Dhibaato hor leh & Kala Boobka Dhulka

Avv.Xussein Diiriye Afrax - Inta la hubo Waddanka Soomaaliya waxa uu leeyahay 8. 200. 000 Hektar oo ku habboon beerista dalagga kala duwan, intaas waxaa u dheer xeeb badeed dhirirkeeda kor u dhaafay 3000 KM oo ay ka buuxaan kalluun nooc waliba leh.
Maqaallo Keydmedia Online
Dhibaato hor leh & Kala Boobka Dhulka

Dhul baaxad weyn oo isla siman, labo Webi iyo dhowr togag waaweyn, macdan nooc waliba leh iyo cimilad u saamaxday in Seddaxdii Bilood-ba lagu goosan karo dalagga nooca Masagada iyo Galeyda, nicmooley nooc waliba leh, intaas oo kheyraad  ah uu Allaah ugu barwaaqeeyay ayaa intii ay dadaal iyo tacab muujin lahaayeen waxaa Soomaalida looga maara waayay is Dil, is Dagaal iyo hadal badnaan oo jiimo ugu fadhinin.

Wixii ka dambeeyay Dagaalkii lagu qaaday Ciraaq iyo Afgaanistaan Dowladaha galbeedka waxaa soo wajahay dhibaato dhaqaale oo ay fahmi waayeen sidii looga bixi lahaa, markii muddo ay la daala dhacayeen ayeey waxaay dareemeen haddii arrinta ay sidaan dhaami weydo in Qatar loogu jiro sidii loo quudin lahaa dadkooda malaayiinta kor u dhaafay oo weligood dareemin wax la yiraahdo abaar iyo baahi midna.

Sidaas ayaa waxaa la isugu yeeray qubaro ku xeel dheer saadaasha ka hor tagidda musiibooyinka, keddib markii muddo ay isku daaleen ayaa quburada waxay ay guddoonsadeen in sahan loo tago waddamada ku habboon dhul beerista si loo helo dhul baaxad weyn oo laga soo saaro mirihii lagu quudin lahaa Dadyowga Waddamada hantida badan sida Mareykanka, Shinaha, Ingiriiska, Hindia, Jarmalka, Faransiiska iyo kuwa kale oo badan.

Isla markiiba si Deg-Deg ku jirto ayaa waxaa la guddoon saday in Waddamada qaar sida Sudaan, Tanzania, Etiopia, Suudaanta Cusub, Gana, Mali, Muzambiko, Senegal, Liberiya, Kenya, Uganda laga ijaarto dhul ku habboon beerista dalagga oo nolosha bani Aadamka looga maarmin.

Ilaa haatan arrinta waxay ku ektahay dhul iyo beer la ijaartay balse waqti aad u dhaw waxa loo gudbi doonaa in xoog la adeegsado sidii Dadka masaakiinta looga fara moroojin lahaa Beeraha yar-yar oo gacan falatada ah.

Dowladaha waaweyn iyo Hay




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.