Xildhibaanada reer Waqooyi:

Qaabka Farmaajo uu ku howlgaliyo ‘Qaaqlayaalkiisa’

Maqaallo Keydmedia Online

Siyaasadda Madaxweyne Farmaajo uu ku dhaqmo waa mid duug ah oo laga soo min guuriyay Kali-talisyaal dunida aan ku nooleen, wuxuu dabeecad ka dhigtay in uu dadka ka hadashiiyo, waa Warbixinta S/M ee Keydmedia Online. 

Qaabka Farmaajo uu ku howlgaliyo ‘Qaaqlayaalkiisa’

Farmaajo oo howlgaliyay 'Qaaqlashiisa'

Madaxweynaha JFS Farmaajo ayaa shiriyay xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeeda gobollada waqooyi, wuxuuna ka codsaday in ay cambaareeyaan islamarkaana ay iska diidaan waraaqdii kasoo baxday dhawaan xafiiska guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Xildhibaan Maxamed Cabdi Xaashi, sida ay Keydmedia Online soo daabacday shalay

Guddoomiye Xaashi ayaa war qoraal ah kasoo saaray in xubnaha Somaliland ku metelaya guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka ee heer federaal uu isagu soo magacaabo, maadaama sida uu sheegay guddoomiyuhu habka wax qeybsiga Soomaaliya ay tahay mid beel ku saleysan, oo qabiil walba uu saamigiisa maamusho.

"Farmaajo faraha kala bax doorashadda Xildhibaanadda gobollada waqooyi, u ogolow inay iyagu dhistaan gudiga, si lamaid ah Maamul Goboleedyada kale", ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Madaxeyne Farmaajo oo doonaya ku shubasho ayaa u ballan qaaday xildhibaanada hadda ku fadhiya kuraasta gobollada Waqooyi in ay soo laaban doonaan, si ay isaga ugu codeeyaan ayuu u sheegay sidoo kale in ay ka hor yimaadaan hadalka kasoo yeeray maalin ka hor guddoomiyaha Aqalka Sare Maxamed Cabdi Xaashi.

Xildhibaanada laga hadashiiyay maanta waxaa loo sheegay in ay sameystaan shir ay ku mideysan yihiin xubnaha labada Aqal ee Baarlamanka JFS ku matala gobollada Waqooyi, islamarkaana ay soo saaraan war saxaafadeed ka dhan ah Guddoomiye Xaashi, iyagoo taageeraya qorshaha Madaxweyne Farmaajo ee la huwiyay shaarka Xukuumadda magac u yaalka ah ee Rooble qoorta loo suray!

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidan oo kale sameeyay hore u sameeyay, gabar kamid ahayd ka qeyb galayaashii dooddii ku saabsaneed doorashooyinka ee uu Madaxweyne Farmaajo uga jawaabayay su'aalaha dadweynaha ayey weydiisay "Sool iyo Sanaag maxaa loogu yeeray dhul lagu muran san yahay? ma laba dowladood baa isku haysata mise maamullo hoos yimaada Dowladda Soomaaliya ayaa ku muransan? Su'aashaas wey ku adkaatay Madaxweynaha wuuna ka cudur daartay, wuxuuna yiri "Su'aashaas wey adagtahay kama jawaabi karo iga raalli noqo!" isagoo qalqalsan ayuu xitaa gabadha magaceedii qalday.

Gabadhii weydiisay su'aasha madaxweynaha ayaa maalin kaddib la hor keenay Warbaahinta ay dowladdu maamusho, waxaana lagu qasbay in ay hadasho oo ay u sheegto bulshada daawaneysa in madaxweynuhu su'aashii uga jawaabay si gaara, taas oo u muuqatay Ka hadashiin! 

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Aadan Shaacir oo ka mid ahaa mudanayaashii saxiixay mooshinka Madaxweyne Farmaajo laga soo gudbiyay dabayaaqadii sanadkii 2018 islamarkaana si adag uga soo horjeeday siyaasadda Farmaajo ee keli-talisnimada ku dhisan ayaa isna si gaara loogu sameeyay ballan qaada ah in uu kamid noqdo isbahaysiga xulufeysiga hoose ku dhisan ee N&N loo yaqaan, maalin kaddib ayuu xildhibaan Shaacir sheegay inuu ka laabtay saxiixaasi kaddib markii uu sheegay inuu ka tanaasulay isagoo ku sababeeyay waxa uu ugu yeeray xaaladda dalku uu ku jiro.

Taliye Xijaar oo ku caan baxay erayga "Tiro ha Sheegin" hadalkan ayuu fagaare ka yiri, waxaana loo arkay tabar darrida haysata dowladda Farmaajo mid bannaanka keeni karta mar haddii ay isku dayeen in ay qariyaan saameynta qaraxii labaad ee ugu weynaa ee dhaca intii uu talada hayay Madaxweyne Farmaajo kaasoo ka dhacay isgoyska (Ex Control) ku dhawaad 100 qofna ay goobta ku geeriyoodeen, waxaana taliye Xijaar isagoo ay ka tahay xeelad lagu yareenayo saameynta qaraxaasi uu guddoomiye Cumar Filish usheegay in uu qariyo tirada, maalin kaddib ayey kooxda Farmaajo u qaabilsan mas'uuliyiin ka hadal-siinta waxay ku war galiyeen in uu Warbaahinta Qaranka hor tago, faah-faahina ka bixiyo "Tiro ha Sheegin".

Madaxweynaha waqtigiisu sii dhamaanayo ee Farmaajo ayaan marnaba u aaba-yeelin dadka laga hal siinaayo, mas'uul iyo shacab midkuu doono ha ahaadee wuxuu aaminsan yahay in media -ha la hor geeyo.

Guddoomiyaha Baarlamanka JFS Mudane Xildhibaan Maxamed Sh. Cabdiraxmaan Mursal ayaa loo sheegay si loo yareeyo awoodda dowlad goboleedyada, waxaana la qorsheeyay saameynta shirkii Dhuusamareeb sida kaliya ee lagu yareen karo in ay tahay in Guddoomiyuhu hadlo una sheego in Madal iyo dowlad goboleed aysan doorasho ka hadli karin, sharciga iyo dastuurkana aysan meelna uga qorneen in ay ka tashadaan in doorashada dalka ay go'aan ka gaaraan.

Hadalka Guddoomiye Mursal ayaa noqday mid calaf ka baxay, meeshii uu dhigayna lagama qaadin, madaxweynihii kula ballamay in uu sidaas yiraahdana kuma dhiirran in uu garab istaago.

Madaxweyne Farmaajo marka uu xukunka banneeyo waxyaabaha lagu soo xasuusan doono ayey kamid tahay Siyaasad Xumida uu ku dhameystay afartiisii sano ee uu Villada furaheeda gacanta ku hayay, iyo Dictatorship nimada uu isku dayay in uu ka hir galiyo mar kale Soomaaliya oo kasoo kabsatay mushkiladdii 21-ka sano lagu hayay iyo weliba dagaalladii ka dhashay musiibadaas.

S/M

KEYDMEDIA ONLINE




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.