? DAYUUS BARO MAGACA XAMAR CAANKA KA NOQDAY MAXAA XIGI DOONO?

Avv.Xussein Diiriye Afrax - Waxa xaqiiqda ay tilmaameysaa in uu dhamaad u muuqdo dagaalkii ay dowladda soomaaliya mudada dheer kula jirtay Alshabaab iyo kooxooyinka madaxa adag oo xukun doon ah. Umadda soomaaliya wey ka daaleen dirir iyo isdil joogta ah, waxay soo mareen 22 sano aad u xanuun badan oo nasasho iyo nololba loo diiday.
? DAYUUS BARO MAGACA XAMAR CAANKA KA NOQDAY MAXAA XIGI DOONO?

Markii dagaal laga gudbo waxaa isla muddo yar dhexdooda ka dillaacayay mid cusub iyo isdil hor leh oo dadka ku kallifo qax, kala roor iyo dhibaato aad u fool xun,dagaal waxaa ugu horeyay kii lagu qaaday kacaankii militeriga.

Waxaa xigay kii 1992 oo qabyaaladda ku lug lahaa, waxaa ka dambeeyay kii loogu magic daray restore hope oo ay  mareykanka horsed ka ahayeen, waxaa ku xigay kii maxkamadaha iyo qolooyin la magac baxay shahaado la dirirka,kii xabashida iyo midka haatan taagan oo dad badan salaf saday.

Mudada sidaas u dheer oo ay socdeen dagaaladaa faraha looga gubtay waxaa waddanka ku noolaa dad dulqaad badan muujiyay oo dhibaatada u adkeystay diidayna in masiirka soomaaliya ay la wareegan cadaw dibadda ka yimid ama xukunka dalka uu gacanta u galo dad ehel u ahayn.

Dadkii mudada 22 sano kor u dhaafta dalka ku sugnaa waxa ay taqasuus ku qaataan sidii looga hor tagi lahaa qolooyin u muuqda in ay yihiin qowleysato u soo tafa xeedatay sidii ay ula wareegi lahaayeen xukunka dalka ayagoo tix gelin siinin dadkii mudada dheer jilbaha u aastay badbaadinta jiritaanka magaca soomaaliya,dadkaas ilaalinta waddanka isu xil saaray waxay dareemeen in sida biyo daadaayo oo kale rag dibadda uga soo burqadeen waxay na guddoonsadeen in hab naraxiis la’aan ah uga hor tagaan kuwa isku magacaabo (DIASPRO )balse ayaga ula bexeen magaca waddanka ku cusub oo ah( DAYUUS BARO ) sababta magacaas ku baxay waxa uu salka ku hayaa in dadka noocaas ah ay cabsi daraadeed dibadda uga guureen waddanka na beyla ka dhigeen kana carareen waqti aad loogu baahnaa in ay gacan ka geystaan difaaca dadka,dalka iyo calanka.

Labada kooxood oo maqaalka lagu tilmaamay waa dad kala fikir iyo kale ujeedo ah,mana muuqato ifa faallo lagu dhex dhexaadin karo,reer diaspro waxay isu haystaan in ay yihiin dad cilmi,maal iyo waayo aragtinimo dibadda kala yimid xaq na ay u leeyihiin hoggaan madax tinimo ee dalka,balse xagga  kale waxaa taagan dad rag iyo dumar leh oo dadaal iyo adkeysi muujiyay una dulqaatay dhibaatada raalli na ku noqday muddo dheer difaaca dhulka hooyo.

Baaris dheer keddib waxaa la ogaaday in qolooyinka dib u soo guuray iyo kuwii waddanka hore u degenaa uu soo kala dhex galay shaki ugu dambeyntii dhalin karo dagaal mar kale faraha looga gubto,dadkii difaaca dalka ay geerida iyo dhaawac ka soo gaaray ayan marna raalli ka noqon doonin in wixii ay dhibaatada u soo mareen nacfigii ka dhashay ay la wareegaan dad markii loo baahnaa dibadda u cararay oo haatan markii uu xoogaa soo ifbaxay iftiin yar iyo ididiillo nabadeed ay waddanka dib ugu soo noqdeen,rajada ay qabaan na ay tahay sidii ula wareegi lahayeen xunka iyo masiirka umadda oo mar hore meel cidla ah uga tageen.

Sida kor lagu soo sheegay soomaaliya waxay soo martay marxalado dagaal oo kala duwan,balse haatan inta goori goor tahay ha la isku dayo sidii looga hor tagi lahaa in dagaal ka dhex dillaco dayuus baro iyo qolooyinka kale.

Avv.Xussein Diiriye Afrax - Edmonton London


Mas




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.