Dagaaladii Sokeeye: Maxaa Been laga sheegay!
Hawlaha sawirrada Aslan ee halka lagu soo bandhigay waxay tilmaan iyo muuqaal ka bixinayaan Soomaaliya oo dhan;gaar ahaan biiaddo,dhaqanka iyo dareenka dadka Soomaaliyeed oo ay mararka qaar farxadi ka muuqato,marar badana dhibaato iyo Murugo.
Sawirrada Asalka ee goobtaan lagu soo bandhigay waxay na tusayaan mukul iyo muuqaal khayaal ah hase yeeshee markastaba ka tarjumaya xaqiiqada iyo nolosha Ummadda.
Bal aan soo qaadano dhibaatada dadka Soomaaliyeed biyo la’aanta ka haysata.
Soomaalia,biyo-la’aantu waa dhibaato waligeed soo jireen ahayd ee aan marna is-bedelin. Roobku dalka Soomaaliya wuu ku yar yahay,marka uu da’ane dhulkaa degdeg buu u gursada.Sidaas darateed waxaa sawirradaan aslan qaarkood ka muuqata dhibataatadaas.
Dadka Soomaaliyeed roobku waxuu tusaale u yahay Barwaaqo wana loo dhabaaldegaa marka uu bilaabmo ,halka reer Yurub ay ka kahdaan,xiligisana ku tilmaamaan xili xun oo aan la socon.
Sawirradaan waxaa ka muuqda bilicsamida degaanada guud ahaan, muuqaalka magaalada Muqdishoiyo suuqyadeeda.
Waxaan meesha ka maqnayn hal-abuurka aslayaasha Soomaaliee hibada ah,kasoo ka soo jeeda dhaqanka Soomaaliyeed.
Sawirada Aslan midkood waxuu matalayaa goosin Ariyah (Ido) ee xero bariisan ee uu Nin tabar yar hor joogo.Halkaas Farshaxanka Soomaali waxay ka muujiyeen dhibtii iyo rafaadkii dadka Soomaaliyeed kala kulmeen Xukunkii kali-taliska ahaa ee dalka ka jiray illa maantayna ay tagantahay darxumadaas,dadkuna iska hoganyahiin oo ayan ka dhiidhineyn. Bandhigaa noocaan ah waxaa lagu tilmaami karaa socdaal lagu marayo Taariikhda iyo biiadda ay ku nooshahay Ummadda soomaaliyeed,waxyaabahaasoo mararka qaar aragga ku dhaafaya sangarafyo, mararka qaarna khayaaliba ah micno qoto dheerna xambaarsan.
Maantay Dadka Soomaalidaa ama aan ahayn Soomaali,waxay fursad u heleen inay daawadaan hawlahan aslidda oo runtii dhibaato badan laga soo maray. Maraka qaarkood intu Kaamarada Masawirro ku soo qaado ayuu ku abaabinjiray Aslayaasha Aslida sawir-gacmeedka, halabuurida kasokow,helitaanka qalabka wax lagu also oo helitaankedu adkaa.
Hawlahaan ama Sawirradan waxaa isku dhabariday mudane Cali Saciid Xasan kuna hawshooday,laga soo bilaabo 1979,kadibna Magaalada Muqdisho ka aasaasay golaha Farshaxanka Golol Art Gallery, kaasoo ahaa golaha Farshaxan ee kaliya oo gaarka ee ka jiray Soomaaliya oo dhan.Golaha Farshaxanka GOLOL ART GALLERY waxaa la aasaasay 1988 si loo dhirrigeliyo aslayaasha Soomaali iyo in la hormariyo farshaxanka muhul ee Soomaaliyeed loona hawlgalo in Farshaxankaas laga barto ama laga aqoonsado Dalka dibadiisa.
Si loo gaaro ujeeddooyinka kor ku xusan hawlaha Golaha Farshaxanka Golol Art Gallery waxaa lagu jeheeyey:Ururinta sawirada, habeeynta iyo nidaaminta ,ugu dambeyntii ku bandhigida xarunta Golol Art Gallery gudaheeda.
Markuu qarxay dagaalkii sokeeye, 2 sano kaddib aasaaskii GOLOL ART GALLERY, sawirrada oo markii hore ahaa 138 Loox, waxaa ka Cayntay 70 Loox . Intii kale Bililiqadii wadanka bay galeen.
Sawirrada halkaan la isugu keenay waa dhaxal ka dhaxeeya Dadka Soomaaliyeed iyo Aadanaha guud ahaan, waayo waa muqaal ku saabsan Shacbi dhan oo halis ugu jira dabargo’ jiritaan ahaan iyo dhaqan ahaan.
Laga soo Turjuumaad
Art Critic
Andrea A. Pierno
International Academy of Modern Art
Rome
Fadlan Ra`yigaaga Facebook ama E-Mail ku soo Qor.
www.keydmedia.net
Add comment
Comments