Digashada Dowlada iyo darbi madax ku Garaacida Al-Shabaab

Abdulkarim Haji Seeko (Keydmedia) - Waagii aan caruurta aheyn ayaan maqli jiray dad ku alle tuugaya alle yaanay duqan fuley ah na lagdin!!, dadka sidaa ku alle tuugayay waxay uga gol lahaayeen cawaaqibka ay yeelan karto arinkaasi iyo garasha la’aanka duqanka dadka fursada ka helay.
Maqaallo Keydmedia Online
Digashada Dowlada iyo darbi madax ku Garaacida Al-Shabaab

Lama filaan ayuu ahaa dagaalkii todobaadkii tagay ciidamada  ciidamada Amisom oo tilmaansanaya kuwa dowlada ay ku qaadeen wadada warshadaha hareeraheeda fariisimo ay ku lahaayeen shabaab, waxaana ciidamada la raaciyay kuwa amisom ay ahaayeen dal yaqaan si weyn u kala garanayay deegaanadaasi luuqluuqyada badan, dagaalka oo gaadma ka bilowday ayaa markii danbe itaalsaday, waxaana dhalinyarada shabaab ay muujiyeen kaliya adeeg laakiin dulqaadkii ayaa ka idlaaday markay garab ka waayeen ajaanibta qaaradaha kale duwan ka timid ee ku beertay afkaarta xag jirnimada ku saleysan.

Waxay dib u garasho iyo fakar kula laabteen dhalinyaradii shabaab isbartiibatada oo iminka ah xarun balaaran oo ay saldhig ku leeyihiin, qaarkood baa xaafadaha gubta, Ciise cabdi, tawqiif iyo Suuqa xoolaha naf la caarinimo la tagay, laakiin daqiiqda kooban abaabul aan xoog badneyn  ay galeen kadib waxa ay ku soo laabteen halkii dagaalka looga saaray iyagoona ka bilaabay xabado laakiin natiijo wanaagsan lagama dhaxlin.

Dagaalka xabada iyo qoriga leysu adeegsanayo marka laga reebo dhinacyada dagaalamaya waxa ay adeegsanayaa dagaal dhanka warbaahinta ah iyadoona  mid walba warbaahinta uu u sheegay guul inuu gaaray wacdaro la yaab lehna uu ku dhigay dhanka ka soo horjeeda, balse dowlada ayaa xili danbe ku dhiiratay in ay warbaahinta ku casuunto aagii dagaalka uu ka dhacay ee wasaarada gaashandhiga

Warbaahinta waa mid laba dhan u kala safan mucaarad iyo muxaafada, wallow ay jiraan kuwa tira yar oo madax banaani sheegta laakiin tabiya wax aan macna ahaan ka duwaneen waxa ay warinayaan mucaraadka ama kooxda dowlada sheeganeysa.

Afrika hogaamiyaasheeda ma ahan kuwa siyaasad ahaan bisil, waxaana ay ku faanan ka soo muuqashada warbaahinta, waxaa shacabka muqdisho yaab iyo fajac ku abuuray kolkii daqiiqada is xiga madaxda dowlada ay shirar isku ujeeda ah ku kala qabteen xafiisyadooda, aaway laamihii warfaafinta ee dowlada, aaway afhayeenadii u xilsaarnaa ka hadalka arimhaasi?, aaway kaalintii wasaarada warfaafinta?.

Intaas oo dhan lama eegin oo madaxweyne, R.wasaare iyo wasiir mid walba waxa uu u yeeray saxaafadda isagoona ka hadalay dagaalka, waa su’aale dowladu isma aamisana miyaa oo qof walba afkiisa ayuu ku kalsoonyahay.

Waxaan maqli jiray kolkaan caruurta ahaa hooyooyinka xaafadaha oo ku maahmaahaya Nimaan hadlin hooyadiisba way qadisaa, taasoo marka wax siismada ilmaha iyo waxyaabaha la halmaala laga hadlayo, shirarkan ay madaxda dowlada iska daba qabatay ma u fasiri karnaa macna ahaan maahmaahdaasi oo ma dhihi karnaa ujeedada dagaalkaba waxay aheyd dunida ha ina araggto.

“Ma hakan doono, waan baacsan doonaa, dagaalka waa sidii uu u bilowday, dulqaadkii waa dhamaaday, wada hadalka waa diideen, soomaali ma ahan waa ajaanib la soo safriyay” sidaa waxaa saxaafadda u sheegay R.wasaare Farmaajo.

