Dowlad ku sheegu, mey ku daydaan Tarsan!!

Amina Cabdi (Keydmedia) - Todobadii sano ee la soo dhaafay waxaa soo maray Gobalka Banaadir maamulo kale duwan kuwaasoo mid walba uu xili soo talinyay, lix sano oo xiriir ah maamuladii soo maray gobalka banaadir awoodooda waxay dhaafi weysay HALA JARO CALI GAROOBYADA.
Maqaallo Keydmedia Online
Dowlad ku sheegu, mey ku daydaan Tarsan!!

Magacaabistii Maxamuud Axmed Nuur "Tarsan" kadib waxaa soo baxayay hadal heyn kala duwan waxaana dadka qaarkood ay lahaayeen waxa uu raaci doonaa dariiqii maamuladii ka horeeyay laakiin raja taas ka wanaagsan ayuu la soo shaac baxay Tarsan.

Taariikhda waxaa u galay wax qabad wanaagsan iyo dadaal muda sanad ah oo hayay xilka gudoomiyaha Gobalka Banaadir, wallow dadka wax dhaliila ay ku sheegeen in aanu talaaba qaadin.

Bal aan yara milicsano wax qabadkii Tarsan ee mudada Sanadka aheyd ee la soo dhaafay, maxaase ugu weyn oo xusuusta shacabka Baaqi ku ahaan doona mudada soo socota.

DIB U DHISKII WADOOYINKA

Inkastoo Gobalka Banaadir qeyb ahaan ay ka socdaan Dagaalo hadana degmooyinka ku yaala dhinaca Dowlada ay maamusho waxaa ku yaala wadooyin burbursanaa sanad ka hor kuwaasoo dhibaata badan ay ku qabeen dadka iyo Gaadiidka Intuba,waxaana tarsan mudada uu xilka hayay uu ku guuleestay inuu wax badan ka qabto Dhismaha wadooyinka iyo bilic ku soo celinta Magaalada Muqdisho.

Hindisaha dhismaha wadooyinka ayaa ahaa mid bilowday xili baahi badan loo qabay, waxaana soo dhaweeyay arintaas dad kale duwan gaar ahaan inta damiirka wadaniyadeed leh ee dunida wali ku nool.

Marka aad dib u milicsato muuqaalka Wadooyinka sanad ka hor iyo sanad kadib magacaabidii Tarsan waxaa kuu muuqanaya Farqi weyn kaasoo in la xusa mudan isla markaana ku dayasho Mudan.

DAYAC TIRKII TAALOOYINKA

Gudoomiye Tarsan wuxuu isaga oo xusay xasuusanayana halgamayaashii Qaranka ee Dalka iyo dadka Xornimadooda kaalinta ka soo ciyaaray ayaa waxa uu dayactir balaaran ku sameeyay TAALADII SYL oo burbur ba’an uu ka muuqday, waxaana maanta marka aad hareer marto kuu muuqanaya bilic iyo dhalaal ka duwan kii 20 sano ka hor ay ahyed.

Sidoo kale waxa uu dayac tiray Taaladii XAAWO TAAKO iyo tii Axmed Gurey, waxaana isku darka arimahaasi ay muujinayaan sida wanaagsan ee maamulka Tarsan uu hogaaminayo ay uga soo dhalaaleen kaalinta wadaniyadeed ee looga fadhiyay.

NAL GALINTII MAGAALADA

Maqalka magaca Muqdisho sanada ka hor waxa uu ka dhignaa mid cabsi, wal wal iyo mugdi xanbaarsan, laakiin Magacaabidii Tarsan kadib magaaladii waxa ay noqotay mid dhamaanteed la iftiimiyay oo dhif iyo Naadir wada ka mid ah Muqdisho oo habeenkii aanu nal ka shidneen, waxaana taasi ay suurta galisay in ay yaraadaan qatarihii amni iyo rabshadihii ay ka sameyn jireen gudaha Magaalada kooxaha Ammaanka lidiga ku ah.

Waxaa lagu xiray dhamaan wadooyinka Baala yaal lagu dhajiyay NALAL iftiin wanaagsan leh, waxaana arintaas dadka ay ka saaciday wax badan in ay qabsadaan isla markaana ay sameeyaan horumar.

U GARGAARIDII BARAKACAYAASHA

Tarsan mudada uu hayo xilka maamulka Gobalka Banaadir, waxa uu qaaday talaabooyin balaaran oo lagu daryeelayo shacabka Barakacayaasha ah kuwaasoo qaarkood uu ku guuleestay inuu mira wanaagsan ka dhaliyo.

Tiro laguma soo koobi karo inta mar ee uu booqday xero barakacayaal ay dagan yihiin, sidaase la eg mar walba oo uu booqdo waxa uu ahaa mid si dhab ah dareenka ula soo wadaaga shacabka dhibanayaasha ah ee ku jira xeryaha barakaca.

Waxa uu xiliya badan Tarsan cod dheer ku cadeeyay in kuwa sheegta hey’adaha samafalka aanay shacabka dan u heynin isagoona ugu baaqay Soomaalida in ay isku tashtaan aayahoodana ay ka fakaraan.

SOO DHAWEYNTII GANACSATADA BAKAARO

Kadib markii Alshabaab ay ka dhigeen suuqa Bakaaraha aag dagaal oo aanay cidina ku ganacsan karin, maamulka Gobalka waxa uu go’aamiyay qorshayaal shacabka danyarta ah lagu soo dhaweynayo isla markaana lagu siinayo gooba ay ku ganacsatadaan, waxaa qaarkood dukaamo laga siiyay suuqyada X.weyne iyo suuqa Weyn halka kuwa kalana loo sameeyay Suuq macmal ah oo laga hirgaliyay agagaaraha CEELGAABTA.

Tarsan waxa uu mar walba ku celcelin jiray kolkii ay socdeen rabshadaha bakaaro inuu kaalin waxanaagsan ka geysnayo maamulkiisa bad baadinta hantida umada Soomaaliyeed ee bakaaro ku ganacsata.

SOO DHAWEYNTII IYO DIB U DAJINTII BARAKACAYAASHA

Xili gudoomiyaha uu ku maqnaa safar Dalka banaankiisa ah ayaa waxaa magaalada aad ugu soo batay dadka barakacayaasha ah kuwaasoo qaba dhibaatooyin kale duwan, laakiin kolkii uu Muqdisho dib ugu soo laabtay ayuu Tarsan bilaabay  qeyla dhaan lagu daryeelayo shacabka dhiban, isagoona ku guuleestay inuu dadkaasi kumnaanan ka tirsan dib u dajin u sameeyo.

Dad badan bay la tahay in hadii hogaamiyaasha soomaalida dhamaantood ay ahaan lahaayeen kuwa taya ahaan la mid ah ama ka wanaagsan TARSAN in wax badan ay u qabsoomi lahaayeen Dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Akhriste maxay kula tahay SANAD kadib wax qabadka Tarsan, ma is leedahay wuu guuleestay? Sababta maxay tahay? Hadii aad rumeysan tahay inuu fashilmay maxay tahay Sababta? Fadlan aragtidaada noogu soo dir facebook ama Bogga R’ayiga ee Keydmedia (Guji Meshaan).

Amina Cabdi Nuur - Keydmedia Correspondent


DAAWO TARSAN OO HADLAAYA




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.