Dareenka Qeyb kamid ah Qurbajoogta Soomaaliyeed - Aragtida Abdulkadir Barre

Abdulkadir Barre - Waxaan nahay Dad Soomaaliyeed oo ka mid ah Dadka ku nool wadamada Europe. Waxaan rabnaa inaan talo kudarsano qaabka doorashada iyo Maamulka Dalku uu usocdo waxaan Warbaahinta Keydmedia Online ka Codsanaynaa in aad naga gudbisaan fariintaan aan u aragno iney tahay mid waxtar u leh oo uu Wadanku badbaado iyo horumar kugaari karo.
Maqaallo Keydmedia Online
Dareenka Qeyb kamid ah Qurbajoogta Soomaaliyeed - Aragtida Abdulkadir Barre

 

Waxaan iskudaynay inaan sameeyno cod aruurin ama fikir aruurin dhowr Wadan oo kamid ah Wadamada Europe, dadweynaha Soomaaliyeed oo kudhaqan wadamadaan aan kunoolnahay inay aragti kadhiibtaan sida ugu haboon ee dalkayagii uu ku gaari karo Nabad waarta iyo Horumar uuna uga bixi lahaa colaada soonoq-noqda ee salka kuhaya Qabiilka, isnacaybka, bobka, eexda iwm lakala dhexdhigay dadkaas Walaalaha ah, loona abuuri lahaa jawiga runta ah ee lagu horumarikaro Tusaalanah laga qaaato Horumarka ay gaareen Dalakaan aan kunool nahayna ee Reer Galbeedka.
  
Sidee Loo badbaadin karaa dalkeena oo loogaari karaa inaan inagu hanao dalkeena
1) Inaan qabyaalada iyo eexda meel iska saarno oon usoo jeensano midnimo wada shaqayn is aamin iyo inaan wadankeena uwada istaagno.
 
2) Inladoorto dad aqoonleh waxna kayaqaan maamul dowladeed oo khibrad kahaysta caalamka sida dowladaha hoey umaray.
 
3) Inaan lasoocelin hogaamiye kooxeed qof ahaan jirey oo denbiile ah kuwaas oo aan naqaano fartay qorayaan oo aan horay ubaranay waxa ay yihiin waa kuwa somali halkaas dhigay qabqable dagaal ama hogaamiye beeleed.
 
4) Hadii xildhibaan uu yahay uguyaraan nin haysta shahaado dugsi sare maxadweynuhu waa inuu haystaa shahaadado jaamacadeed.
 
5)Inaan madaxweynuhu kursiga joogi karin wax kabadan 4sano maadaama mudada dheer aytahay wixii laga dagaalay waana inaan dib loosodooran markuu dhamaysto afarta sano si ay qabiilada oodhan midba mar uqabto xukunka oon qolo meesha iyadu umoodin inay gaar uleedahay.
 
                                                   Qaybtaan shuruucda dalka inlagudaarn rabnaa
 
1)Caasimadu waa Xamar hadaan dadka degenu aysan iyagu diidin waayo majirto meel ugahaboon lkn dadka degen haday kaligood yaashaan markaas su,aal baa ka imaanaysa diidmada macnaheedu waa (a)indadkii deganaan jiray aysan goryahoodii helin (b)inay tahay meel qabiil gaar ah xukunkeeda uleeyahay oon loo sineeyn.
 
2) Hadii caasumad meel loo aqoonsado xamar ama magaalo kale dadka degan degaanku waxay helayaan jaanisyo usan haysan dadka kale oo kafog caasumada sidaas darteed hadaad hesho caasumad waa inaadan utartamin madaxweyne maadaama ayjiraan dadkale oo aan joogin xamar oo kulamid ah si loowada qaybsado maamaulka iyo khayraadka dalka waa inaan halqabiil isku darsan caasumada iyo madaxweynaha markaas qofkasta wuxuu helayaa kalsooni ah inay maalintiisu imaanayso, xamar baa kuguuleysatay inay sii ahaato caasumada somalia markaas hiiraan ama galgaduud ama mudug ama gedo ama jobooyinka waa inuu noqdaa madaxweynuhu taasoo keeneeysa isu dheelitiran kalgacal is aamin lakiin ana casumada leh anaana madaxweynaha leh haday timaado markaas sinaanu majirto ee midkood dooro madaxweynaha ama caasumada.
 
3) Qofka soomaaligaah meeshuu kadago somalia waa inuu kuhelaa xuquuqdiisa muwaadin nimo maahan haduusan kasoojeedin gobalka uujoogo inuusan xuquuq lahayn maadaama uuyahay qof kasoo jeeda gobolkale taas waa cadaalad daro waana sida aykudhaqmaan Puntland kuwaas oo qofkaan ahayn qabiilka dega halkaas kasoo tarxiila, halkaas waxaa kulumaya xuquuqdii soomaali nimo oo uulahaa qofkaasu waana dalkiisii inuu shaqo kahelo iska daaye waaba lasoo tarxiilayaa sidii uujoogo sucuudiga maya taas waasharci daro, waa inuu waliba doorasho kagelikaro baalarabaa waxna doorankaro lana doorankaro.
 
Intaas baan soojeedinay hadaan nahay jaaliyada Soomaaliyeed oo degan Europ wadamada scandinavia waana xalka kaliya oo waarikara loogana badbaadikaro burbur danbe iyo in mardanbe soomaalida laysu adeegsado ama laysaga waramo ama qabiil hebel baa wadankii iska haysta oo adinku waxba kumalihidin iwm sidaan baan garanay inlooga badbaadi karo burbur colaad nacayb iskudir taasoo aan ka aragnay wadamada caalamka horumaray.
 
Aad baan idiinku mahad celineynaa Bahda Keydmedia sida wanaagsan oo wararka iyo xaaladaha dalka ugu gudbisaan dadweynaha.           
 
Soomaaliya guul iyo horumar midnimo is Jacayl iyo Nabad waarta baan ilaah uga baryeynaa
 
Mahad sanidiin
Abdulkadir <Akdirbare@hotmail.com>

Argatida Qoraalkaan waxaa iska leh Qofka ku Saxiixan!

 




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.