Dumarka & Dowrka Siyaasadda - Video

Naciimo Warsame (Keydmedia Online) - Dad badan waxay la tahay in dumarka aanay haba yaraatee dowr ku laheyn arimaha Siyaasaadda, waxaana marka la soo hadal qaado dumarka Soomaaliyeed durbaba maanka dadka ku soo dhacaya Haweenka in ay yihiin kuwa guriga Jooga oo aan haba yaraatee kaalin ku laheyn arimaha Siyaasadda.
Maqaallo Keydmedia Online
Dumarka & Dowrka Siyaasadda - Video

Aamino Axmed Warsame waxa ay ka mid tahay Haweenka Soomaaliyeed ee  galaangalka wanaagsan ku leh arimaha Siyaadda, waxaana Aamina ay ka tirsaneed Kacaankii 21-october, kadibna waxa ay  ka mid noqotay dhaq dhaqaaqyo la sheegay in lagu doonayo isbadal dhalin taasoo markii danbe waji kale yeelatay.

Seygeeda waxaa lagu magacaabi jiray C/raxmaan Ceydiid waxaana ay ahaayeen kuwa isku himala ah isla markaana wada tiigsanaya dhalinta nidaam dimuquraadi ah oo dalka lagu dhaqo, laakiin waxaa arin aan wanaagsaneen ku noqotay markii ay magansadeen Dalka Itoobiya oo cadaawad ba’an u haya Soomaaliya.

C/llaahi Yuusuf Axmed oo ahaa Korneel Ciidamada ah ayaa ka qeyb ahaa jabhadii habqamay ee Itoobiya magansaday, waxaana C/llaahi xubnaha uu horkacayay ka mid ahaa rag reer xididkiis ah oo uu u adeegsan jiray falalka khaarijinta ah.

C/raxmaan ceydiid oo ah ninkey u dhaxday Aamino Axmed waxaa lagu qaarijiyay fal uu abaabulay C/llaahi Yuusuf sida ay sheegtay Aamina, waxaana kolkii la maleegayay dilka C/raxmaan dadkii saaxibadii ahaa ee loo yeeray ka mid ahaa Abwaan Cabdi Muxumed Amiin oo ahaa Abwaan Soomaaliyeed oo wadani ah isla markaana hal-abuukra caan ku ahaa, falka lagu dilay C/raxmaan Ceydiid waxaa lagu dhaawacy Abwaan Cabdi Muxumed.

Haweenka ku lug lahaanshahooda iyo ka dhex muuqashadooda arinta Siyaasadda waxaa laga helay faa’idooyin badan, waxaana la ogaaday in Haweenka ay yihiin kuwa kaliya ee ka damqada dhibaatada gaareysa shacabka isla markaana ku fakara howla lagu horumarinayo Shacabka Soomaaliyeed.

Siyaasaadda, arimaha bulshada iyo dhamaan dhaqaaq walba oo ay Haweenka ku lug lahaadaan waxaa laga fishaa natiijo fiican oo ah in reyreyn iyo guul ay shacabka u soo hoyaan Haweenka, bal eeg adigaba kaalimihii wanaagsanaa ee wax u qabadka bulshada ay ka galeen Haweenka kale ah Caasha Xaaji Cilmi oo ku guuleystay 2008-dii abaalmarinta u ola-oleynta Nabadda iyo Dr Xaawo Cabdi iyo labadeeda Gabdhood oo sanadkan loo aqoonsaday Haweenka 2010 kadib howl samafal oo ay u qabteen shacabka Soomaaliyeed ee ku barakacay dagaalada ka socda Soomaaliya.

Damiirka iyo wadaniyadda Haweenka Soomaaliyeed haddii ay lahaan lahaayeen ragga waxaa hubanti ah in wax badan ay isbadali lahaayeen isla markaana Dalka uu horumar nabadda ay fura u tahay lagu tilaabsan lahaa.

Waa suurta gal in dad badan oo qoraalkan akhrinaya ay durbaba la soo boodaan “Wax tar ay leeyihiin ma jiro Haweenka” laakiin waxaa haboon in dadka ceynkaas ah ay ogaadaan in Haweenka ay yihiin furaha dunida waayo nin walbaa oo dunida mansab iyo magac ka gaaray waxaa ka danbeysa Horumarkiisa Haween, ha ahaato Hooyo, Abaayo, Xaas ama asxaab kale waxaana si dhab ah loo ogaaday in Haweenka ay yihiin dhiira galiyaha horumarka iyadoona dhanka kel colaadaha ka dhasha arimaha haweenka ay noqdaan kuwa raaga.

Bal aan mar milicsano dhaqan Soomaaliga iyo xaaladaha reer guuraaga, waxaan la soconaa in Reer guuraga dirirtooda tan ka dhalata gabar la xumeeyay ay tahay tan ugu daran marka xalka la baadi goobayo, waxaana dhaqan soomaaliga ay ka joogta waxyeelo loo geysto dumarka Soomaaliyeed meel fog.

Hadaba sidey kula tahay akhriste maadaama Haweenka horumarka ay horsed u yihiin in laga qeyb galiyo arimaha xalinta khilaafaadka Soomaaliya ka jira iminka? Fadlan aragtidaada noogu soo dir facebook.

Qoraalkaan waxaa Bogga Keydmedia lagu soo daabacay 07 November 2010

keydmedia.net


Naciimo Warsame – Keydmedia Online Editor - nacimo.warsame@keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.