Dowladda Federaalka ee Al-Shabaab

Waa Falanqayn uu Saabir Xasan ka sameeyay 'Awooda daahsoon' ee Argagixisada Al-Shabaab. Dhibaatadi ka dhalatey Qaran jabka Soomaaliya, waxaa muuqata in aan wali laga soo bogsan hadii uusan dhaqan gal aheyn amar dowladeed.
Maqaallo Keydmedia Online
Dowladda Federaalka ee Al-Shabaab

Bishaan waxa dhaqan galey amar ay soo rogtey Kooxda Al-Shabaab. Amarkaan ay Argagixisada kusoo rogeyn Shirkaddaha Isgaarsiinta Dalka ka Howlgalla ma uusan aheyn mid ay ugu daneynayaan yoolkooda, balse amarkaan waa mid ay ayaga Naftooda ku badbaadinayaan markii ay dareemeen in ay dhibaato kaga soo fool leedahey la-qabsiga ay Soomaaliya la heysato dunida inteeda kale markii laga eego dhanka Isgaarsiinta.

Sanadihii ugu dambeeyay waxey kooxdaan weysay dhul aad u balaaran iyo waliba Niman xagooda qaali ka ahaa, Dowladda Federaalka iyo Amisom waxa ay fuliyeen Howlgalo lagu guuleystey, sida ay Kooxda Al-shabaab dareensanyihiina waxa fududeeyay howlahaas Isgaarsiinta hormarsan ee Wadanka ka jirto. Ayaga oo ka duulaya taas waxa ay soo saareyn amar ay ku mamnuucayaan Mobilada Casriga ah (Smart Phones) dhulka ay ka taliyaan, waxa xigtey in ay joojiyaan adeega 3G, waana tilaabo laga filayay Al-Shabaab sida ay xaqiijinayaan Dadka ku taqasusey Kooxaha xagjirka ah.

Ururo Diimeedyada

Waxii ka dambeeyay 1991 markii ay dhacdey Dowladii Milatariga aheyd ee Wadanka katalin jirtey, waxa soo ifbaxey Kooxo diimeedyo kala feker iyo Manhaj duwan, kooxahaan waxey u hanqal taagayeen in ay ceynaanka talada dalka mar uun gacanta kudhigaan, ama dhiig ha u maraan, ama Dariiq kale ha jeexaane.

Ururka Al-Shabaab oo aminsan in Seef Dhiig ka hororo xukunka lagu qabsado ayaa waxey saaxada iskugu soo hareyn Qolada Damjadiid oo xilligi Itoobiya Wadanka joogtey feker ahaan aan ka bedelneyn midka Shabaabka aminsanaa, sida aad magacooda ka arki karto oo ah in ay yihiin dhiig cusub, aysana ku shaqeyn fekerkii ay Al-islaax aminsanaayen ee ahaa in aan marnaba Hubka la qaadan balse xaalada murugsan ee Wadanka lagu xaliyo Miyir qab, iyo Siyaasad furfuran.

Dabacsanaanta Dowlada Federaalka

Afhayeen u hadley dhawaan Dowlada Mareykanka ayaa waxuu sheegay in Dowlada Xasan Sheekh ay tahey mid daciif ah, mana ahan Shaqaalaha Dowladda kuwo daciifnimada keenay, ee waa Madaxda Dowladda oo aanan heysan Khibrad dhaafsiisan Macalinimo Jaamacadeed iyo mid Hay




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.