Federaalnimo & Qabyaaladd

Burburka Soomaaliyeed

Ayuub A. Aden (Keydmedia Online) - Waxaa caddaatay in Cadawga Soomaaliyeed uu yahay canaasir sheegata magac Soomaalininada haddana hoosta ka wadata xeelad ku dhisan Qabyaalad iyo Federaalnimo. Soomaaliya waa Qaran aan qaybsami karin ee waxaa kala qaybinaya inta ku qaraabata Qabyaaladda iyo Federaalnimada.

Maqaallo Keydmedia Online
Burburka Soomaaliyeed

Boqolkiiba 2% Soomaalidu fikrad kama haystaan Federaalnimo waxa loola jeedo, laakiin 100% way garanayaan waxa midnimo iyo Soomaalinimo loola jeedo. Dunta Soomaalinimadu laga hadlayo waa in laga tusaale-qaataa hidda iyo dhaqanka Soomaaliyeed taasoo ku salaysan: Soomaalinimo. Midnimo. Miuslinimo. Dhaqan iyo xeer-wadaagnimo ee kuma salaysna federaalnimo.

Federaalnimada waxay ku habaysan tahay bulsho kala diin ah, kala dhaqan ah, kala afduwan, kala xeerdhaqameed duwan, kala deegaan ah, iyo wixii lamid ah. Intaba ehel nooma aha. Maxaa haddaba Federaalnimo noo keenay?

Waxaa noo keenay kuwa wata dan u gaar ah. Kuwa midnimada diiddan. Kuwo Soomaalinimada diiddan. Kuwo qaranimada diiddan, intuba waxay ku tusbiixsadaan qabyaaladda, waxaana horboodaya: Aqoonyahan qorbajoog ah, siyaasi maangaab ah, oday dhaqameed dan gaar ah wata, iyo inta magac qabiil ku qaraabata. Midnimo waacawska jiidaal ee yaan la moogaan.

Mala baadi-goobay qiimaha Qabyaaladda Ummadda u leedahay? Mala faniday nuxurkeedu muuxuu yahay? Ma layska waaniyeyey inaan dhallaanka lagu anqarin? Ma lagu waano-qaadan waayey tixdii Timacadda ka tiriyey qabyaaladda?

Marka Aqoonyahan badan ka doodeen Qofka Qabyaaladdu dhuuxa ka gashay waxaa laysla qiray in shaskhsigaas ay ku duugan tahay tirada yarida uu ku abtirsado, wuxuuna u adgeegsadaa sida qalabka oo kale.

Waa Qof dhimman oo ku dhaadanaya dhaadanaya wuxuusan ahayn ama noqon karin. Waa la garan karaa marka shaqsi sanka kor u taago oo uu ku dhaato reerka uu yahay. Marka uu reerkiisa weyneeyo inta kalena sanka ka taago. Marka uu is googaadeeyo oo uu ku dhaarto inaan reer kale sidatan u socon karin iyaga mooyee.

Marka intaas laysku daro la arag inayna inaayna jirrin wax Soomaalinimo u dhigmi karin. Canaasirta cabbirta aragtidaas gurracan lama jaan-qaadi karaan midnimo Soomaaliyeed oo jirradii qabyaaladda ayaa dhuuxa gaartay. So'aashu waxay tahay:

Maxaad ugu dhaadanaysaa Reer qurah adigoo ku dhaadan kara Soomaali weyn? Maxaa ula jalbeebsan weydey derikaa inta aad u durbaantumaysid reer kaa deegaan fog? Kasoo qaad in danu kugu qabsatay meel reerkiinu ku yar yahay ama ka maqan yahay. Maxaa talo kuu ah markaad noqoto qurbajoog ciirsi la'aan ah. Haddaad Soomaalinimo rumaysan tahay oo Soomaali wey ku dhexjirto waad badbaadday oo gurmad bad heshay. Qof dhibkaas maray wari nuxurka qabyaaladu leedahay.

Sida hadda sasaanku u muuqdo, qabiilwaduhu darbigii bay hadda soo taabatay oo la arag in Qabyaaladu ayna Dawladnimo sal iyo baar ku lahayn. La arag in qoys keliyuhu uusan qaran dhisin karin. La arag in qabiilewade uusan qaranimo ehel u ahayn. Kuwa Qabyaaladda u turbaan tuma Soomaalinimada ayay ka arradan yihiin, kuwii kuwaas la bahoobana shalay bay ku dambayn.


Miyaan la arag Riyo ka sta oo dhallaanka lagu sabaaliyo in laga qaangaaro oo beenta laga salgaaro. Goda halaqu kaa qaniino mar kale farta lama gashado, qabyaaladduna waa lamid. Xeeladaha qabyaaladda u guntan oo in yaru hoosta ku wadato waxaa ka diimoon in u dhiganta 85% tirada bushada guud, sida: 52% oo ah qiyaasta dumarka. 33% oo ah qiyaasta dhallaanka aan qaangaarin. Xoogsatada muruqmaalka ah 10%.

Nasiibdarro waxaa dhacday in 5% ay u ololayso Qabyaaladda 95% ay ka dabadhacdo sidii ummad sixran.

Inta rabta in qaranimadu hanaqaaddo haka fogaato goobaha fadhi ku-dirirku Qabyaaladda ka faafiyo. Haka fogaadan dhallaanka agtiisa marka qabyaalad laga hadlay oo halagu dhaleeceeyo inta qabyaaladda fidisa, haddaan qabyaaladda loo guuxin iyada ayaa iska dhiman doonta.

Marka Soomaaliland goosashada kasoo nooqoto, marka Puntland iyo Galmudug soo dargalaan oo midnimo Soomaaliyeed isugu soo ururaan, marka gobollada aan weli dhisan ay samaystaan maamul goboleedyo oo dawladda dhexe hoos yimaadaan, Federaalnimo gogosheedii waa la laabay, ciduna dib uma fidin karto.

Bulshadu hayska ilaaliso cidda Federaalnimo wadda inay tahay cadowga Soomaaliyeed. Waa kuwa hortaagan Midnimo Soomaaliyeed. Waa kuwa ummadda kala qaybinaya. Waa kuwa shisheeye dullaal u ah. Waa kuwo dan Qabiil xambaarsan.

Qabyaalad yaan Qaranimo lagu doorsan, Midnimo yaan Federaalnimo lagu doorsan. Iska ilaaliya warxumotashiil iyo fadhi-ku dirirka, labaduba waxa xun bay fidiyaa waana Cadawga Soomaaliyeed.

Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]


Ayuub A. Aden – Sana’a – KEYDMEDIA ONLINE




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.