Dagaaladii Sokeeye: Maxaa Been laga sheegay!
Dhacdadaan Geesinimadda Sharaftu ku dheehantahay ee uu u soo hooyay Mudane Maxamed Cabdullahi Gaagaale inta Wanaagsa Jecel, gaar ahaan Magaca Soomaaliyeed ayaa waxey ka dhacday 24tii Bishii September Degmada South Kensignton ee Magaalada London, waxaana loo sameeyay Xaflad lagu maamuusayay guddoonsiinta Shahaaddo Sharaf oo ah Abaalmarinta ugu sareysa ee uu bixiyo Booliska UK.
Maxamed oo ah Milkile Shirkad Taxi ayaa Galab, saacadu markey aheyd Saddexdii Galabnimo ee 24tii Septemberii lasoo dhaafay ayaa si lama filaan ah wuxuu marayay Xaafad ku taala London oo la yiraado South Kensignton Station. Waxeyna indhihiisi qabteen Nin dilaya Askari ka tirsan Booliska Degmada, Feer iyo haraati la dhacaya ka dibna Ceego ku dhagay.
Maxamed oo Keydmedia Online uga sheekeynaya Dhacadada ayaa yiri "Askarigu wax dhaqdhaqaaq ah ma laheeyn, Dariiqu waa Dariiq Saxmad badan, Dadkuna way farabadanyihiin, weyna daawanayaan," - Maxamed wuu rumeysan waayay Indhihiisi, waxeyna la noqotay in uu Daawanayo Filim, marlabaadna wuxuu lasii yaabay in Dadku aysan laheyn Diir danqada iyo dareen toona.
Maxamed damiirkiisi waa siin waayay in uu Daawade ku ekaado, Taxigii buu kaso dagay, Ninkii ayuuna isku dayay in uu qabto hase ahaatee Ninkii Feer ayuu lasoo booday, Maxamed Labadiisi Gacmood ayuu Gacan ku dhigay oo uu iskugu geeyay, Ninkii buu kala maroojiyay, dhulka ayuuna xabadka u dhigay, asagoo ku dulfadhiya oo u diidan Dhaqdhaqaaq ayaa Askarigii Naftii kusoo noqotay makaasuu ayuu jeebadii Suunka ka furay oo uu ku jabiyay Labadii Gacmood Daalinka.
Askarigaan ayaa Maxamed Isku duubay, oo si qarow ah oo uu rumeysan la
Add comment
Comments