Faroole Ma Xishoodee Balse Waa Baqaa

Dr. Ali. A. Hirabe - Faroole oo la kulmay gudiga Madaxabanaan ee diyaarinta dastuurka qabyo qoraalka federaalka mar aay ku kulamayeen April 2012 dalka Jubuuti waxaad arkeeysaa Faroole iyo akhlaaqda uu leeyahay...
Maqaallo Keydmedia Online
Faroole Ma Xishoodee Balse Waa Baqaa

Waxaad arkeeysaa in Faroole in uu doonayo sadbuuri,waxaa ugu foolxun ee aad meesha ka arkeeysaa Faroole oo weeydiinaya gudiga madaxbanaan ee qorista qabyo qoraalka dastuurka federaalka suáalo la dhihi karo waa kuwo qabyaaladeed,dhageeyso Faroole oo ka hadlaya maqaamka Muqdisho, dagaaladii al-shabab Kaaraan ku qabsadeen iyo Digil & Mirfi oo uu ku tilmaamay in aay yihiin dhamaan al-shabaab.

Akhristow nala daawo xishood laáanta Faroole, Faroole waxaa uu ka tarjumaya reer Puntland weli lama hayo cid Puntland ah oo diidan ujeedka Faroole iyo kala fogaanshaha umada Somali diidmadooda, waxuu leeyahay Quraanka ma dhama balse dastuurka calmaaniyada ayaa dhan, gudiga qabyo qoraalka waxa aay qorayaan waxaa uu ku qeexay in aana laga heleeyn quraakan iyo sunada nabi Maxed ACW balse qoraalkooda yahay midka umada isku keeni kara dhamaan Somalida,

Faroole waxaa uu cadeeyay in Muqdisho uusan weligii ku noqon balse waxaa suáashu tahay xildhibaanada Puntland ee xiligaan fadhiya Muqdisho yeey matalaayaan ?? marka aad dhageeystato Faroole sow lama dhihikaro waa kuwo shaqo soo doontay oo aanan masuul ka aheeyn shacabka Puntland, Faroole waxuu gudiga ugu hanjabay in dastuurka qabyo qoraalka reer Puntland aay ansixin ( ratification ) doonaan aftina u qaadfi doonaan reer Puntland sida uu qabo dastuurka Puntland.

Gudiga dastuurka qabyo qoraalka oo ahaa gudi madaxbanaanaa ayaad waxaad arkeeysaa in uusan madaxbananeeyn balse Faroole iyo reerkiisa kula kuleen Jubatuuti,waxaan qabaa haddii Faroole iyo reerka uu ka dhashay la qabaan waxa Faroole aaminsan yahay fadlan yeeynaan isdaalin balse reer walbo ilaah calaf ha uga dhigo meesha ilaah ku abuuray inta Somali u bislaaneeyso midnimo iyo wadajir,lana helaayo jiil ka duwan Faroole iwm.

Daawo Faroole iyo akhlaaqdiisa hoos.

http://www.youtube.com/watch?feature=player_detailpage&v=nd05vWwdDWk
http://www.youtube.com/watch?v=nd05vWwdDWk

Brussels iyo reer Faroole

Akhristow maxaad kaaga baxay swirkaa ?

Shirkii Somalida loogu qabtay magaalada Brussels waxaa marna la qarin karin  in qabiilka uu yahay midka Somali kala fogeeyay dib u fiiri sawirka kore waxaad ka arkeeysaa xildhibaano ku shaqeeya weli hadafka qabiilka diidayne in ay noqdaan xildhibaano Somali si umada uga gudubto waxii ayaga lagu soo xulay ee aheeyd qabiila una gudubto in aay noqdaan  xildhibaano qaran.

