Dhabbahee loo Qaadaa Xal-u-helidda Koofurta Soomaaliya?

Prof. Maxmuud Iimaan Adan - Virginia, USA Waxaan dhashay 1943dii, markii 13kii kamidka ahaa dhallinyaradii usoo halgantay xornimo-doonka ay dhidibbada u aaseen urur siyaasi ah oo la oran jirey SYL, kaasoo waayo cusub ka curiyey dhamaan deegaamada Soomaali weyntu leedahay oo halgan qaatay 17 sano ee labadii gobolugu horreysay ay qaateen xornimo madax bannaan iskuna biireen sannadkii 1960kii. Dhallinyaradii SYL kuma jirin aqoonyahan waayo-arag ah oo la xafiiltami karey gumayste gaamuray. Kuma jirin sarkaal ku xeeldheer dagaalka toosan iyo kan dabban toona.
Maqaallo Keydmedia Online
Dhabbahee loo Qaadaa Xal-u-helidda Koofurta Soomaaliya?

Kuma jirin maalqabeen addegsada hantida uu leeyahay, cadawgana cudud ku muquuniya. Qalabka ugu weyn oo ay adeegsanahayeen waxaa kamid ahaa:Daacadnimo, waddaninimo, midnimo, walaaltinimo, Soomaalinimo iyo nafti-hurenimo. Rag iyo dumarna waa loo sinaa. Intaasoo isku maan, maskax iyo muruq ah waxay noqdeen xoog oo aan cidu loodin karin. Tijaabadaas waa shaqaysay waana laga salgaaray.

Sidoo kale, ma jirin bulsho waayo-arag, ama saldhig dhaqaale leh oo la loolami karey cududda iyo xeeladaha gumaysigu lahaa. Haddana, dhallinyaradaasu waxay huriyeen kaahii xornimo-doonka kaasoo ku wada fiday cirifyada dalka oo dhan-miyyi iyo magaalaba. Rag iyo dumarba, SYL waxay u guntatay in la baraarujiyo bulshada loona iftiimiyo aaya-xumada gumaystuhu caanka ku yahay. Waxay mideeyeen himilada bulsho-weynta Soomaaliyeed ay tiigsanaysey iyadoo ay kaashaday, maanka, muruqa iyo dhigga nafti-hureyaasha ee horseedka u ahaa halganka xornimo doonka.

17 dii sano ee lagu jirey xornimo-doonka, waxaa laga gudbay laab-lakaca xigtonimo iyo is-bahaysi goboleed. Qabiil waxaa looga gudbay qaranimo iyo Soomaalinimo. Nafta qofka Soomaaliyeed xurmo iyo qaddarin ballaaran bay lahayd, is-tixgelin iyo is-afgarad baana bulshadu wax walba ku wadaagi jirtey. Alle mahadiise xornimo ayaa la qaatay, mahaddaasna waxaa iska leh xornimo-doonka Soomaaliyeed, meel walba hajoogee- guud ahaan, gaar-ahaanna 13kii halganka xornimo-doonka hormuudka ka ahaa. Maxaa ka dambeeyey?

Ma loo abaal-guday intii ku hoobatay halganka xornimo-doonka? Jawaabtu waa maya. Ma la qoray taariikh-noololeedka aabbeyaashi iyo hooyoo-yinkii xornimo doonka usoo halgamay? Jawaabtu waa maya. Ma la sameeyey maalin lagu maamuuso intii ka qayb-qaadatay doorkii qaranimo-doonka iyo dhismaha midnimada ummadda Soomaaliyeed? Jawaabtu waa maya. Maxaa looga abaal-dhacay naftihureyaashii dhiggoodii xornimo-doonka u daadiyey, naftoodiina ku waayey? Jawaabtu waa weli lama garan. “Tagta daayoo timaadda qabo” baa wax walba looga baxay!

Ummad walba waxay leedahay geesiyaal ku hoobtay xornimo doonka bulshadooda; jiil walbana wuxuu taariikhdiisa usii gudbiyaa jiilka ka dambeeya, kaasoo noqda dhaxal qarameed la tixraaco oo lagu halqabsado. Annagu maxaanu kuwaas uga duwan nahay? Carruurtayadu daacadnimo maku ababi doonaan haddaan inkirno kuwii xornimo-doonka dhiiggoodii, nafdoodii iyo noloshoodiiba usoo huray? Jiilka soo koraya sidee buu u arki doonaa kan ku xadgudba aayaha ummadda? Qabiilnimo miyaa qaran looga sii gudbi karaa? Nin huwan shaal qabiilnimo ama ku taaha eex gobolaysinimo qaran ma hoggaamin karaa? Arrintan waxaa loo cuskan karaa maah-maahda leh “Hal booli ahu nirig xalaal ah ma dhasho.”

