Ciid wanaagsan

Maamulka Warbaahinta Keydmedia Online, waxaa ay bulshada Soomaaliyeed ee muslimka ah ugu hambalyeynayaan munaasadda Ciidda Adxda. 

Maqaallo Keydmedia Online
Ciid wanaagsan

Dhamaan Umadda Soomaaliyeed ee Muslimka ah, Howl-wadeenadda iyo aqristayaasha sharafta leh ee Warbaahinta Keydmedia Online, waxaan ugu hambalyeneynaa farxadda munaasabadda qiimaha badan ee Ciidul Adxa. CIID WANAAGSAN.

Waxaan isku dardaarmeynaa, in aan is caawinno, garab istaagno kuweenna danyarta ah, Masaakiintana ka farxinno, waxaan ku duceysaneynaa in Allah naga aqbalo cibaadada, sanadkaan sanadkiisa kalana nabad nagu gaarsiiyo.

Maamulka Warbaahinta Keydmedia Online, waxuu fursaddaan uga faa’iideysanayaa u duceynta dalka oo taagan marxalad adag, toobiyaha toosan Allow cagta noo saar.

Maamulka iyo Shaqaalaha KON waxey u rajeynayaan guud ahaan Muslimiinta gaar ahaan Muslimiinta Soomaaliyeed oo mudo rubuc qarni kor u dhaaftay dareenkoodu ku noolaa walaac ka imaanaya colaada u jeedo badanta ah ee ka ololeysa dalkooda Hooyo. 

Agaasimaha Guud ee Warbaahinta KON Cali Saciid Xasan ayaa u rajeeyay Shacabka Soomaaliyeed sanadka kan xiga in ay Nabad, guul barwaaqo iyo horumar ay ku gaaraan.

Hambalyo, Ciid Wanaagsan.

FG: Hadii alle idmo, boggaan kala socda Sawiradda Ciida iyo sida looga ciiday Caasimadda. 

Maamulka KEYDMEDIA ONLINE




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.