Dareenka Xilka ku saaran!!! (QEYBTI-2AAD)

FADLAN QEYBTA 1-AAD AQRISO - Qofka Muslimka ah ee xilkaska ahi, waa inuu ogaado dadku inay yihiin laba qaybood oon isku qaldami karin, Khayr wadeyaal iyo sharwadyaal. Mana jirto meel udhaxaysa oo lagu gaban karo. Maxayeelay waxaan wada ognahay, maalinta Qiyamada dadku inay ukala bayrayaan 2Jid oo kaliya, jidka Jannada iyo Jidka Naarta, Rabbi (swt) hanaga koriyee. Rabbina (swt) wuxuu ku sheegay suurada Muddathir, Aayada 37, inay dadku yihiin 2qaybood (Qayb rabta inay hormarto iyo qayb rabta inay dib udhacdo).
Maqaallo Keydmedia Online
Dareenka Xilka ku saaran!!! (QEYBTI-2AAD)

Afraada Bulshadu waxay lamid yihiin Tiirasha Guryaha lagu dhiso, waxaana qasab ah inay noqdaan, kuwo adag oo aan dhaqso iska jabaynin, haduu midi iska jabana Gurigii oo dhan baa dumaya. Waxaana culays iyo dhib noqota sidii burburkiisii meesha looga aruurin lahaa, Tiir adag oo dhista kale xajin karana loosoo raadin lahaa! Qofka wax-mataraha ahina waa sidaa oo kale, dhiniciisa ayaa bulshadii looga soo dhici, dhibkuna uga iman.

Hadaba qofka xilkaska ah, waxaa laga rabaa inuu  su´aashan, si daacad ah uga jawaabo;  anu  ma Xalka iyo horumarinta Ummada  ayaan xubin ka ahay, ama kaalin fiican kaga jiraa?? mise kuwa dhibka iyo dulinimada Ummada ku dhex fidinaya  ayaan katirsa-nahay?  

Waxaana sahlan qofku inuu dhoho; Maya anu sharta iyo xumaanta qayb kama ihi.! Balse waxaa muhiim ah inuu qofku isweydiiyo, mahubtaa ama macadyn kartaa inaad kamid-tahay Wanaajiyaasha/ Khayr wadyaasha? Haduu shaki kugalo, hubso inaad kamid-tahay shar wadyaasha! Maxayeelay; majiro qof ay usahlan-tahay inuu isku qiro inuu shar wade ama wax matare yahay.

Hadaad rabto inaad noqoto qof iska nool oo aan dhib wade iyo dhagar qabe ahayn, balse aadan ku hawoonin inaad sharta reebto, dulmiga ka hortagto, wanaaga abuurto, Khayrka faafiso, waxaad isku qirtay inaad tahay faaiida-laawe /wax-matare meeshiisii gabay, xilkii saaraana dayacay. Maxayeelay kuwii xumaanta iyo dibudhaca Ummada ka shaqaynayay ayaad jidka ufurtay, dhinacaaga ayaana Ummadii looga yimid, madaama aad adu shaqo gab noqotay. Sidaa darteed hubso inaad wali ka fogtahay Darajada wanaajiya-yaasha ama Khayr-wadayaasha.

Culimadu waxay dheheen qofku markuu dhinto, waa uun laba mid:

  • Inuu ahaa Wanaajiye ama Khayrwade, Qabriga kaga nasan-doona dhibkii iyo dadaalkii uu samayn jiray intuu noolaa. Waxaana u oyn doona dadkii uu Khayrka, iyo wanaaga usamyn jiray/ kudhex fidin jiray iyo xattaa dhulkii uu ku cibaadaysan jiray, ku tukan jiray, ku soomi jiray dadka khayrka ugu sheegi jiray.
  • Iyo inuu ahaa sharwade, xumafale, Ummadu ay dhibkiisii iyo sharatiisii kanasan doonto, waxaana ku farxaya dhimashadiisa Ummadii uu dhibi-jiray, dhulkii uu  Rabbi (swt) ku caasin-jiray korkiisa, Malaaigtii uu kudhibi jiray qoritaanka Camalkiisa xun.   

Hadaba aan hubsano inayna jirin meel udhaxaysa Xaqa iyo baatilka, xumaanta iyo Wanaaga, qofka Muslika ahna ma usuura-galayso inuu yiraahdo anu Xaqa iyo baatilka ayaan dhexdhexaad kanoqonayaa. Qofkasta oo Muslim ahi Bulsha-weynta Muslimiita ayuu xubin ka yahay, haduuna wanaag, khayr iyo waxtar faiida leh ku soo biirinin, dhib iyo culays buu kunoqonayaa.

Qofka oranaya anu waxba mabadali karo, bulshada na waxba kuma soo kordhin karo, waa qof isagu dulinimo isku xukumay, cadeeyayna inuu Ummada tirada ka badiyay, tayana ulahayn. Mana jiro qof uu Ilaahay bilaash u abuuray, oo aan waxtari-karin, balse inaga ayaa laynaga rabaa inaan fikirro, dadaallo, si’aan uga soo baxno Xilka Rabbi nasaarayna kasoo baxno.  

Dareenka Xilkasnimo waa tarbiyo loo baahan-yahay inay Bulshadu afraadeeda ku barbaariso, kuna abuurto maskaxdooda siloo helo afraad leh dareen wax-qabad, Xilkasnimo, jacaylka Diinta, Dadka iyo dalka intaba. Soomaalida maantana waxaa ku habsaday Cudur layiraahdo naftayda, qabiilkayga, junfadayda, qoyskayga bahdayda… oo aan dhamaanaynin.

Hadiiba Cudurkaa aan lafahmin, daawo sax ahna loohelin xaalkeenu wuxuu yahay (Ina Huraay Taladeenu waa dhooba waraari) maxayeelay marna laga caafimaado Xanuun ama Jirro aan lagaradin meesha ay ka-socoto ee dhabta ah, waxaana badanaysa fooftaan habaw, qaadan kara waqti dheer iyo dadaal fara-badan, waana sababta keentay in Dalkeenii, Qarankenii, jiritaankeenii intuba  dhumaan baaba´aan, cidwalibana eeda ku riixdo qabiilada kale, Ururada kale, gurubada kale iwm. Inta ay taasi socotana Xalku aad buu ufog yahay.

Ahmed Abdulahi - keydmedia - Germany
a.alqasimi@yahoo.de




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.