“Awoodooda waa wiiqantay, waxaana la gaaray xiligii Dalka laga saari lahaa shabaab” sidaa waxaa laba shir oo kala duwan ku sheegay madaxweyne  Shariif.

Tusaalaha waqtiga iyo taariikhda hadaan dib ugu laabano tabar darida shabaab waxa ay soo bilaabatay bishii Ramadaan kadib markay ku dhawaaqeen Dagaal ay ugu magac dareen “Dabar Goynta Xad gudbayaasha” kaasoo natiijadiisi ay noqotay in xaafadaha siigaale iyo Cali Caliyow oo degmada H.wadaag ka tirsan leysku mari waayo, waxaana sida xog-ogaal ay sheegeen dagaalkaasi shabaab uga dhintay saraakiil badan iyadoona ay ka dhaxleen kala jab dhanka afkaaraha ah.

Ismaandhaafka shabaab dhexdiisa ah ayaa ka danbeeyay kadib markii kooxda qunyar socodka shabaab oo ku abtirsata gobalada Bay iyo Bakool ay ogaatay in kooxda xag jirka oo ka soo jeeda gobalada Waqooyi iyo Bari ay doonayaan in ay xaabada dagaalka ka dhigaan dhalinyarada reer Bay, taasina waxaa ka gadooday Mukhtaar mansuur oo madax xanuun ka qaaday eed uga timid reer tolkiis oo la xiriirta dhalinyaro badan oo isku heyb ah kuna geeriyootay dagaalka.

Waxaa kaloo saacaday dowlada dhalinyaro aftahanimo uu alle ku maneestay kana tirsaneed shabaab oo dhankeeda soo martay, waxaana dhalinyaradaasi codad laga duubay oo lagu muujinayay dhaliilaha shabaab maalin walba laga rukumay Radio Muqdisho oo codka dowlada ku hadla, waxaana halkaasi darsi ka qaatay dhalinyaro kale oo ku hamineysay in ay mudo ka sii mid ahaadaan shabaab.

Xogaha kale ee ku saabsan tabardarada shabaab ee xiligan la helayo ayaa waxaa ka mid ah iyadoo ciidamo badan ay shabaab isugu geeyeen ciidan badan gobalka Gedo oo ay rumeysan yihiin in duulaan Itoobiya ay garab siineyso uu kaga iman karo.

Is muujinta dowlada ayaa la rumeysanyahay in ay ujeedeedu tahay ka Gadida waxa beesha caalamka loogu yeero ee taageerta dowlada, waxaana madaxda dowlada ay u kala tartamayaan sidii kalsoonida beesha caalamka ay u kasban lahaayeen.

Ma jiro sida dad badan ay rumeysan yihiin shaqsi ka tirsan dowlada oo leh hami bulshada lagu daryeelayo, waxaana dhamaan horboodayaasha dowlada ay yihiin kuwa iska gadaya beesha caalamka isla markaana diyaarsanaya waji, si haday bari ku gacan seeraan masrax siyaasadeedka Soomaaliya uu gacan qabad uga helo.

Jabka Alshabaab ay kala kulmeen dagaalada waxaa cadeyn u ah qeyla dhaanti ka soo yeertay wakiilka Shabaab ee Shabeelada Hoose Max’ed C.lle ee uu ku sheegay shacabka barakacay in laga doonayo dhalinyaro jiida dagaalka u raacda kooxda shabaab, waxaana arintaasi fal celinteed si qota dheer loo dareemay jimcihii kadib markii caruur badan oo deegaanadaasi ku nooleed lagu soo taxaabay gawaari jiidaha dagaalkana lagu soo guray iyagoo aan tababar iyo xirfad ciidan toona heysan.

Su’aasha taagan ayaa ah waa maxay qorshaha xiga ee labada dhan, ma sii socon doonaa dagaalka? Mise waxaa lala sugi doonaa ajanda kale oo waxaa la gaaray ujeedadii aheyd iska iibinta beesha caalamka waxa loo yaqaan.

Hadaba akhriste marka aad si qota dheer u eegto falsafadaha ay labada dhan adeegsanayaan, isla markaana caqligaaga saliimka ah aad kaashato maxaa kaaga soo ifbaxaya? fadlan aragtidaada noogu soo dir facebook.

Abdulkarim Haji Seeko - Keydmedia Correspondent





Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.