Danaysiga iyo Dawirsiga Dowadda Farmaajo

Maqaallo Keydmedia Online

Barnaamij uu marti ku ahaa Sii-hayaha Wasiirka Maaliyaadda Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, 24-kii bishaan, ayaa lagu sheegay in DF, ay soo wajahday dhaqaalo la’aan loona baahan yahay in dadka Soomaaliyeed dhaqaalo u aruuriyaan Dowladda, hadaba ma aamini kartaa hadalka Wasiir Beyle? 

Danaysiga iyo Dawirsiga Dowadda Farmaajo

Dr. Bayle, wuxuu sheegay inuu furay labo Akoon oo la doonayo in Dowladda loogu shubo lacag, waxaana la daahfuray barnaamij loogu magac daray ‘Taakuleynta Dowladda’, waxaana daawadayaasha loo sii sheegay in Farmaajo iyo Rooble, sida Bayle oo kale ay hor imaan doonaan, habeenkii Axadda, inkastoo kulankaas danbe uusan suura galin xaaladda Magaalada Muqdisho awgeed.

Arrintaan oo layaab ku noqtay Soomaali oo dhan, waxaa ka dhasahay su’aalo waawayn, waxaana la is weydiiyay, halka uu maanta marayo dalka, Amni ahaan, dhaqaalo ahaan, siyaasad ahaan, aqoonsi ahaan, iyo halkii uu marayay markii loo dhiibay talada, Farmaajo, 8 Febaraayo 2017.

Wasiir Bayle, Afartii sano ee la soo dhaafay, wuxuu meel kasta la taagnaa, “Dalku wuxuu gaaray isku filnaasho dhaqaale, miisaaniyaddii ayaa korortay, canshuurtii ayaan hagaajinnay, dakhligii gudaha ayaa siyaaday, kaalmo caalami ah ayaan helnaa” iyo hadallo kale, haddii taasi xaqiiq ahayd maxaa dawarrsiga maanta keenay? maxay daranyadu idiin dilatay oo aad digsiyada u wadataan?, waa maxay tuugmeysiga aad billowdeen, mise lacag aad dadka ka qaaddaan in  dalka ku dumisaan ayaaad rabtaan? DIIDNAY.

Dhaqankaan oo ah mid lagu yaqaan Kalitaisyada oo dhan marka laga jaro deeqda ama la saaro cunaqateyn, ayay Kooxda Farmaajo ee gabbal-koodu dhacay doonayaan in ay dhaqan galiyaan sidii hore uga dhacday waddamo uu ka mid yahay dalka Eritrea, oo uu xoog ku heysto ninka Farmaajo talada siiya ee la yiraahdo Isaias Afwerki.

Soomaalidu waxa ay ku mahmaahdaa, “Ninka aad kobaha ka taloneysid kuwiisaa la eegaa”, Waxaa la yaab iyo amakaag dadka ku noqday, halka uu ka soo muuqday Wasiir Bayle, markii uu soo bandhigayay barnaamijkaan, Ninka barnaamijka soo abaabulay ee martida loo ahaa, xariiriyahana u muuqday, maxaa sadarada sooyaalka ugu qoran? muxuu hadda qabtaa? maxayse Soomaali ka aamin san tahay, waa nin ceyn-kee ah?.

Waa kuma Sheekha sheegtay inuu qaaraan u aruurinayo Dowladda Fadaraalka?

Ninkaan oo loo yaqaan Sheekh Cabdi Xirsi, wuxuu ku noolyahay dalka Canada in muddo ah, kadib markii uu ka soo baxsaday waddanka Mareykanka oo uu ka geystay fal danbiyeedyo galmo la xariira.

Baadhitaan lagu sameeyay diiwaanka kiiskiisa iyada oo loo marayo Laanta Garsoorka ee Minnesota, waxaa la xaqiiyiyay in lix dacwadood lagu soo oogay 2006, oo ay ku jiraan laba dacwadood oo ah fal galmo.

Labo haween ah, ayuu faraxumeeyay, isaga oo ah dhaqtar ka howl gala Isbitaal ku yaalla, Woodbury,  isla xilligaas Cabdi Xirsi, wuxuu waayey shaqadii Isbitaalka, muddo aan badnayn ka dibna wuxuu ka tallaabay xadka Canada.

Hayeeshee, booliiska Woodbury, ayaa dacwado anshax xumo galmo ah ku soo oogay Cabdi Xirsi, isagoo maqane ah waxayna soo saareen waaran qabasho, isla waqtigaas, Xirsi wuxuu iska dhiibay waddanka Canada wuxuuna ka codsaday aqoonsi qaxootinimo.

