FOOL DHEER KADIB…MUKULAAL MATAGTAY NOQOY!!!

Dr. Ismail Malaas - Oktoober 20-keedii Madaxweyne Shiikh shariif Shiikh Axmed wuxuu ka hor sheegay Baarlamaanka oo ay xaadir ku ahaayeen 180 xildhibaan inuu fool adkeyd kadib wiil banaanka keenay, foosha kuma aanu dhibaatoon. Haweenka Soomaaliyeed haweeneyda foosheeda dhawdahay waxy ku yiraahdaan mukulaal matagtay ilaahay hakaaga dhigo.
Maqaallo Keydmedia Online
FOOL DHEER KADIB…MUKULAAL MATAGTAY NOQOY!!!

Mukulaasha ama yaanyuur, bisad iyo wixii kaloo loo yaqaanaba dhaliinka ama foosha ma dhibto oo afkay ka matagtaa ilmahana ku dhashaa, madaxweyne shariif mukulaal ayuu noqday waa matagay ilmihii uu siday, si fudud ayeey u dhasheen, hase yeeshee inkastoo uu wiilkii magac u bixiyay wuxuu codsaday in loo waqlalo oo loo duceeyo.

Meesha duca kama dhicin, waqlal iyo duco laga sugayay odayaasha “qoyska” oo aan ku farxin wiilka darteed.

Wiilka wuxuu noqday cifriit shariif dhalay oo isla markuu dhashay horayba hadalo “awoowayaal” dhibay ka dhawaajiyay, wiilka mid kale ma ahan ee waa R.wasaare Max’ed C/llahi Max’ud Farmaajo oo waxaad moodaa wiil caloosha ku raagay kuna hadal barta, musuq maasuq danbe  meesha ma jiri doono, jeebabka waaweyn dadka leh  ha tashaan jeeb yar, 4.5 ma jiraan dadku waa isku mid ilaaheyna wuu simay, awoowehii ugu miciyaha weynaa hadaladaasu sikiintiisa baanagada noqotay ayaa naafowday “Awoowe” wuxuu tebay ileen waa xeeldheere in cunaga dhashay ee shariif Axmed dhalay uu yahay mid jeelka u wada, wuxuu tebay hadaanu la imaan wax baangadda naafowday la iman Sheelo Moorte “CELLA MORTE” la geyn doono, kuwa kaloo baangado tiisa ka yar yar watay oo 10 wasiir ah oo musuq maasuq horay loogu tuhmay aaney shaaca ka qaaday musuq maasuqaasi xildhibaanad Caasha Axmed C/lle  iyaga miciyihii ayeey muujiyeen.

Goobta waa goobta Baarlamaanka, goob nabadeed uma muuqan, goob dagaal ayeey aheyd, kooxo dagaallamayay, kooxo wada iino leh, hase yeeshee is dhaama, kooxo kooxi  madaahib diineed aaminsan tahay oo kooxo kale kula dagaalamaya madhab dagaalkaas aan loo joogin haatana uu dhaawacayo wadaninimadooda iyo kooxo iyagu maddiyiin ah “Materialist” ah oo aad u jecel caabudaad xaashida ay ku qorantahay “IN GOD WE TRUSTED” kooxdaasoo xildhibaanada masaakiinta ah kumanaanka Soomaaliyeed shilin soomaali loo qeybiyo.

Shariif baangad oo baangadiisa naafowday dibuu u dhigay shirkii taas macnaheedduna waa baangadii oo soofe u baahatay, haddii R.wasaaraha iyo Shariif Axmed Hoo, Hoo,Hooye kale ayaa loo diyaarinayaa .

Qurba joogta Soomaaliyeed mar labaad iyo mar kale ayaan ku oranayaa hurdada ka kaca oo isirkaan  dabkiisa ay qabiil dilooday ha iska jiraan, dowladaha deriska nala ahi marar badan baanay daacad noo aheyn dalkeena oo la cadcadeynayo iyo gooraan Soomaali weli u bislaan federaal ayeey taageerayaan, waxay doonayaan dalad yaroo federaali ah ee Soomaaliyeed.

Shariif Axmed iyo inta dooneysa in ay Soomaaliya sharaf lahi dhalato beer la kaca iyo caadifada xiimeysa ha iska ilaaliyaan, R.wasaaraha cusub waa aadane noogumana horeeyo nin hadalo macaan iyo heeso loo qaado, hadduu ku guuleesto kalsoonida shariif Axmedow barkinta ha dheereysan oo ha is oran nin aan denbiyo galeyn ayaan ku nasnayaa, meeshu, waa dowlad KMG ahee waxay noqotay sanad joog lacageyso kana tag lagula xisaabtami maayee sida kuwii hore.

Dr. Ismail Malaas - Nairobi - keydmedia.net Correspondent

_________________________________________________________________________________________




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.