Gabay - Qalin Duurre iyo Qaswade

Waa gabay la magac baxay "Qalin Duurre iyo Qaswade", waxana tiriyay Avv.Cabdiraxmaan Xaaji Ereg.

Maqaallo Keydmedia Online
Gabay - Qalin Duurre iyo Qaswade
 Qaran dumay qasaaraha dhacayiyo qaylada isgaartay
Qaxa dhacay baruuddaa qarxiyo qiiqa damiwaayay
Dhiigaa qulquliyo nabadda qarka laga tuuray
Qab-qab dhaafka la wadiyo qaadan kariwaaga
Qummanahan nin waliba qoorta loo suray
Qawlaysatada bad iyo birri qaraabka u taagaan 
Qashinkan la soo dhoofiyay ee xeebta lagu qubayo
Hay'adahan soo qamaamiyoo waxna qabanaynin
Qurgooyada waxgaradkiyo dilalka qorshaysan
Faragalinta qaawan iyo shisheeyaha qaladka daynwaayay
Siyaasaddan qarriban iyo qaska dami waayay
Waa shirqool qoondaysan iyo qaab gumaysiye
Waa kala qoqob dadkeeniyo qaybi oo xukume
Waa qarankeeno la waayiyo qaab sillooniye
Qalad-qalad ku sax iyo fawdada la iska wada qaatay 
Xaajadan qarracanka leh ee quusto dabataallo
Waa qaynuun darro baahdiyo qaab badownime
Waa waxan qayrkeen uga harnoo qoolka nagu ridaye.
Hayeeshee caanihii qubtaa marbay qabasha yeeshaane
"Ummaddii qummani talay wada qorshaysaaye
Wallee qalaalaasaha Soomaalidan qaayo lagu gaarin
Qaabka wada jirka ayaa lagu quwoobaaye
Walleee qaybsanaanta aan arakaa guulo lagu qaadin
Gobonnimada dad qaaliya darteed qisaas loo dilaye
Iyagoo aan dambi qabin in badan jeelka lagu qubaye 
Taariikhdood waa qorantahoo waana laga qisoodaaye
Wallee nin dalkiis qaainay ayaan qurux ku noolaanin
Wallee duul qabiil ku loollamaa qaran ahaan doonin
Wallee nin qayrkii ka haray ayaan horumar qaayibin
Wallee nin aan Quraan baranin aayaan qaari'noqonayn
Qawlkiii Alliyo Rasuul waa mid qaaliyehe
Qarniyaal soo taxnaa baan ahayn muslim qaalise
Qalin duuree iyo qas wade ayaa qoorta noo gale
Qarribaadda ay wadan ayay qaran ka doorteene
Waxan diintu qabinna waa nagu qasbaayaane
Eebbo naga qabo adaa qaadira 
oo jire

Avv.Cabdiraxmaan Xaaji Ereg





Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.