LIVE Blogging: Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya // Update - *Live*

Akhristayaal Keydmedia Online (KON) ayaa Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya Daqiiqad Daqiiqad idinku soo gudbiso halka ay mareyso Doorashada / Ka Aqriso Boggaan Wararkii ugu Dambeeyay oo kala dambeeyaan!
Maqaallo Keydmedia Online
LIVE Blogging: Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya // Update - *Live*

*WARKII UGU DAMBEEYAY*

Tartankii doorashada guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ku guuleystay Mahad Cabdalla Cawad kaddib markii Afar musharrax ay xilkaasi u tartameen.


Muqdisho (KON) - Waxaa Xilka Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya loo doortay Xildhibaan Jeylaani Nuur iikar.


Muqdisho (KON) - Prof. Jawaari oo ku guleystay in lo Doorta Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ka dib markii u Cod ku reebay san Musharax oo u ka mid yahay Prof . Cali K. Galeyr.

Keydmedia waxay mar dhaw idiin soo gudbin doontaa War ku saabsan Dorasha Gudoomiyaha oo faah faahsan.


Cali Khaliif Galeyr oo Tanaasulay - 14:35

Muqdisho (KON)- Xili loo ballan sanaan in la guda galo wareegii ugu dambeeyay ee doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa wax yar ka hor ku dhawaaqay inuu tanaasulay Cali Khaliif Galeyr oo ahaa musharixii labaad ee dhibco ahaa ku xigay mudane Jawaari.

Cali Khaliif hadda wuxuu ku dhawaaqay inuu u tanaasulay Jawaari, Hoolka ay doorashada ka socoto waxaa qabsaday sacab iyo farxad aan la soo koobi karin.

Khudbado ayaa hadda la jeedinayaa


Natiijada Wareega Kowaad - 14:13

Muqdisho (KON)- Kadib markii ay suura gali wayday in wareega koobaad lagu soo gabagabeeyo doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa goordhowayd lagu dhawaaqay natiijada wareega koowaad ee doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, xubnaha Baarlamaanka ee codeeyey waa 236-mudane, 234-kamid ah ayaa codeeyey, waxaa codadkoodu halaabeen labo Xildhibaan oo aan la qaadanin codadkooda.

Musharixiinta ayaa codadka ukala helay sidan.

Prof: Cusmaan Maxamed Jawaari oo helay 119-cod

P rof: Cali Khaliif Galayr oo helay 77-cod

Xassan Abshir Faarax oo helay 5-cod

Xaashi Cabdi Xaashi oo helay 23-cod.
C/rashiid Maxamed Xidig

Waxaa tanaasulay oo sheegay in uu tartanka isaga haray Xassan Abshir Faarax iyo Cabdirashiid Xidig labaduba waxay codadkooda siiyeen Xildhibaan Maxamed Cusmaan Jawaari.

Intaasi marka ay dhacday kadib ayaa waxaa Gudoomiyaha Baarlamaanka KMG ah  Gen Muuse Xassan Cabdulle uu ku dhawaaqay in la wajahaayo wareegii ugu dambeeyay ee doorashada Baarlamaaka Soomaaliya, isagoona intaasi ku daray in la dhaarinaayo Xildhibaanadii ay maanta maxkamadda sare go’aamisay in ay kamid yihiin Baarlamaanka Soomaaliya ee ay horay ugu diideen guddiga farsamada.

Dhaarta xildhibaanada hadda madasha ku soo biiray kadib ayaa waxaa la filayaa in laguda galo wareega ugu dambeeya ee doorashada, ayadoon intaasi kadib uu mid kamid ah Jawaari iyo Galeyr uu noqon doono Gudoomiyaha xaqa ah ee Baarlamaanka Soomaalia.

Mar walba iyo meel kasta kala soco [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]




Wareegii Koowaad oo la soo gabagabeeyay - 13:15

Muqdisho (KON)- Doorashadii Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadda la soo gabagabeeyay wareegi koobaad, waxaana doorashada wareega koobaad ku horeeya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaar oo kamid ahaa shantii musharax ee u taagneyd doorashada Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya.

Hadaba wareega koobaad ayaa waxaa loo kala helay sidaan:.

1-Prof, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo helay 119-cod
2-Prof. Cali Khaliif Galeyr oo helay 77-cod
3-Cabdi Xaashi Cabdullaahi 23-cod
4-C/rashiid Xidig 10-cod
5-Xasan Abshir Faarax 5-cod

Mar dhow ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa codadka rasmig ah


Muqdisho (KON)- Waxaa daqiiqado ka hor la soo gabagabeeyay wareega koobaad ee doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Lama ogaan karo lamana saadaalin karo cidda ku guuleysan karto doorashada, hasayeeshee waxaa hadda socota tirin codadka ay kala heleen musharixiinta u taagan qabashada xilka Afhayeenka Baarlamaanka oo gaaraya ilaa 5 musharax.

Faah faahinta warkana kala soco wararkeena soo socda.


DEG DEG - MUHIIM - DEG DEG

Muqdisho (KON) - Ra




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.