Dammul Jadiid Iyo Ididillo Hor Leh

Avv. Xussein Diiriye Afrax - Waxaa Maalin waliba si naxariis darro ku dheehan tahay u kordhayo dhibaatada Soomaalida haysato, Dagaal joogta ah, Xabbadaha Al-shabaab, Gantaalka Amisom, Abaaraha daba dheeraaday iyo dalaggii beeraha oo yaraaday waxay sabab u noqdeen Dhibaatada haatan taagan oo haba yaraatee xal loo haynin...
Maqaallo Keydmedia Online
Dammul Jadiid Iyo Ididillo Hor Leh

Ayadoo inta la hubo ay kor u dhaafayaan Labo Malyan Soomaalida Maanta Adduunka Qaxootiga ku ah iyo intaas in ka badan oo gudaha ku dhibateysan.

Qaxa iyo isdaba qulqulka waxa uu kallifay in dadka ay noqdaan haad habbeen barkii duulay iyo ayadoo Soomaalida Qaxootiga ah ay meel waliba kala kulmaan midib takoor ayaga u gaar ah: Fiiri Kenya,sud Africa,zimbawe griga iyo waddamo kale.

Arrintaas  kuma imaanin sabab la’aan ee waxa ay cuskan tahay dhammaan dadkii waddanka madaxda ka noqday oo ku sifoween siyaasad xumo,daryeel la’aan dibin daabyo, khiyaano iyo ayagoo ay u caddahay kaliya sidii jeebabka uga buuxsan lahaayeen lacagaha deeq ahaan dibadda laga helo.

Silaca, qaxa iyo qaxarka waxa kale oo sabab u ah Madax kakanaanta Soomaalida oo usu haysato in ay cid waliba  ayaga ka aqli iyo wax garad dhaamaan.

Sheeko ayaa waxay ahayd in niman ayagoo maraaya  goob cidla ah ay arkeen ukun waaweyn oo sheydaan meel dhigtay,nimankii waxay isku dayeen in ay bur-buriyaan ukunta,balse mar waliba ukuntii dib ayeey isu qabsataa,markii dhowr jeer sidaas dhacday ayaa nimankii waxay guddon sadeen in ukunta ay cunaan, inta meeshii ayan ka dhaqaaqin ayaa waxaa hortooda ka soo baxay sheydaankii ukunta meesha dhigtay oo aad ugu farax san in ukun sheydaan ay ka dhex dhawaaqeyso calool bani aadam, sidaasna ay dadka uga fogaadeen naxariis iyo nabad ku wada noolaasho.

Sheekada waxaa loo xigtay in soomaali ay ahaayeen kuwa liqay ukunta,sheydaanka na uu yahay mareykan oo askartiisa lagu jiiday waddooyinka,mudadaas wixii ka dambeeyay in la waayay jid loo maro sidii xaal waara loogu heli lahaa siyaasadda dalka.

Markii in yar oo ididiillo ay soo muuqatabo waxaa uu mareykanka la yimaada aar goosi iyo dar –dar cusub oo dib u dhac ku keento nabaddii muddada dheer la doon-doonayay, meeshii degganan iyo xassillooni laga maleynayay na waxaa durbadiiba loo gudbaa dagaal, abaar,jahawareer iyo barakac hor leh oo dadkii ka dhigay rajo iyo ididiillo la’aan.

Siyaasad xumada madaxdaas waxa ka dhashay natiijo ah in haatan gor-gortan loogu jiro sidii gobollo waddanka ka mid ah loogu wareejin lahaa dowladaha deriska qaarkood iyo ayadoo madax bannaanidii dalka uu gacanta u galay uur kiraalayaal ajanib ah sida: Saracen blackwater,Umbos, Alfa,SKA,Nsa iyo kuwa kale oo dhamman ka madax bannaan faragelin uga timaada dhinaca dowladda,ma jirto cid ay uga dambeeyaan ammar qaadasho ama u war hayso howsha iyo laqdabada ay ka maleegayaan Somaaliya, waxaa la og yahay oo kaliya in ay isku fidiyeen inta u dhexeyso xaruntii Xalane iyo deegaanka Jasiira goob ay ilaaliyaan eeyo tababaran cid ayaga ahayn oo u dhawaan kartana ayan jirin.

Mushkuladda soomaaliya mar hore aayeey qaan gaartay oo waxay soo jiidameysay dhowr iyo labaatan sano,haatan waxaa dhalatay dowla la magac baxday dammul jadiid,dhiig cusub,waxaa isla markiiba dadka ku dhashay ididiillo ah in dhallinyarada dammul jadiid ay u egyihiin dad ay hore u soo taabatay farahanna uga gubtay holicii 25 ka sano ka huraayay waddanka.

Dhallinyaradaas ayagoo kaashanaayo wax garadka iyo sama jecelka ayeey deg-deg waddanka mareykanka uga dalbadeen aqoons si ay u helaan dariiqi looga gudbi lahaa aar goosiga mareykanka,is mari wayga iyo looma dhamada ku habsatay mustaqbilka umadda soomaaliyeed.

Aragtida: Avv.Xussein Diiriye Afrax - Edmonton London
Keydmedia Online - Editorial Desk




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.