Fadliga Bishaa Dul-xaj (Daawo Video)

Nairobi (Keydmedia) - Sanadka waxa uu ka koobanyahay 12 bilood waxaana ka mid ah bilahaasi kuwa xurmo iyo sharaf leh isla markaana si weyn loo qadariyo oo ajar iyo sawaab aad u badan laga helo acmaasha la sameeyo.
Maqaallo Keydmedia Online
Fadliga Bishaa Dul-xaj (Daawo Video)

Bisha Dul-xaji ee aynu hadda ku jirno waxa ay ka mid tahay Bilaha Qur’aanka kariimka lagu sheegay in ay yihiin kuwa xurmo iyo karaamad leh isla markaana la mamnuucay in la dagaalamo oo dhiig la daadiyo.

Bishan waa tan umadaha Islaamka intooda dhaqaale ahaan awooda u heshay ay gutaan mid ka mid ah waajibaadka diiniga ah kaasoo ah Xajka, waxaana sidoo kale ka mid ah bishan maalmo farxadeed si weyn loo qadariyo isla markaana ajar laga helo.

Alle ayaa Qur’aankiis ku yiri “Waxaan ku dhaaranayaa Habeenyaalo toban ah” taasoo sida culimada mufasiriinta ay sheegeen uu ula gol leeyahay tobanka Casho ee ugu horeysa bisha dul xaji ee aynu hadda ku jirno.

Waxaa ku sugnaaday Axaadiith saxiix ah oo laga wariyay Subanaheenna Muxamed CSW in qofkii Sooma maalinka Sagaalaad ee bishan Dulxaji uu Alle weyne dhaafayo danbigiisii sanadkii hore iyo dunuubta uu gali lahaa sanadka Soo socda.

Hadaba si umadaha Islaamka Gaar ahaan umadda Soomaaliyeed ay uga dharagto fadliga guud ee bishan, faa’idada Soonka Maalinka Sagaalaad uu leeyahay, iyo Asluubta loogu tala galay in loo sameeyo uluxiyada iyo sidoo kale Fantasiyaha guud ee ciida.

Si aynu arimahaasi wax badan uga ogaano ayaa waxaan Magaalada Muqdisho kula kulanay Shariif Ibraahim C/llaahi Cali oo ka mid ah Mashaa’iqda Soomaaliyeed eek u sugan magaalada Muqdish waxaana shiikha uu nooga Shiikha si qota dheer uga waramay arimahaasi oo idil (DAAWO VIDEO-GA)

Guud ahaan Maamulka, Wariyaasha iyo shaqaalaha KEYDMEDIA ayaa hawada u marinaayaan shacabka Soomaaliyeed iyo Dunida Muslimka ah Hambalyada Ciidul-Adxaa. CIID WANAAGSAN.

Keydmedia.net - Xafiiska Nairobi




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.