Guddiga xaqiiqo raadinta mise guddiga xaqiraadda?

Maqaallo Keydmedia Online

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, oo billaawgii bishii May lagu wareejiyay amniga iyo doorashooyinka dalka, lana siiyay taageero gudaha iyo dibadda ah labada, ayaa u muuqda inuu wali ku daaban yahay Xaafiiska Madaxweymaha waqtigu ka dhamaaday, go’aanna uusan gaari kari isaga oo aan la tashan fidno falkiya-yaasha Fahad iyo Farmaajo.

Guddiga xaqiiqo raadinta mise guddiga xaqiraadda?

Inkastoo, aan la dafiri karin doorkii uu ku lahaa heshiiskii doorashooyinka ee 27-kii May 2021, lagu saxiixay Caasimadda, hadana dhowr tallaabo oo uu qaaday ayaa caddeyn u ah in uusan madax bannaaneyn, sida habka uu u ka shaandheeyay guddiga doorashoyinka dadban ee muranku ka taagnaa in muddo ah, iyo guddiga uu u xilsaaray xaqiiqo raadinta cabashada waalidiinta.

Ra’iisul Wasaare Rooble Rogane, wuxuu u tafaxeytay marin-habaabinta, qaddiyadda dhalinyarada maqan ee Kooxda Farmaajo ka iibiyeen Itoobiya, wuxuuna magacaabay guddi, ay xubno ka yihiin qaar ka mid ah shaqsiyaadka u eedeysan kiiska askarta laga dagaal galiyay waqooyiga Itoobiya, ilaa haddana aan meel lagu sheegin raqdooda iyo ruuxooda.

Tusaale ahaan, guddigaan waxaa ku jira Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya, Cabdullahi Axmed Jaamac, iyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka, Gen, Odawaa Yuusuf Raage, oo ay qasab tahay in ay wax ka ogaayeen shirqoolkii loo maleegay dhalinyarada, sidaas daraaddeed ma jirto sabab qof danbiile ah uu danbi isu soo oogo, waana tallaabada koobaad ee Rooble, ku marin-habaabiyay arrinta dhalinyarada.

Wuxuu iska indhatiray, magacaabidda guddi isku dhaf ah, oo lagu kalsoonaan karo, sida inuu min hal xubin ka soo magacaabo guddiga ay iska dhex doorteen waalidiinta, gudiyada ammaanka iyo xaquuqul iinsaanka ee labada gole ee Baarlamanka, Guddiga Arrimaha Dibadda ee BFS, Ururrada Bulshada iyo Axsaabta Mucaaradka.

Rooble, oo labadaas qodob si ula kac ah, u hareer maray mar kale, wuxuu is ka dhaga-tiray, tabashooyinka ka soo laabtay Guddiga aan dhexdhexaadka noqon karin ee uu magacaabay, 12 June 2021, mana jiro wax ifafaalo ah oo muuqda oo uu doonayo inuu wax uga badalo, guddiga la rumrusan yaahay in Farmaajo soo magacaabay xaafiiska Rooble-na la soo dhex marsiiyay.

Go'aanka dhalinyarada Soomaaliyeed loogu diray inay ka dagaallamaan gobolka Tigreega ee Itoobiya, wuxuu qayb ka ahaa istiraatiijiyad lagu abuurayay ciidan isku dhaf ah oo ka kooban Ereteriya, Itoobiya iyo Soomaaliya, kuwaas oo shaqadoodu tahay xakameynta mucaaradka ka dhanka ah hoggaamiyeyaasha saddexda dal.

Magacaabidda guddi ka shaqeeya xaqiiqo raadin rasmi ah, waxa ay bannaanka keeneysaa runta, waana sababta uu Ra’iisul Wasaaraha Xil-gaarsiinta u jaha-wareerinayo arrinka, si ay u badbaadaan saaxiibadiis, inta ay ka dhaceyso doorashada uu isago gar-wadeynka ka yahay.

Arrinka Ciidanka maqan waxa ay ka sii daran tahay, Fadeexaddii Watergate, oo ahayd fadeexad siyaasadeed oo ka dhacday Mareykanka, 1972 ilaa 1974, taas oo Madaxweynihii xilligaas ee Richard Nixon, ku noqotay darbi uu ka gudbi waayay ilaa uu xilkii iska cashilay, Sidaas oo kale, tani waa Fadeexaddii Dhalinyarada ee 2017 ilaa 2021, waana in Farmaajo, loo ciqaabo, mar danbana aan loo ogolaan in xil umadeed iyo xoolo dadweyne lagu aamino.

Rooble, waa in uu ka waantoobo, wadada qardo jeexa ah ee uu qaaday, waana inuu ka jawaabo, su’aalaha arrinkaan isaga ka quseeya, sida, halka ay hadda ku sugan yihiin dhalinyarada nool? Inta ku dhimatay dagaaladii ka dhacay Itoobiya? Iyo kuwa ay maleeshiyaadka Oromada ah madax furashadau heystaan?

Dagaalkii ka dhacay Itoobiya, iyo xuquuqdii Insaanka ee lagu tuntay, sida la rumeysan yahay ma noqon doonto, wax laga aamuso, waxaana billaaban doona dacwo caalami ah oo ka dhan ah Saddeda hoggaamiye ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, taas oo xaaladda waji kale u yeeli karta, sababna u noqon karta in ay sii lumaan dhalinyarada maqan ee Rooblow hadda toobiyaha toosan qaad, kana dheerow in aad masuul ka noqotid dayaacadda dhalinyarada ka hartay kuwii geeriyooday.

KEYDMEDIA ONLINE




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.