gumaysiga  maskaxaysan ee  ay ku jiraan  haday jawaabtu tahay   Haa yaan lays eedine  halays kaashado  dal iyo dibbad  si guud haloo wajaho dalku inuu helo nidaam uu xor u yahay oo aan cidna hoos tegin wax shuruudana ku xidhnayn oo bulshadu xor tahay.
 
Haddii taas la waayo  waxaan ku jiraynaa  , Gacanta Mahiga iyo mid la mida, Gacanka  Uganda & Brundi. 

Xadgudubyada iyo  kenya iyo itoobiya ee xuduudaheena iyo  kala qaybsanaanta baahsan ee umadeena haysta. Waxaan qoraalkayga ku soo afjarayaa  tix hore abwaan soomaaliyeed u yidhi hobolada  qarankuna ku luuqayn jireen.
 
Haybhayb la sheegtiyo
Habar habar  ma joogtee
Haween iyo rag maantaba
Yeynaan u kala hadhin.
 
Waa Qalinkii
Cabdiraxiin  Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.