Kadib intii gobonimada la qaatay, wax badan baa hoggaanka siyaasadda ka xumaaday, haddana lagama qoomamayn laysmana qanicin. Gabidhaclayn badan baa lasoo maray haddana lagumana xisaabtamin, lagamana tusaale qaadan. Lama qaddarin kii wanaagga falay, lamana takoorin kii xumaanta sameeyey. Waxaa jirey natiijooyin xun oo ka dhashay dhacdooyin aan laga fiirsan, hase yeeshee lagama waantoobin. Falkaas hebelba waa sameeyey waana ku badbaaday, anna waa markayga waana ka dabbaalan doonaa, ayaa noqotay halhays lagu wada daydo dabadeedna la caadaysto. Waqtiga hadda la joogo, sidee xumaanta iyo samaanta loo kala sooci karaa? Sidee kan xun xumaantiisa loo xambaarsiin doonaa kan wanaagsanna samaantiisa looga abaalmarin doonaa? Goormaa la garwaqsan doonaa in xumaantu ay xuntahay samaantuna wanaagsan tahay? Goormaa siyaasi dhagar iyo hagardaamo ku gaamuray uu dib isu garwaaqsan doonaa? Ummad hormuudkeedu wada danayste yahay sidee loo caymin kara?

 

DANAYSI GAAMURAY

Muddadii halganka madax-bannaanida lagu jirey ilaa xornimada laga qaatay, danaystaha iyo danaysiguba waxaa loo arki jirey dhaqan gurracan oo bulshada Soomaaliyeed marna u cuntamin. Waxay ahayd wax laga ducaysto oo farta lagu fiiqo. Been-sheegidda, shir-qoolka aayaha ummadda, afduuba rabitaanka bulshada, khiyaamada maldahan iyo hagardaaminta hormuudka waddaniga ah intuba way reebanaayeen. Danaystuhu uma babacdhigi karin rabitaanka ummadda, hase yeeshee duleedka ayuu ka tumaatiyi jirey, guure habayn buuna shirqoolkiisa ku dhamaysan jirey. Fagaaraha xalaasha ah isma soo taagi jirin ee hadba gaadmo ayuu dantiisa ku gaari jirey. Xiisaha iyo xawaaraha xornimojeceylka bulshada baa ka xoog badnaa koox yar oo danaysi isku bahaysatay. Si arrintaas la maldaho, danayste waxuu isu rogay “Siyaasi.”wuxuuna noqda jinnigii dhalada kasoo baxay.

QABRIGII MIDNIMADA QARAMEED

Maxaa sabab u ah qaran-guurkii ku habsaday ummadda Soomaaliyeed? Sababuhu waa badan yihiin waxayna soo jiitamahayeen muddo qarni barkiis ah, waxayna ku dambeeyeen kuwa halka ku tilmaan: Caddaalad-xumo, eex, qabiilnimo godka laga soo qufo, naas-nuujin, xukun jaceyl, danaysi, sadbursi, kelitalisnimo, aargoosasho, xasuuq guud iyo mid gaar-ahaaneed, cabburin, takoorid, hagardaamo, dhaqan-rogid, anshax-darro, takri-falid, gaadmo-ku-dilid, been-abuurid, shirqool, amar-ku-taaglayn,

xurmo-darro, xad-gudub, iwm. Tilmaamahaas oo dhan ummaddu hidde iyo dhaqan midna uma lahaan jirin. Qiimihii iyo tixgelintii soo taxnaan jirey tan iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, qarni barkiis baa lagu dudumiyey. Deriskii iyo xididkii waa kala huleeleen oo waxay ku kala firdhadeen shanta qaaradeed. Dugsigii danaaysiga waa laga aflaxay oo waa kaas burburiyey midnimadii iyo qaranimadii ummaddu ku faani jirtey. Suntii siyaasi-isku-sheeggu qooshay waxay keenta burbur iyo barakac guud taasoo nacaybka is-nacayb dhexdhigtay bulsho-weynta Soomaaliyeed. Sideebaa falalkaas xun looga gudbi karaa?

