Farasmagaalaha Frankfurt oo meel walba “Isbaaro” la dhigay

Frankfurt (Keydmedia) - Intii 1 Sano ah ayaa waxaa socda Dagaal u dhaxeeya Shacbiga Yurub iyo Mareykanka dagan iyo Kooxda yar oo Hantida Aduunka 99% ey Gacantoowda ku jirto.
Farasmagaalaha Frankfurt oo meel walba “Isbaaro” la dhigay

Horaantii Sanadkii la soo dhaafay ayaa waxaa ka bilaawday Magaalada New York Wall Street Mudaharaadyo loogu magacdaray Occupy Wall Street oo looga cabanaayo iney Koox yar ey Aduunka Cunaqabateysay, Hantidii Dadweynaha Banuugta u tiilaynah ey ka Musuq Maasuqeeyeen, kadibnah ey Xaalufeen Banuug badan oo ey ka mid yihiin Lehman Brothers, Colonial Bank...

Magaalada Frankfurt ee Dalka Jarmalka oo ah Magaalada laga Xukumo Dhaqaalaha Yurub ayaa waxaa ka socday Mudaharaad fooda la is daray, dab badanah ey ku dhaawacmeen, boqolaal kabadanah ey xabsiga jiifaan. 

Dadka Mudaahardaayay waxey iskugu jireen Aqoonyahano, Arday iyo Shaqaale Caadi ah, waxeynah Dadkaas ka kala yimaadeen Wadamada Yurub sida Fransiiska, Talyaaniga, Greega. Waxeynah Slogan ka dhigteen "Waxaad tihiin Inyar oo Maafia ah oo aan Damiir laheyn sida aad u dhacdeen, u Xaalufiseen Greeka Anaka nooma Xaalufineysaan."

Eryga kale oo ey adeegsanaayeen waa "Anagu waxaan nahay 99%, Idinkunah waxaad tihiin Boqolkiiba Hal" Taasoo micnaheedu Anakaa idinka badan. Hantida waxey gacanta ugu jirtaa dad yar taasnah waa wax aan la ogalaan karin ayee ku dhawaaqayeen Dadkii Kacdoonka Blockupy Frankfurt ka waday, waxeynah ku xiranyihiin oo ey Goos wadaagaan Occupy Wall Street.

Keydmdia oo Goobjoog aheyd ayaa idiin soo Gudbineysa Masawirradii Mudahaardyada.




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.