Deegaan Faquuq (QEYBTA 2AAD)

Akhristayaal sida aan idinkugu balan qaadnay Qormadii tan ka horeysay waxaan daba gal iyo baaritaan ku heynaa talaabooyinkii deegaan faquuqa ahaa ee uu shacabka ka soo jeeda koonfurta Dalka ay kula kaceen Maamul Deegaameedka Bari iyo Nugaal.
Maqaallo Keydmedia Online
Deegaan Faquuq (QEYBTA 2AAD)

Ma kula tahay akhriste in heeb ahaan dad ay si weyn isu xigaan horjoogayaasha Maamul deegaameedkaasi xalaashaday dhibaatada shacabka in ay si nabad ah oo aan cabsi laheyn ugu nool yihiin Gobalada koonfureed ee Dalka isla markaana ay xubna sar sare ku leeyihiin maamulada ka jira koonfurta.

C/rashiid Max’ed Cirro deegaan ahaan waxa uu ku abtirsadaa Gobalada Bari iyo Nugaal waxaana uu xubin ka yahay Xukuumada uu madaxda ka yahay Cumar C/rashiid Cali "Waan taageersanahay wixii amaanka lagu sugayo, waxaan ognahay in dhalinyaro koonfurta tababar ku qaadatay in loo diray deegaanadaasi nabdoon ee Bari iyo Nugaal, marka waa daw in maamulka oo iska qabtaa raggaasi" sidaa waxaa yiri C/rashiid cirro.

Inkastoo uu muujinayay inuu yahay qof matalaya xukuumada isla markaana codka xukuumada ku hadlaya ayaa hadana marka si qota dheer hadalkiisa loo eego waxaa muuqaneysa inuu la dhacsanyahay nidaamka deegaan faquuqa ah ee ay ku dhaqaaqeen maamul deegaameedka Bari.

Haweenka uu iyaga ah kuwa aad u uur nugul isla markaana xili walba ka hadla dhibaatada shacabka loo geesto meel walba oo ay joogaan ayaa iyana dhankooda waxa ay ka hadleen arintaasi, Caasho Shaacuur oo ka mid ah dhaqdhaqaaqa Aaya ka talinta Haweenka Soomaaliyeed ayaa tiri “ looma baahno xiligan in dad Soomaaliyeed qaab qabiil ah loo bartilmaameedsado, waxaana ugu baaqeynaa dadka ku kacaya arintaasi in ay joojiyaan isla markaana Soomaalida aan la kala soocin waxaana Caasha ay cadeysay in Qabiil iyo qabiileysi laga gudbay oo hada loo dagaalamayo Mabaa’di is khilaafsan.

 

Dhanka kale qaar ka mid ah Dadkii Soomaaliyeed ee iyagu arkay Dhalinyaradii lagu soo xadgudbay  ayaa waxa ay u xaqiijiyeen Keydmedia.net in muuqaalada dhalinyaradaasi aya  ahaayeen kuwa si weyn looga argagaxo isla markaana aad u liitay.

 

“Madaxa Dhalo ayaa looga xiiray, marka aad eegto waad dareemeysaa in xadgudub xoogan ay la kulmeen, ma jiraan wax agab ah oo ay wataan sida dhar, cunto iyo waxyaabaha guud ahaan Nolasha aadanaha ay u baahantay” sidaa waxaa Keydmedia.net u sheegay Hooyo Xasno Cabdi Jaamac oo ka mid ah Haweenka ku nool Galkacyo ee arkay Dhalinyaradaasi.

 

“Madaxa ayaa nagala xiiray, Xabsi ayaa nala galiyay, kadib waxaa sawira naga qaatay qola cadaan ah oo aanan garin Karin waxa ay ahaayeen iyo cid soo wakiilatay laakiin waxa ay na siiyeen waxoogaa Biyaha qoladaasi kadib markii ay sawirada qaateen” sidaa waxaa yiri Axmed oo ka mid ahaa dhalinyarada la soo tarxiilay isaga oo ku sugan Magaalada Baladweyne oo ay xili dhaw gaareen.

 

Waxaa kaloo intaasi uu ku daray in sida ariga oo kale gaari loogu soo taxaabay iyaga oo aad u tira badan waxaana uu sheegay in qaabka loo soo saaray gaariga aanu waxba ka duwaneed sida ariga wadamada carbeed loo dhoofiyo.

 

Hadaba akhiriste arintan iyada ah ma tahay mid ku haboon in lagula kaco shaqsi Soomaali ah misna Muslim ah oo ku sugan Dhul Soomaaliyeed ? .

 

NB: Dhawaan Filo qormooyin kale oo ku saabsan arinta deegaan faquuqa.

www.keydmedia.net

 




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.