Damacaagu Amuu Kudilaa?? - Sheeko

Dr. Axmad Cabdulahi (Keydmedia) - Boqor baa damcay inuu siiyo abaalgud Qiima leh Nin kamid ah Shacabkiisa, wuxuuna kuyiri waxaan kusiinayaa Dhulka aad Lug kusoo marto oo dhan.
Maqaallo Keydmedia Online
Damacaagu Amuu Kudilaa?? - Sheeko

 

Ninkiina aad buu ufarxay wuxuuna bilaabay inuu abuurto Dhul aad ufara badan, isagoo aad ujeclaa inuu taabsado Dhul aad ubalaaran.

Wuxuuna socday masaafa aad udheer, wuxuuna kufikiray inuu kulaabto Boqorkii si uu usiiyo Dhulka uu soomaray oo dhan.

Balse wuxuu sii damcay inuu helo Dhul intaa kasii badan, wuuna siisocday, si uu uhelo Dhul aad ufara badan.

Markale ayuu ku fikiray inuu laabto, hadana damac baa siiqaaday wuuna sii socday, si uu u Dhul balaarsado. Kadibna wuu soo noqon waayay maxayeelay jidkii buu kadhumay- Noloshii buu kadhumay. Wuxuuna garan waayay Magaaladii iyo Baqorkii dhinaca ay kajiraan.

Wuxuu dhintay isagoo lasuuxay haraad, baahi iyo Daal. Damac baa horbooday, waxaana ku adkaatay inuu garto waxa dhabta ah ee naftiisu ubaahan-tahay.

Wuxuu garan waayay Qiimaha Qanaacada, waxaana horkacay damac, hunguri iyo waxbadso aan xad lahayn. Kuma intifaacin/kama faa´iidaysanin hadiyadii loo balan qaaday, naftiisiina wuu halaagay, maxayeelay wuxuu garan waayay waxa dhabta ah ee uu ubaahan yahay, iyo sida uu uga faa´iidaysan lahaa khayrka uu helay/ loo balan qaaday.

Hadaba damaca iyo hunguriga badani waa cudur dilaa ah inuu Qofku garan waayo Waqtiga ay waajibka tahay inuu yiraahdo "Intanaa igu filan".

Guul oo dhana waxaa gundhig u ah, inuu Qofku fahmo, qadariyo baahidiisu inta ay la egtahay / waxa uu ubaahan-yahay inta ay dhan-yihiin, markuu helana Rabbi u Mahad celiyo, kana nasto dhibkii iyo daalkii damaca iyo waxbadsiga.

Hadii kale waxaa dhacaysa (waxbadso wax beel bay dhashaa) waana mida kudhacday ninkan aan qisadiisa soo sheegnay.  

Keydmedia waxey Sheekadaan Aqristayaasheeeda ugu soo Daabacday: Xaalada Umada Somaliyeed hadaan fiirino waxaan arkaynaa in laysu-dilayo mudo kabadan 21 Sano dhul boob, dhul badsi, dhul balaarsi iwm.

Dhulka Soomaaliya Ilaahay siiyayna, somalia oo 10jeer lajibaray ayuu deeqi lahaa kana soo hari lahaa!! Inaguna waxaan dan moodnay Dagaal, dil, dhiigdadin, bililiqaysi iyo xasuuqid inaan kuheli karo dhul badsi.

Damacaaga maxakamayn kartaa?

Laba nin oo kaluumaysta ahaa baa subaxdii ukalahay Bada siay kaluun usoo  dabtaan, mid baana dhaqso helay kaluun aad uweyn, wuuna farxay wuxuuna uqalab qaatay inuu gurigiisii ulaabto, saaxiibkii baana weydiiyay; xageed usocotaa?

Wuxuuna kujawaabay Guriga, waxaan helay kaluun weyn oo nagu filan, marka waxaan ulaabanayaa Gurigaygii, saaxiibkiina wuxuu kuyiri; sug aad heshid kuwa kale oo badan oo isagoo kala ah.

Isna Wuxuu yiri oo maxaan karabaa? Wuxuuna kujawaabay; hadaad hesho kaluun kale oo badan waad sii iibin kartaa!

Wuxuuna sii weydiiyay oo maxaan karabaa? Wuxuuna ugu jawaabay, markaad iibiso kaluunka waxaad helaysaa lacag badan.

Wuxuuna markale weydiiyay oo maxaan karabaa? waxaad helaysaa keyd fiican oo meel kuuyaala!

Wuxuuna sii weydiiyay oo maxaan karabaa? Waxaad noqonaysaa hodan, milkiila ah. Wuxuuna sii weydiiyay oo maxaan karabaa hodanimada iyo lacagta badan?

Wuxuuna ugu jawaabay, markaad duqawdo ayaad nasan kartaa, xaaskaaga iyo ilmahaagana laraaxaysan doontaa!

Isna wuxuu kujawaabay, taa ayaan hada samayn rabaa, inaan xaaskayga iyo ilmahayga lanasto, laqadeeyo, lahasaawo, mana rabo inaan udib dhigo inta aan  kaduqoobo.

Hadaba Qanaacadu waa raaxo, kalsooni, xasilooni in laga faa´iidaysto inta Rabbi kusiiyay ee gacantaada kujirta, laguna dadaalo in Isaga looga mahad celiyo waxa uu nasiiyay siuu noogu siyaadiyo, (ilaa damaca badana waa lgu duloobaaye).  

Dr. Axmad Cabdulahi - Editor of society, health and education policy for Keydmedia
Axmed.abdulahi@Keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.