Dhibaatada Ay Somalida Aan Xorta Ahayn Ku Hayso Somalia Maanta

Ibrahim Hassan Gagale (Keydmedia Online) | Dhibaatada Ay Somalida Aan Xorta Ahayn Ku Hayso Somalia Maanta - Waxaa Geeska Afrika badhtamihii Dagaalkii Labaad ee Dunida (1939-1945) ka soo shaac-baxday Aragtidii Somaliweyn.
Dhibaatada Ay Somalida Aan Xorta Ahayn Ku Hayso Somalia Maanta

Halgamadii xornimadoonka ahaa ee dadyowgii Soomaalida ee ku noolaa Geeska Afrika oo ay kala hoggaaminayeen Ururkii SNL iyo SUP ee Somaliland, iyo Ururkii SYL ee Somalia waxay hilowga himaladoodu iyo riyaaqooda wadaninimo ku salaysnaa in la xoreeyo, mideeyo, hal calan iyo hal dawladna la hooskeeno 5tii Somaliyeed si loo helo dawladweyn oo Somaliyeed oo ka dhalata Geeska Afrika.

Somaliland ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee Somaliyeed oo xorooba isla markaana hirgesha figradda Somaliweyn. Markii Somaliland ka xorowday Boqortooyadii Ingiriiska Bishii June 26dii, 1960 waxay markiiba  la midowday Somalia oo ka xorowday dawladdii Talyaaniga bishii July 1dii, 1960.

Nasiib-darrose waxaa dhacday laba arrimood oo burburiyay himiladii Somaliweyn. Waa midda kowaade, Jabuuti oo ka mid ahayd 5ta Somaliyeed waxay diiday inay ku soo biirto Somaliweyn isla markaana noqotay dawlad madaxbanaan. Waa midda labaade, Somaliland oo ka noqotay midowgii ay la lahayd Somalia 1991 ka dib markii dhibaato weyni dhexmartay labada dal, sidaasna ay ku fashilantay Aragtidii Somaliweyn.

Maanta dadyowga Somalidu waxay u kala fadhiyaan 5tii meelood ee gumaysigu u qaybiyay sida dalal badan. Somaliland, Jabuuti, iyo Soomaalia waa xor. Somali Galbeed iyo Somali Waqooyi Bari waxay kala raacsanyihiin Itoobiya iyo Kenya.

Saddexda xorta ah ma muuqato inay midoobi, Labada la haysto ma muuqato goor ay xoroobi, haddii ay xoroobaanna ma muuqato inay aaminsanyihiin figradda Somaliweyn. Sababta ay Somaliweyn u fashilantay waxa weeye Somalida oo si foolxun sida Carabta u aaminsan qabyaaladda iyo xukun-jacaylka taas oo keentay inay si foolxun isugu tacadiyaan.

Somalidu waxay isku dishaa iskuna xasuuqdaa magac Qabiil taas oo ka baxsan Diinta Islaamka iyo nidaamka dawladnimada. Sidaas awgeed Somalidu way kala aamin-ka-baxday, kala aamin-ka-baxaas waxaa uu noqday wedka Somaliweyn.

Dadyowga Dalalka Somalida xorta ah awood uma laha inay xorreeyaan labada gobol ee Somaliyeed ee ka kala tirsan Itoobiya iyo Kenya balse niyad ahaan way u taageerikaraan.  Waxaa xorraynkara oo qudha Somalida u dhalatay gobolladaas sida ay isku xorreeyeen dadka Koonfurta Sudan.

Markii Jamhuuriyadii la odhanjiray Somalia ee ka koobnayd Somaliland iyo Somalia ay ku duushay Itoobiya sannadkii 1977 si ay u xorrayso dhulka Somali Galbeed waatii la ogaa ee adduunku ku kacay kuna khasbay dawladdii Somalia inay ka baxdo xuduudda Itoobiya kuna noqoto xuduudeeda, dagaalkaas oo dhaqaale iyo ciidanba lagu waayay.

