Fashilkii Faroole & Foolxumadii Shariif

Dr. Ali. A. Hirabe - Hagardaamada Puntland ee ku wajahan qorshaha siyaasadeed ee Roadmapka ayaa ahaa in wax lagu qeeybsado goboleeysi ayaga oo qorashahooda yahay in gobol walbaa uu wax ka helo Maandeeq Raqdeeda ,iyada oo la ogyahay in Puntland aay sariftay Goboladii la dhihi jiray G:Bari iyo G.Nugaal halka G.Galkacayo uu yahay mid kala qeeybsan.
Maqaallo Keydmedia Online
Fashilkii Faroole & Foolxumadii Shariif

Gobolada Sanaag iyo Sool shacuubtii degeneeyd waxaa aay noqdeen kuwa fahma silsilada siyaasada foosha xun ee  Faroole, Cade Musse iyo C/aahi Yusuf,waxeey goáansadeen in aay mudan tahay in  danaha dhulbahante iyo warsangeli in aay ku jirto ka mid ahaan shaha Somaliland oo uu cowska iyo ceelka ka dhaxeeyo xidid iyo xigaalna isku ah.

Puntland waxaa aay qorsheeysay in tuulo walba laga dhigo degmo halka degmooyin qaar laga  dhigay Gobolo waa arin guracan oo la og yahay  in Somalida aay  ku tahay sadbuursi iyo cadaalo daro ujdeedada ugu danbeeysana aay tahay  Raqda  Maandeeq in aay ka helaan Gobolo magac u yaal ah oo aay ayaga abuureen.

Waxaa aay abuureen 8 Gobol oo anan jirin sida hoos ka muuqata.

1) G.Nugaal ( Garowe )

2) G.Sool ( Laascaanood )

3) G.Bari ( Bossaso )

4) G.Karkaar ( Qardho)

5)G.Mudug (Kalgacayo)

6) G.Ayan (Buuhoodle)

7) G.Haylaan ( Dhahar)

8) Sanaag ( Baran)

Akhristow intee gobolo dhab ah ?? bal addna dharandhiri howsha murugada badan ee la rabo in lagu qaldo Somali.

Waa wax Somalida oo dhani aay ogtahay siyaasada guracan ee Faroole iyo C/weli oo aay ku fikireen iyada oo la ogyahay in Somali aayn ogolaankarin gobolo gacan ku rimis ah,xaqiiqdii haddii loo kaco dastuurka ku meelgaarka ahi Puntland ma noqon karto dowlad goboleed dhameeystiran sabbabta oo ah maamulka Puntland ma gaarsiisna laba gobol.

Gobolka Nugaal iyo gobolka Bari ayeey sheegtaan xukunkooda in uu gaagsiisan yahay balse waa wax kama jiraan sow ma maqal Karkaar state iyo Rascaseer State.G.Sool iyo Sanaag waxaa aay u dareereen doorashada madaxweeynaha Somaliland reer Buuhoodle iyo SSC waxaa aay qaateen heshiiskii Siilaanyo ,Faroole xagee yuuse xukumaa ?? sow lama dhihi karo Garowe ayuu xukumaa,waxaa sharf dhac iyo siyaaso xumi ah in Shariif uu heshiis uu Garowe kula gaaro Faroole iyada oo la ogyahay in Faroole uu yahay nin meel-cidla ah joogo.

Waxaa iyana foolxuma ah in goáanka ah in Faroole awood loo siiyo in uu soo xusho xildhibaanka dowlada dhaxe ugu mid noqon lahaa,halka Shariif uu noqon doono nin kala tashada beelaha Somali sidii loo soo xuli lahaa xildhibaanka u matali doona dowlada dhexe,waxaas oo dhan waxaa sabbab u ah aqoon xumi iyo waayo aragtimo laáan xoogan oo aay haysato Shariff .Sh.Axmed iyo inta ku hareersan.

Shirka Garowe ee lagu goáamiyay in baarlamaanka la yareeyo dibna loo dhameeystiro dastuurka qabyada ah ma mudneeyn in Faroole lagala tashado sabbabta oo ah waxaa xubin baarlamaan ah nin Garowe ka yimid ku reer ah Faroole waa  Xassan Abshir,haddii Faroole damac siyaasadeed ka hayo dowlada dhexe waxaa mudneeyd in uu qaato xubin nimadii Xassan Abshir oo ah ina adeerkiis halkaasna uu ka bilaabo loolanka uu hada ku jiro.

Shariif weli ma garan in Xassan Abshir iyo Faroole in aay mudneeyd in leeysku bedelo si damaca Faroole u yaraado. Alow sahal umuuraha.

Degmada Balcad dadka degani waxaa aay ka badan yihiin gobolada Punland ee la abuuray sida oo kale degmada Walaweeyn dadka degani waxaa aay ka badan yihiin gobolada Puntland ee la abuuray,Somali waxaa quman in tiro koob lagu sameeyo dhamaan gobolada,waxana lagu qeeybsado nin iyo codkiis xildhibaanka waxaa quman in uu haysto codka shacabka ugu yaraan 50.000 cod ah si uu xildhibaan qaran u noqdo, gobolo aanan la degeneeyn oo cidlo ah in wax lagu raadiyaa waa qalad.

Aragtida Qoraalka waxaa iska leh Shaqsiga hoos ku Saxiixan!

Dr.Ali.A.Hirabe - Hirabe_a@hotmail.com 




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.