Geedi, Call Box!

Dr. Ali A. Hirabe - Dadkiisow Dabkasaaray, Daalun Amxaar jecel waaye, Dulmigow Daadihiyaa Dagaalka Ehel-kow Ku Farxaa, Doqon Deen Galay Waaye, Duqa Daa-lunkaa, Dulmigaad Maanta Ku Raacday Difaaciisa lahow.
Maqaallo Keydmedia Online
Geedi, Call Box!

Haddaad Amxaar Dalka Keento Nin Ka Damqaayaa Dalka Joogee, Soomaali Waa magaceeyga , Muslim Waa asalkeey. Ama soor ha ku Siiyo, Ama Sariirta u Jiifo ,Suntow Zanaawi Soomaali u Ku Beeray Rabigeey Ma rumeeyo.waxaan qoray qormadaan 2005-02-08  cinwaan waxaan uga dhigay Suntow Zanaawi Sameeyay Nin Safar ahaa Sida Maanta ( C/aahi Yusuf ).

Geedi Waxaa uu Noqday Call-Box marka aad fiiriso dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed ee uu bilaabay marki Madaxweeyne Xassan Sh Maxud  ka biyo diiday maamul ku sheega Jubbaland sida loo unkay iyo caddaalaxumida ka dhexmuuqata maamulkaa.

Waxaad moodaa in uu yahay Nin wadaa barnaamijikii gumeeysi doonka ahaa ee Ethiopia Caasimada Muqdisho 2007 xiligii uu ahaa R/wasaare ugu horeeyay ee 2004 kii dalkiisa iyo dadkiisa ku soo hogaamiyo gumeeysigii madoobaa ee cadowga Somali Ethiopia.

Xaflad uu ku taageeraayay Maamulka Jubbaland  laguna qabtay Kenya waxaad ka dhandhansan kartaa in uu yahay nin jecel dib u soo celinta dagaalkii sokeeye markii uu lahaa dowlada waxeey Hotel-Ramadaan ka ururisay dhalinyaro taas oo macnaheeda yahay kicinta reerka iska leh  Hotel-Ramadaan oo ah reerkiisa, sow lama dhihi karo waa abaabul dagaal qaswade xamar u diidan nabada, sow lama dhihi karo waa Call –Box sabbabta oo ah waxaa uu la jaanqaaday xiligii hore ragii Pro-Ethiopian ahaa oo gumeeysiga Ethiopia la soo galbinayay 2007 ilaa iyo Kismaayo runtiina  gumaadkii ugu xumaa ka geeystay Caasimada Muqdisho.

Xaflada Geedi ka qudbeeyay waxaa soo abaabulay Rag Ganacsado ah oo ka soo jeeda Jubbaland bud-dhigna u ahaa hab-dhiskii Jubbaland sida Cumar C/rashiid iwm oo hada ah Pro-Kenya iyada oo la ogayahay in uu r/waasre Somali u soo noqday, Allow xishoodka hanaga qaadin.

Dalkan waxuu soo maray iskaashato ujeedobadan rag loo bixiyay kuwaas oo taariikho kala duwan soo maray, haddii aad dib u fiiriso xiligii gumeeysiga Talyaaniga waxaa jiray rag lagu magaacbi-jiray  Pro-Italian kuwaas oo diidanaa in dalka uu ka xoroobo gumeeysiga Talyaaniga.

Waxaa xigay kuwo noqday Pro-Ethiopia kuwaas oo dalka burburiyay aaminsanaana in dalka Somalia la hoosgeeyo Ethiopia, maantana waxaan arkeeynaa rag Pro-Kenya ah oo jecel in dalka aay nala wadaagto Kenya iyada oo la ogyahay in Kenya aay xornimadeeda qaadatay 1963, Soomaalida xiligaa waxaa aay ka mid aheeyd dalalkii  u ololeeynayay sidii Kenya aay uga xoroobi laheeyd gumeeysiga cad.

Waxaa ilaah mahadii ah in Muqdisho shacabka degani aay ka gudbeen colaada una gudbeen in aay nabad kuwada-noolaadaan,waxaa farxad ah in horumarka caasimada Muqdisho aay jiraan rag ka soo horjeeda diidana nabada iyo nimcada ku soo saa-iday Muqdisho, ragaasi waa kuwa adeegsanaya Geedi jecelna in aan dib ugu noqono mugdi iyo burbur.

Geedi markii lagu meel-gaaray ee uu Muqdisho kula soo hogaanshay C/aahi Yusuf Ethiopia ayaa xilka laga qaaday welise ma garan xaqiiqda ,waxaa uu ku jiraa riyo aanan run noqoneeyn marnaba, waxaanse ku faraxsanahay in Dr.Baadiyow gartay xaqiiqda iyo shaxda iskaashato ujeedobadan kana muuqan xafladaa labaad ee Kenya lagu qabtay.

Waxaa mudan in Dowlada Somalia aay ogolaato in Muqdisho aay ka furato xafiis aay leedahay Maxkamada Caalamiga ee aduunka ICC si Nin walba  oo qeeyb ka noqday xasuuqa dadka iyo burburkii dalka looga soo gudbiyo si cadaalada loo hor-keeno.

Welwel iyo welbahaar ayaa rag dheexaa ku dhici lahaa, waxaa aay ila tahay in dagaal Ooge kastaa uusan ka dhex muuqan laheeyn xafladaha lagu burburinayo dowlad shacabkeeda raali ka yahay.

Ma-jeceshahay Akhristow in laguu adeegsado Shacab Rajo nabdeed Riyo wanaagsan arkaya in aad burburiso? Aniga Maya, Ummada Soomaali waa aay diiday.

Dr. Ali. A. Hirabe - Hirabe_a@hotmail.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.