Godane Inta u duceysay & Inta Habaartay!

Keydmedia Online — Su'aallihii aan Shalay idiin soo gudbinay oo Ciwaankoodu ahaa » Godane: Yaa ka naxay, yaa ku farxay? «, waxaa nasoo gaaray 10.643 Jawaabo oo E-Mail iyo Fariimo Facebook kala ah, waxaana idiin soo xulnay Qaar kamid ah.
Maqaallo Keydmedia Online
Godane Inta u duceysay & Inta Habaartay!

Jawaabaha badankood waxay noogu yimaadeen dhanka E-Mail, maadaama aan akhristeyaasheena ka codsanay in ay noogu soo Jawaabaan dhanka boostada Elektroonikada.

Hadaba marba hadii aan kuligood lasoo wada tixi karin, waxaan idiin soo qaadnay Kunkiiba Hal Jawaab si aad Ra’yi uga qaadataan dareenka iyo fikradaha ay Dadku ka heysteen gaar ahaan Ina Godane guud ahaan Kooxda Al-Shabaab.

Waa kuwaan Fikradihii aan idiin soo xulnay:

Ayaan: "Waxey dileen Bin Laden, ayagoo rajakaqaba in Al-Qaacida burburta, waxaana meeshaas kasoo baxay Argagixiso ka daran oo ah ISIS. Waxey dileen Ceeyroow, waxaana booskiisa booxiyay Godane oo kasii daray. Hada waxey dileen Godane, maxaa isbadalaya? Ma aanan baran miyaa in Hogaamiye la dilo aysan waxba tareyn, meeshasna kasoo baxeyso kuwo ka daran? Godane wuxuu dilay Hooyadey, wuxuu dilay Adeerkeyga, laakiin waxaan aaminsanahay in Niman ka xoog badan ay fadhiyan daha gashahiisa. Illahey haka abaalmariyo wuxuu qoyskeyga iyo ummada u gestay"


Faarax Cilmi, oo kunool Dalka Mareykanka: "Godane wuxuu ahaa Argagixiye, waa Gaal. Qof Muslim ah Argagixiyo ma noqon karo. Waa qaatil dilay dad kor u dhaafaya boqol kun, Illahey cadaabtii jahnama haku rido asaga iyo inta raaliga ka ah oo maanta u booyesa




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.