Doorka Dowladda & Doorashada Puntland

Dr. Cali. A. Hirabe - Doorashada maamulka Puntland waxay ku beegan tahay Janaayo 8, 2014, hadaba waxaa isweeydiin mudan doorkee ayeey Dowlada Dhexe ku leedahay Doorashada Maamulka Puntland maadaama laga soo gudbay Dowlad KMG ah!?
Maqaallo Keydmedia Online
Doorka Dowladda & Doorashada Puntland

Yaase Garsoor Cadaaladeed oo xalaal ah mudan in uu ka noqdo maamulo Doorashadaa Maamulka Puntland? Mise Faroole ayaa mudan in uu Garsoore ka noqodo doorashadaa, waxaan soo xusuustay Cabdulle Rage iyo deeleeydii ku jirtay ee aheeyd inta danbiile garsoore yahay, darajana Qabiil tahay dulmi xaqa kala mudan yahay in aan tiriyo deeleey dareenkeeyga ma ogola.

Hadaba sidee Ninkii loolanka ku jiraa uu u sameeeyn-karaa xeerarka Doorashada, sidee Ninki loolanka ku jiraa Amniga u sugi karaa, ayaa damiinad qaadaya wafdiga ka imaanaya gobolada iyo degmooyinka Puntland, xor ma u noqon karaan Isamada iyo cuqaasha Puntland soo xulida xildhibaanada dooran doono hogaanka Puntland? Musharxiinta oo ka kala imaanaya dalka iyo dibada yaa qaadaya Amnigooda mise Faroole ayeey magan u noqonaayaan?

Hhaddii aanan la helin heykal dowladeed oo dhexdhexaad ka ah Arimaha aan kor ku soo sheegay sow Faroole fursad awoodeed uma helaayo in uu wax is-dabamariyo ama awood ku muquuniyo Doorashada taana waa mid u sahleeysa Faroole in uu ku guuleeysto xilika, iyada oo la ogyahay Garoowe in eey tahay degmada uu ka soo jeedo Faroole awood ciidan iyo mid maaliyadeedba in uu ku leeyahay halkaana aad aay ugu fududahay in uu maroorsado talada Puntland.

Puntland waxaa xiligaan ka jira loolan Siyaasadeed oo abuurikara Dagaal ama Colaad ku habsata shacabkaa waayay hogaan xalaal ah balse Doorashada Puntland lagu qeexay Hag-bad ama shalango meerto ah oo aanan marna ka gudbin haraagii SSDF, haddii aad dib u fiiriso Puntland waxaa ku heshiiyay ilaa seddex Urur qabiil sida Jabhada SSDF ku mideeysnaa Majeerteen oo kaliya halka dhulbahante iyo Warsabgeli eey lahaayeen Jabhadii USP oo uu hogaankeeda hayay Maxed Cabdi Xaashi, sidaa oo kale waxaa ku jiray Jabhadii SND (Ortoble iyo Leeyla-Kase), hadaba jabhadahaa ku heshiiyay dhismaha Puntland miyeey xaqooda ka heleen mise aad ayaa loogu duudsiyay waxii aay u soo halgameen.

USP & UND ragii ku abtirsanayay xaqiiqdii aad ayeey ugu hungoobeen waana aay ku dulmanaayeen Dhismaha Maamulka Puntland, xiligaan goboladii aay degenaayeen waxaa uu gacanta ugu jiraa Somaliland halka belweeynta Leeyla-Kase lagu xasuuqay Gaalkacayo xiligii Cabdiweli ahaa R/wasaare.

