Gumeysiga Qarnigan iyo Geyiga Soomaaliya!

Naciimo Xaaji (Keydmedia) - Dadka taariikhda dhiraandhiriya kolka ay hadlayaan waxa ay sheegaan in dunida casrigan la joogo aanu ka jirin Gumeysi Mutaxan oo ku duulay Dal, Dad, ciid iyo calan gooni ah waxaase leysla waafaqsanyahay inuu jiro Gumeysi maskaxeed iyo mid Dhaqaale.
Gumeysiga Qarnigan iyo Geyiga Soomaaliya!

Soomaaliya Gaar ahaan Koonfurta xiligan aanu joognaa waxaan shaki ku jiran oo ay qirsan tahay cid walba oo garaad iyo garasho leh in ay ku hoos jirto maxmiyad ay QM wakil uga tahay dowlada Uganda.

Waxaa si cad oo aan shaki ku jirin arintan diirka uga qaadayaa mirihii ka soo baxay shirkii qoor qabadka ahaa ee Kampala ka dhacay iyo awoodii ay ciidamada Gumeysiga u adeegsadeen R.wasaarihii wax qabadka laga dareemay tan iyo burburkii kadib.

Gumeysiga ay wakiilka ka tahay dowlada Uganda oo huwan magac Nabad ilaalineed ayaa waxaa uu ummadda Soomaaliyeed isugu daray Xasuuq, baab’in iyo dhibaatooyin kale waxaana intaas dheer inuu hortaaganyahay in umadda aayaheeda ay ka tashato.

Tiro laguma soo koobi karo inta guri ee magaalada Xamar ku yaala ee lagu burburiyay madaafiicda Amisom, inta qof ee geeriyootay, inta dhaawaca uu gaaray iyo inta dhiig kar iyo sonkor ka qaaday madaafiicda arxan darada ah.

Xaaladan la joogo Shariifyada oo iyagu isu heystay madax Soomaaliyeed balse shacabka ay rumeysan yihiin in ay wakiil ka yihiin Gumeysiga waxa ay ku shuqlan yihiin qeybsiga liiska Madaw oo ee loogu magac daray Xukuumada, waxaana labadooba mid walba oo ka mid ah oo wataa liis dheer oo magacyo badan lagu xusay.

Inta badan dadka ku qoran liiskaas ee Madow ee Gumeysiga loogu daneynayo waxa ay yihiin kuwii dhiiga shacabka ka taajiray isla markaana dhulka iyo badda Soomaaliya iibsaday, sidaasoo kalana waxa xubna ka ah dadkii qeyraadka Alle ku qasbi jiray dadka in ay lacag ka bixiyaan.

51-sano kadib xiligan Soomaaliya waxaa uu qorshaha ahaa in ay u dabaal degto Sanad guuradii ka soo wareegatay kolkii laga xornima qaatay gumeysigii reer Galbeedka ee Talyaaniga iyo Engiriiska, iyo midowgii Gobalada Waqooyi iyo Koonfur, balse ayaan daro taariikhda dib ayeey u noqotay oo hada iyo gumeysi ayuu Dalka madaxa la galay.

FISHO GOVERNO dad badan marka ay maqlaan maankooda waxaa galaya wadaniyad, Dal jaceyl horumar iyo askaashi, laakiin maanta waxaa ku hoos baahan danyar Soomaaliyeed oo Aafada abuurta iyo uur ku taalada colaada ka soo barakacday.

Xaruntan waxa ay aheyd halkii looga dhawaaqay 1 July 1960 xoriyadii koonfurta Soomaaliya iyo midowgii labada gobal ee Waqooyi iyo koonfur, waxaana halkaasi markii ugu horeysay laga taagay Calanka Soomaaliya iyadoona laga siibay kii Gumeysiga Talyaaniga.

Soomaaliya 51-sano ee xoriyada loo tiriyo waxa ay soo martay seddex marxaladood oo kale duwan kuwaasoo kala 9-Sano oo xukun rayid ah, 21 Sano oo xukun Milatari ah iyo 21 Sano oo burbur qas iyo fawda ah, waxaana iminka muuqata in mar kale dib loogu laabtay Marxalad Gumeysi isla markaana taariikhda ay dib isu aqrin rabto.

Qorshahan Dalka uu iminka ku galay Gumeysiga Waxaa gar wadeen ka ah Dad magaca iyo Muuqaalka soomaali ka ah balse qalbiga wax kale ay uga talaalan yihiin, waxaana ugu weyn cudurka dadkaasi ay qabaan  xukun jaceyl, iyo maal jaceyl waxaana ay la tahay in wax walba ay ka horeyso Maalka iyo Mansabka.

Wax garadka Soomaaliyeed ee wadaniyiinta ah isla markaana dalka iyo dadka u diir naxaya waxaa la gudboon in ay sameeyaan qorshayaal bud dhigooda uu yahay samatabixinta dadka iyo Dalka, waxaana la gudboon si ay taasi u suurta gasho dajinta qorsha cad oo danta bulshada lagu saleeyay.

Hadaba Su’aasha is weydiinta mudan ayaa waxa ay tahay, xukunka Shariifyada ma mid Soomaaliyeed baa mise waa mid shaqsiyadeed? Maxayse kula tahay akhriste in xaalada labada shariif ay sal dhigan doonto? Fadlan aragtidaada noogu soo dir facebook.

Naciimo Xaaji Abdi - Keydmedia




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.