Farmaajo wuxuu lasoo baxay dhaqankii laga dhaxlay Xukunkii 21-ka Sano

Shaki kuma jiro in Farmaajo Soomaaliya ku xukumayo dhaqankii laga dhaxlay xukunkii kaligii-taliska 21-ka sano, kaasoo sabab u noqday dagaal, bur iyo barakac. Waxaa wali muuqda dhaawacyadii colaadda.

Maqaallo Keydmedia Online
Farmaajo wuxuu lasoo baxay dhaqankii laga dhaxlay Xukunkii 21-ka Sano

Madaxweyne Farmaajo waxaa lagu aray dhaqan-xumo siyaasadeed, waayo waxay caado u noqotay inuu ku dhaqmo wax ka baxsan dastuurka u yaalla dalkan u nugul inay dhibaato kasta ka dhaco marwalka.

Farmajo oo mudo kooban Ra’iisul wasaare ka noqday 2010-kii dowladda Sheekh Shariif ayaa ku guuleystay xukunka February 8, 2017 kadib markii ay Qatar ku bixisay doorashadiisa lacag aad u badan.

Waxaa beenowday sheegashadiisa inuu yahay "isbadal doon waddani ah”, taasoo hadda micnaheeda noqotay “bur-buriye aan waddani dhab ah ahayn” isagoo uga tagaya dalka dhaxal xun.

Caburinta Saxaafadda iyo Xuquuqul qowlka, dabagalka mucaaradka, isku dirka siyaasaddeed ee beelaha Soomaliyeed iyo isku milanka argagixisadda Al-Shabaab iyo Xafiisyadda Sirdoonka & Milliteriga ayaa kamid ah hogaanka Madaxweyne Farmaajo. 

Afgambi dadban ayaa dalka ku qabsaday, isagoo meesha ka saaray dhaqankii soo jireenka ee ahaa in afartii sano mar la qabto doorashooyin madax-bannaan, ha noqdaan kuwa dadban ama qof iyo cod.

Ku dhawaad afartii sano ee la soo dhaafay, dowladda Farmaajo waxay marar daban jebisay islamarkaana baalmartay sharciga, waxay Itoobiya u dhiibtay Qalbi-Dhagax, waxay caburisay xorridda hadalka, iyadoo ku tumatay xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha.

Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin in laga gudbo dhaqan-xumada siyaasadeed, loona gudbo dowlad-wanaagga iyo dimuqraadiyadda, oo ah kuwa looga bixi karo xaaladda mudada fog dalka ku jiray.

C/raxmaan Baadiyow ayaa sheegay in kasta oo 30 sano kahor ay burburtay dawladii militeriga, hadana waxaa welli nala socda fikirkii, ficilkii, erayadii iyo dhaqankii dawladnimo ee laga dhaxlay. Meel kasta waxaa lagu arkaa dhaqanka kali-talisnimada, Guulwadeynta" iyo xadgudubka xuquuqda insaanka.

Farmaajo wuxuu isbahaysi la yahay Fahad Yaasiin, oo fekerkiisu yahay in Soomaaliya ay u taliyaan kooxaha xagjirka ah, isagoo lagu xasuuto inuu taageeri jiray Al-Islaax, Maxkamadihii iyo Al-Shabaab.

Waxay qorsheeyeen nidaam lagu musuqmaasuqo doorashooyinka soo socda, iyadoo la adeegsanayo Ciidamada amniga iyo hantida dadweynaha. Si Farmaajo mar labaad mugdi ugu hogaamiyo Wadanka.

Beesha Caalamku waqti iyo cudur daar uma hayso inay ka hortagto masiibadaas siyaasadeed iyo mida amni ee soo socda.

Go'aamo deg deg ah oo cad ayaa la filayaa kahor inta shacabka aysan sameyn kacdoonka ka dhan ah kaligii talisnimada iyo damaca arxan daran ee Madaxweyne Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

  • user pic

    Mumin

    • 2 November 2020

    Qabiil in la isku rafaadiyo ma fiicna hase yeeshee ma la moogyahay in hal qabiil ay soomaaliya waxay rabaan ka sameeyaan.
    1 - calanka iyagaa leh
    2 - qof aysan iyagu keensan siyaasad ma Gali karo
    3 - dadka waxay kala dagaallamaan aqoonta iyo in ay wax fahmaan




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.