Kadib markii ay fashilantay Aragtii Somaliweyn oo ahayd in la xorreeyo 5ta Somaliyeed, hal calan iyo hal dawladna la hoos keeno ayaa waxaa dhacday in Figraddii Somaliweyn ay maanta isku bedeshay siyaasad isku dul-dul-noolasho taas oo Somalida aan xorta hayn ku mamaan xukunka, hantida, iyo dhulka Somalida xorta ah kana jeestaan xorraynta dhulalkooda sida maanta ka socota Kismaayo. Haddaba waa maxay dhibaatooyinka Somaliweyn ku hayso Somalia maanta, sideese looga bixikaraa?

Dhibaatooyinka ay Maanta Figradda Somaliweyn ku hayso Somalia waxaa ka mid ah:

1. Somalia (Koonfurta) oo ay maanta ka dhacayaan waxyaabo la yaab leh, taas oo caddayn u ah dhibaatada ay Somaliweyn ku hayso dalkaas. Kismaayo waa magaalo madaxda Jubbada Hoose ee Somalia oo ah dal xor ah. Waxaa la xaqiijinayaa in milliishiyada Kismaayo dagaalka ku qabsaday iyaga oo taageero ka haysta ciidamada dalka Kenya kana soo horjeeda dawladda Somalia uu xoogoodu ka yimid Somalida Kilinka 5aad ee Itoobiya iyo Waqooyi Bari Keenya. Kooxdan oo ku soo gashay gobolladaas magaca Somaliweyn ayaa waxa la sheegayaa in qorshahoodu yahay inay goostaan Gobollada Jubooyinka iyaga oo taageero ka haysta dalka Kenya oo amar ka  qaadan Unisom iyo dawladda Somalia.

Gobolladan waxaa deggan oo leh beelo badan oo Somaliyeed oo ka soo herjeeda Ciidamada Kenya iyo milliisiyadda hubaysan ee ay taageeraan, waxayna dagaal kula jiraan labadaas Ciidan si aan looga barokicin dhulkooda loogana goyn Somalia oo ay ka tirsanyihiin. Jubbooyinku waa gobollada ugu qanisan Somalia, waa  isha nolosha iyo nafta dadkeeda, waxbana Somalia la hadhimayso si ay u badbaadiso jiritaankeeda. Haddii xiisadda Kismaayo sii socota Kenyana si cad ula safato kooxda qabsatay magaalada, waxay markaas soo dedajinaysaa dagaal ka dhex-qarxa Kenya iyo Somalia kaas suurtogal ah inuu  Kenya u soo jiido jab,  burbur dhaqaale,  iyo qalalaase ku fida Waqooyi Bari Kenya waayo ummadda Somalia marnaba ma dhacayso in looga adkaado dhulkeeda hooyo ee ay difaacayso.

Waxaa maanta dawladda Somalia waajib ku ah inay ciidamada Kenya deg deg uga saarto dhulka Somalia (Jubbooyinka) intaan dhulkeeda la kala goyn, haddii dawladda Kenya diidana lagu iclaamiyo dagaal qabta weyn oo xorrayn ah oo lala galo Ciidamda Kenya isla markaana laga saaro milliisiyadda la safan ee ka so duushay gobollada Somalida aan xorta ahayn laguna cesho degaamadooda. Addisaba iyo Nairobi midna xaq uma laha inay farogeliyaan madaxbanaanida Somalia iyo wadajirka dhulkeeda ama ka hadlaamba. Waa sidaas sida keliya ee looga bixikaro dhibaatada Figraddii Somaliweyn ay ku hayso maanta Dalka Somalia ee Xorta ah.. Sidaas oo keliya ayaa lagu badbaadinkaraa maanta madaxbanaanida Somalia iyo wadajirkeeda dhuleed ee xorta ah. Dawladda Kenya waxay markii horeba Jubbooyinka ku soo gashay amar la\




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.