Qorshahii lagu gumaaday xaafada Garsoor (Leeyla-Kase ) ee degmada Gaalkacayo waxuu ahaa mid aay Farooole iyo Cabdiweli kuwada heshiiyeen sabbabta oo ah waxaa socday shirkii Garowe 1&2, xiligaan waxaa muuqda in Faroole uu aad u kala fogeeyay xiriirkii Odayaasha dhaqanka iyo wadatashiga Bulshada, waxaa uu xirxiray Odayaal dhaqanka door wanaagsan ku lahaa dhulka Puntland, waxaa uu xirxiray beel-daajiyaal Isimo iwm waxuu Faroole ahaa Madaxa burcadbadeedka xeebaha Puntland sida degmooyinka Baargaal, Laas Qoray, Xaafun, Beyla, Eyl, iyo Garacad halkaas ayuuna  ka helay maaliyad xooga leh ee uu maanta ku tartamayo, iyada oo uu caalamka u aqoonsaday Faroole in uu yahay Madaxa burcadbadeeda Somali ayaa C/weli noqday r/wasaare dowladii Sheekh Shariif halkaana waxaa uu caalamka ka dhaadhiciyay C/weli in Faroole yahay shaqsi la dagaalama burcadbadeeda caalamkana kaga soo qaatay hanti faro badan la dagaalanka burcadbadeeda Puntland.

Faroole waxaa uu Puntland u ogolaaday in aay ka howlgalaan Shisheeye oo aana Sumcad iyo xurmo ku laheeyn Soomaaliya sida Shirkada SARACEN oo aay leeyihiin calooshod u shaqeeystayaal South Afrikan ah iyada oo la ogyahay in dowladdii Cabdiweli Gaas iyo Qaramada Midoobay ay ku amreen in aay dalka dhaqsi ugu baxdo balse weli ka shaqeeysa dhulka Puntland.

C/weli arimaha aay isku qabteen Faroole waxaa ugu badan lacag laga qaatay Shirkadaa SARACEN iyo lacago lagu qaatay Shirkii Garowe 1&2 Suaasha jirtaa waxaa aay tahay xiligii C/weli ahaa R/wasaare dowladii Sheekh Shariif aad ayu ugu qanacsanaa howsha Faroole waday maxaa Maanta keenay in leeyskaga horyimid kadib C/weli markii uu ku hungoobay doorashadii 2012 loolanka doorashada Madaxweeynaha dowlada federaalka? Akhristow adba garo hal booli ah nirig xalaala ma dhasho waxaa aay isku haytaan boobkii iyo biliqadii hantida Somali xiligii C/weli Gaas uu ka dhacay umada Somali sida uu idaacadaha uu uga sheegayo maalin walba, waan sidaan u arko arinta...

Cabdiweli mar uu isku soo taagayay Musharxnimada Doorashada Maamulka Puntland waxaa uu cadeeyay in Faroole uu ka jeediyay Caalamka, waxaana uu sheegay in Puntland uu u soo dhacay hantidii Soomaali ee Talyaaniga tiil, hantidaa oo FAO ayaa Somalida uga qoondeeysay horumarka Beeraha 22 Sanno loo ururinayay Soomaali, C/weli waxaa uu Ummada u sheegay in xiligaan Beero Somali jirin balse mudan tahay in madaarka Bosaaso lagu dhiso, asaga oo isku muujinayo in uu ahaa shaqsi Puntland wax weeyn u qabtay balse iloobay in uu ahaa R/wasaare Soomaali ee uusan aheeyn R/wasaare Puntland.

Waxaa uu qiray in Hanti farobadan oo loogu talo galay dib u dhiska Gobolka Banaadir uu u soo xaawilay Puntland una soo dhiibay Saciid Qorsheel oo ahaa E/dowlo ka mid ahaa Wasiirada Dowladda ku meelgaarka aheeyd, alow haddii xishood la áan loo dhimanayo C/weli ayaa u dhiman lahaa sabbabta oo ah weli waxaa uu caalamka u sheegaya in uu cadaadala ka fogaaday Puntlandna uga hiiliyay umada Somali.

Dowlada dhexe oo ah Dowlad aan KMG aheyn waxaa quman in aay Puntland Colaada iyo Saxansaxada Dagaal iyo mida awoodeed ka hortagto iyada oo aay muujineeyso in aay Mas




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.