Azania, Dhiciskii dhintey birta ka hor!

Ma ahan oo kaliya in samaynta maamulka Azania aanan lagala tashan dadka deegaanka Jubbooyinka, mana ahan in aanan loo ogoleyn in ay door ku yeeshaan maamulka loo soo sameeyey, ee sidoo kale xaq uma lahan xitaa in ay ka wada hadlaan wax dantooda ah oo aysan Azania ogeyn.
Azania, Dhiciskii dhintey birta ka hor!

Yaa salaam! Waxaasaa xukun kaa ah, yaaba u baahan Siyaad Barre in uu dib usoo boxo ama Alshabaab waligeed iska joogto mar haddiiba aad heli karto Azania? .

Haddii inta dad laga adeejiyo hogaankii dhaqanka ee Jubbooyinka ugu sareeyey oo meel ku shiraya si loo soo dhagaxeeyo, lana waxyeeleeyo, iyagoo waliba jooga dal kale oo ay dowlad kale ka taliso, bal qiyaas Azania oo maamulkeeda gaarsiisey gobolka oo dhan, maxaa lagu samayn lahaa odayaasha iyo cid kasta oo kale oo dabcan odayaasha ka darajo hooseeysa?!. Waxyaabaha suurogalka aad ayay u badanyihiin.

Ninka u gacan qaaday nabadoon Axmed Mahdi ma cid kale ayuu biyo u kaban lahaa? Koleey ku ahaato Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sokor?.

Gaandi cidna uma baahna, lacagna wuu heystaa, cid kastana waa uu iibsan karaa, dhawaan waxa uu shir isugu keeney wax ka badan 30 xildhibaan oo ku jira baarlamaanka oo ka tirsan beesha Daarood si ay taageero Azania uga raadiyaan DKMG ah , dhamaantood waxay taageereen Azania laakiin ma aysan hilmaamin in ay xusuusiyaan in maamulkiisa ay ka maqanyihiin dad muhiim ah oo la’aantood aanan lasoo gunti karin mustaqbalka iyo cawaaqibka Jubbooyinka.

Prof. Gaandi ayay la taalaa jawaabta su’aasha ah talada iyo taageerada Jubbooyinka looga raadsan waayay Xuseen Cabdi Xalane ee laga doonayo Xassan Abshir, waxa ay tahay?.

Haddii Gandi ay lacagtiisa u goyn karto in uu samaysto Suldaanno iyo Ugaasyo aan ahayn kuwa hadda jooga waa uu samaysan lahaa si la mid ah sida uu u samaystey gole odayo dhaqameedyo ah oo uu jeebka kala soo baxay.

Odayo dhaqameedyada dhibka ka heysto Azania oo kaliya ma ahan kuwa Kenya ku sugan ee xitaa kuwa Jubbooyinka ku sugan ee Alshabaab qoorta kaga taagantahay ayay Azania qortey in ay argagixiso yihiin oo ay Alshabaab la shaqeeyaan, malaha ciqaab ayaa iyagana u diyaarsan marka  Azania gobolka wada qabsato, yaa og?!.

Dhibka heysta Azania intaasi kuma koobna, inkasta oo ay Prof. Gaandi ku xeeranyihiin la taliyeyaal qaarkood aanan sheegi karin dhadhanka biyaha badda Kismaayo kuwaasoo majaro habaabinaya , ee sidoo kale odaga laftiisa ayaa sida uu malaha u baranayay falsafada ayay la gashay in wax uu isaga dhoho mooyee aysan wax kale runta ahayn, iyo sidoo kale in uusan qaddiyada Jubbooyinka ka hadli karin qof aan isaga ahayn.

Tusaale, bilooyin ka hor markii ciidamada Siyaloow lagu tabobaray ay Dhoobleey qabsadeen, BBC-da ayaa waraysatay sargaal Kaanbooniyiinta ka tirsan, Gaandi furka ayuu tuurey illaa heer uu dacwo gaarsiiyo aqalka Bush House isagoo ka cabanaya “maxaa aniga la’iiga waraysan waayay ciidamada Dhoobleey qabsaday?”, jawaabta la siiyey waxa ay ahayd mid sahlan “qofka meesha jooga ayaan ka waraysanaynaa waxa Dhoobleey ka jira, adiga tag Dhoobleey barri ayaan kaa waraysanaynaaye”, laakiin ma ahayn wax uu ku qancay waxayna arrinta gaartay illaa heer waanwaan laga dhex sameeyo isaga iyo wariyihii warka direy, waxaase xusid mudan in Prof. Gaandi uu kaga aargoostey in shirkii Limuru  ee Gaandi lagu soo doortey in uu ka mabnuuco in uu soo galo wariyihii BBC-da.

Haddii aad fahmi weysey micnaha ku jira in aan daabacno xogta ku jirta tuduca kore ee BBC-da ku saabsan, micno kale ma lahan oo aan ka ahayn mid ku tusaya heerka madaxweynahaaga mustaqbalka uu doonayo in uu u xajisto wax kasta oo awood ah oo gacanta ugu jirta, xusuuso oo waa madaxweynaha isdoortey ka hor intii aanan lasoo xulin baarlamaankii madaxweynaha  dooran lahaa.  Sow markaasi ma ahan xukun dhicis ah oo aan shinkiisa dhamaysanin?.

Kaaga darane sow ma ahan dhiciska markii uu dhashay Soomaalida oo dhan birta usoo wada qaadatay si ay u goowracaan ka hor inta uusan ifka arkin?. Hadda sow kuuma muuqato in dhiciska uu isagiiba dhimanayo ka hor inta aan birta lala soo gaarin?!.

Wali fursad dahabi ayay Azania heysataa haddii caqliga fayoow laga shaqeysiiyo, oo meel la’iska dhigo aragtiyada miyir suulsan ee ururada rubuc qarniga qoriga la duulaya ee aan aqoonin “wadahadal iyo waanwaan”, ee waliba kaaga darane Jubbooyinka uusan geelooda foof kusoo gaarin.

“lamood, noqonse weysey”.  FIIDSOOH
 
Xigasho: KismaayoNews.com

________




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.