Waxaad sawirkaa ka arkeeysaa in Gaandi uusan weligiis soo xaadirin kalfadhiga xildhibaanada federaalka ee saldhigooda yahay Muqdisho balse waxa aad marwalba ku arkeeyso asaga oo daba jooga Faroole ama Axmed Islaam sow lama dhihi karo shaqdii loo doortay waa uu gabay sow lama dhihi karo weli waxii lagu soo xulay ee qabiilka ahaa kama uusan gudbin weli mana noqonkaro xildhibaan qaran ?

Sawirka xiga asna waa kii Brussels oo aan qabo asagana in uu ahaa sawir macno aad u fog u sameeynaya, Somalida waxeey arkeeysaa Faroole oo fadhiya kursiga gadaale ee Madaxweeyne Xassan iyo Jurila oo ahaa xildhibaan Somali balse isku rogay markii Brussels la yimid xildhibaan qabiil asaga taagan kuna doodaya in Faroole uu fadhiistaa safka hore bal si fiican u fiiri:

Faroole, wiilkiisa iyo Juriile oo la taagan qabanqaabiyaasha shirka Brussels waxaad gadaal ka arkeeysaa Gaandi oo uu ka soo horeeya,sawirka midig waa Faroole iyo Axmed Madoobe oo fadhiya kuraasta gadaale ee Madxweeyen Xassan iyo Safiirka Ethiopia oo Faroole la hadlaya.

Waxaa Faroole la fadhiya gudoomiyaha Jubba Axmed Islaam Fowsiya gadaasheed,dood dheer ka dib waxaa meesha ka dhacay in dibada loo saaro wiilka uu dhalay Faroole, Juriila iyo Gaandi sida aad ka aragtaan sawirada hoose,dooda waxaa uu Faroole ku qancay in uu safka hore fadhiisto kana qudbeeyo shirka balse arinkaa waxaa cayaaray safiirka Ethiopia markii Faroole la ogaaday in uu ka baqayo safiirka Ethiopoa hadalna uusan ku soo celin karin hadalka sida aad ka aragtaan ninka la hadlaaya Faroole marka aad sawirka kore fiiriso.Faroole ma xishoodee wuu baqaa waa xaqiiq haddii uusan ka baqeeyn safiirka Ethiopia kama kaceeyn meesha haddii uu yahay nin xishoonaayane falka uu ku kacay ma sameeyeen balse midnimada Somalia ayuu muujin lahaa.

Waa xiligii Faroole dibada loo saaray shirkana uu hakad galay, faroolaa anshaxiisii uu ku hayay umada somaliyeey ayuu latagay Brussels waxaana dhacday waxa Somalida dhahdo laxkasta meesha aay isdhigto ayaa lagu qalaa,Gudoomiyaha Jubba Axmed Iskaaam oo runtii aad uga duwaanaa Faroole xaga akhlaaqda iyo dhaqanka ayaa weli fadhiyay kursigii looga talo galay balse mardanbe ayuu Faroole gacanta soo qabtay asaga oo leh na kaxee meel kale ayaan fadhiisaneeyaa ,taas oo Axmed raacay Faroole halkaas waxaa xaqiiq ah in Axmed Islaam aanan la ogeeyn sabbabta uu u Faroole u kaxeeyay halka dadka qaar sheegaya in qaab qabiil lagu kaxeeyay.

Axmed Islaam oo caadifad qabiil ku soo raacay Faroole asga oo aanan fahmeeyn waxa lagu hadlayo balse doorbiday in Faroole u tarjumo waxa lagu hadlaayo.

Xagee u socdaa Faroole ?? sow lama dhihikaro xaqiiqdii Somali ha kala tagto ayuu wadaa kuwa ku raacsane waxaan leeyahay Somali waa idin argtaa waxaan qabaa haddii Faroole iyo reerka uu ka dhashay la qabaan waxa Faroole aaminsan yahay fadlan yeeynaan isdaalin balse reer walbo ilaah calaf ha uga dhigo meesha ilaah ku abuuray inta Somali u bislaaneeyso midnimo iyo wadajir,lana helaayo jiil ka duwan Faroole iwm.

Dr. Ali. A. Hirabe - Hirabe_a@hotmail.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.