 

Siday u bdan tahay, bulshada Soomaaliyeed waa wada wiil iyo abtigiis. Waa sodog iyo wiilkiis. Waa dhaqan iyo dhareer-wadaag aan marna kala maarmin. Waa bulsho wadataal ah oo haddii ay isqoonsato wax walba ka heshiisa. Sida toorreyda iyo galkeeda, waxaanu isu nahay garab iyo gaashaan is-hudhan; taasoo aan uga duwan nahay dad-weynaha dunida ku nool intiisa badan. Dhaqan sidaas u fac weyn maxaa wiiqay muddo yar gudaheed, sideebaase loo soo noolayn karaa?

 DHIBAATADA QARAN-DUMINTA

Midnimada Soomaaliyeed waxay ahayd cudud xoog-badan oo iska caabbin jirtey cadaw kasta oo soo maaga- ha ahaado mid deris la ah oo ku xadgudba xuquuqda bulshada Soomaaliyeed ama mid kaas usoo hiiliya. Lama doorin karin anshaxa iyo dhaqan-wanaagga bulshadeena tiir-dhexaadka u ahaa. Diinta iyo hiddaha suubban baa lagu hal-qabsan jirey, goob walbana raggeeda ayaa ka talin jirey. Marka isku-duubnidaas wiiqanto, cadaw naga itaal-roon baanu magan u nahay. Cudurro na dabargooya iyo caadooyin na dhaqan roga baanu halis u nahay. Xukun shisheeye oo nagu danaysta banu qarka u saaranahay. Hase yeeshee, siyaasiga Soomaaliyeed dhinac walba oo loo cayrsho cid baa u jirta.

 

NIDAANKA FEDERAALIGA

Haddii uu si fiican u ambaqaado, nadaamka federaaliga ahu waa noo fiican yahay. Deegaamadii lasoo cidleeyey baa dib u dhismaya. Aqoontii iyo waxbarashadii meel keliya ku urursanayd baa baahaysa. Yididiilo cusub baa ku dhalanaya dadka, waxayna ka qayb-qaadanayaan horumarinta deegaamadooda. Xukun-ku-naasnuujin iyo xatooyo xoolo dadweyne ba laga gudbayaa. Deegaan walba kan deriska la ah buu la tartamayaa. Is-xilqaanka iyo hawlkarnimada ayaa kocahaya. Khayraadka deegaamada ku jira baa la curinayaa, dhaqaaluhuna horumar buu gaarayaa. Hase ahaatee, riyadaasu waxay rumoobi kartaa marka dareen qabiilnimo laga garto.

 

DHAQAN-CELINTA BULSHADA KALA ANFARIIRTAY

Dabka gubaya tuulada ku taal cirifka waddanka ugu shishaysa wuxuu ku fidi karaa dalka intiisa kale. Ma aha wax la yaraysan karo ee waa in layku dayo sidii loo damin lahaa inta goori goor tahay. Balada ku habsatay reer hebel maanta, reer hebel kale bay berri uga sii gudbi kartaa; ninka maanta dhibaatadaas u sacabatumayana waa mid weli ku jira caloosha hooyadiis. Halaga sii fakaro waxa lagu dambayn doono.

 

Colaadda cadawnimo loo huriyo cid walba waa ku guban kartaa oo waxaa laga yaabaa inuu ka mid noqdo kii huriyey; waayaha nasoo aaddanna wajiyo badan bay la iman karaan. Weligeed cidu isma oran dhallaan Soomaaliyeed baa magan u noqon doona dad kale oo aanaan wadaagin dhaqan, caado iyo tarbiyad diineed toona! Cidu isma oran wiil Soomaaliyed baa dhagaha duleeshanahaya oo dahab xiran doona, bidixdana ka laafyoon doona! Cidu kuma fakarin in wiil Soomaaliyeed iyo ayeeyadiis loo kala turjumo! Cidu isma oran in gabar Soomaaliyeed uu bililiqaysto nin aan gayaakeed ahayn oo xididnimo iyo xurmo waalidnimo ka diimoon! Ciduna isma oran in dhallinyaro Soomaaliyeed u dhuumato kiniisadda masiixiga si ay ugu soo tukadaan iyagoo ku dayanaya deriskooda qalaad! Ciduna isma oran in Madaxweyne Soomaaliyeed oo ku dhaartay daacadnimada dalkiisa inuu ciirsi bido ciidan shisheeye oo shalay cadaw noo ahaa, isagoo dhisi kara kumanyaal Soomaali ah oo diyaar u ah difaaca Qaranka!

 

Inta nasiibdarro ku dhacday oo naftoodii waayey baa ka badan inta la sheego. Lafo magac la




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.