Si uu u helo aqoonsiga qaxootiga Canada, Xirsi, wuxuu sheegtay inuu yahay dhibane lagu dhibaateeyay Soomaaliya, wuxuuna ku andacooday inuu ka soo jeedo beelaha laga tirada badan yahay,wuxuu ku qoray codsigiisa inuu ka soo cararay Soomaaliya, kadib markii xaaskiisa iyo wiilkiisa lagu dilay weerar jabhadeed oo ka dhacay gurigiisa oo ku yaallay Muqdisho 1991.

"Waan hubaa in lay dilayo haddii laygu qasbo inaan ku laabto Soomaaliya," ayuu yiri, taasoo sababtay in ugu danbeyn Guddiga Qaxootiga ee ay go’aansadeen in la siiyo Xirsi magangalyada qaxootinimada sanadkii 2008.

Tan iyo markii la doortay Farmaajo, Cabdi Xirsi, wuxuu ka mid ahaa dadka sida indha la’aanta ah u difaaca Madaxweynaha Waqtigu ka dhamaday, wuxuuna si joogto ah ugu gafaa qabiillo iyo shaqsiyaad gooni ah, wuxuuna qeyb ka yahay koox abaabulan oo ku xiran Madaxtooyada Soomaaliya.

Maxaa la gudboon muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha?

Barnaamijka loogu magac daray ‘Taakuleynta Dowladda’, ee uu gar-hayaha ka yahay, wadaadka aan kor ku xuusnay, waa mid loogu tala galay in lagu furto jeebka qurba joogta Soomaaliyeed, lacagta laga qaadana lagu burburiyo dalka, oo haddaba dagaalladu ka billowdeen.

Farmaajo iyo Kooxdiisa, waxa ay u is taageen hurinta dagaallo sokeeye, diyaarna uma ahan in ay ka tagaan dan nool, degaan nabad ah iyo daaro dhisan toona, ee jeebabkiina xirta, damacooda waalanna diida, si dalku u badbaado.

Waxaad kala doorataan, labo arrrin, waa midda koobaade,  in aad Farmaajo gacmaha qabataan si buuxdana uga hor timaaddan in dalkaan uu kalitalis gacmihiisa galo, oo aad ogtihiin dhibaatada uu leeyahay, waa midda labaade, In qiiro Jabaan idin qaaddo oo xoolihiinna Xamar lagu burburiyo.

Sidoo kale waxaan idin xasuusinayaa in la idiin raacan karo, danbiga lagu galo lacagaha aad bixisaan, Haa Haa Haa !!! dabcan waa la idiin raacan karaa, waana la idunku dacweyn karaa, sababta oo ah DF iyada ayaa sheegtay in aysan heysan wax dhaqaalo ah, ayna idinka rabto in aad akoomada u buuxusaan.

Haddii Farmaajo dagaalka Muqdisho ka billowday uu sii wado waa qasab oo maxakamad caalami ah iyo mid maxalli ah ayuu mudan doonaa, dadkii garabka dhaqaale siiyana safkiisa ayay ahaan doonaan ee Soomaaliyay ka daxadara.

Farmaajo iyo Bayle, waxaad weydiisaan sababta ay u diiden afartii sano ee la soo dhaafay in ay xisaab xir sameeyaan?, waxaad weydiisaan aaway dhaqaalihii kordhay ee ay ku faanayseen? waxaad weydiisaan maadaama aysan qaadan hal qof oo shaqaalo rayad ah tan iyo markii ay yimaadeen yaa la siiyay maalkii tira badnaa ee Bayle maalin kasta ku faani jiray? waxaad weydiisaan qof sharaf Soomaali ku dhex leh oo qaddiyadda idin la iibiya ma weyseen? Cabdi Xirsi cid iidiin dhaanta ma la’dihiin?

Dad xog ogaal ah oo ka tirsan xaafiiska Sii-hayaha Xilka Ra’iisul wasaaraha, ayaa waxa ay Keydmedia Online u xaqiijiyen in ujeedka dalabkaan uu yahay in Kooxda waqtigodu dhamaaday ay boobaan lacag aan badneyn oo hadda taalla Bankiga Dhexe, joojiyaanna mushaaraadka, sida ay haddaba sameeyeen.

GUULEED FAARAX – KEYDMEDIA ONLINE




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.